Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo laamaha ammaanka dalkaasi kala hadlay dilalka Soomaalida loo geysto.

Date:

Muqdisho (SNTV)-Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Ambassador Jamaal Maxamed Barrow ayaa booqasho ku tagay goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku yaala duleedka magaalada Pretoria ee caasimada dalka K/Afrika,  kuwaasi oo habeenno kahor lagu dilay laba ka mid ah ganacsatada Soomaalida 6-ruux oo kalena lagu dhaawacay.

Ambassador Jamaal Maxamed Barrow ayaa la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada, waxaana uu ka dhageysatay dhibaatooyinka ay la kulmayaan iyo cabsida soo wajahday maalmahii dambe ee ku aadan weerarada is daba jooga ah ee lagu laynayo ganacsatada Soomaalida ee deegaanadaasi ku leh goobaha ganacsiga.

Safiirka oo Soomaalida kula hadlayay qabuuraha muslimiinta ee magaalada Pretoria oo  aas loogu sameeyey muwaadinkii ugu dambeeyay ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay ayaa sheegay in uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidamada Police-ka ee xaafadda Soshanguve oo dilalkii ugu dambeeyay ay ka dhaceen, isla markaana uu kala hadlay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa burcadii dilalkaan geystay si sharciga loo horkeeno.

Jamaaal Maxamed Barrow ayaa ugu baaqay Soomaalida in ay u midoobaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaan soo laab laabtay ka safaarad ahaana ay diyaar u yihiin in ay kula xisaabtamaan laamaha ammaanka sidii sharciga loo horkeeni lahaa burcada ugaarsata Muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool magaalooyinka dalka Koonfur Africa.

Todobaadkii ugu dambeeyay gudaha dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay ilaa saddax Muwaadiniin Soomaali ah tiro ka badan 7 ruuxna waa lagu dhaawacay kadib markii kooxo burcad ah ay weeraro ku qaadeen goobo ganacsi oo muwaadiniintaasi ay ka shaqeynayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...