Wasiirka waxbarashada oo la kulmay jaaliyada mareekanka

Date:

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan, oo Safar shaqo ku jooga Dalka Maraykanka ayaa Xaflad lagu soo dhaweynayo loogu qabtay Hotelka Dhabal 3 ee Magaalada baluumintoon (Bloomington) Gobolka Minnesta ee Dalka Maraykanka.

Xafladdan oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Maraykanka oo ay hoggaaminaysay Ruun Saciid Qoorsheel.

Waxaa sidoo kale lagu casuumay xafladda madax ka soo shaqeysay wasaaradda wax-barashada wixii ka horreeyay bur-burka , waxanay ku fogaadeen heerka ay gaarsiisantahay wax barashada Gobolka Minnesota.

Macallin Saciid Saalax Axmed oo ka mid ah barayaasha Soomaaliyeed ee mudada dheer ku soo jiray wax barashada, isla markaana haataan Macalin ka ah Jaamacadda Minnesota ee Dalka Mareykanka ayaa ka ka sheekeeyey Taariikhda wax barashada Soomaaliya iyo heerarka ay soo martay.

‘Anigoo og Xilka ay hayaan culeyskeeda muddada 27 Sanadaha dib-u-dhaca ku dhacay hiigsiga Adduunyada,meesha aan ka joogno inta ay le’eg tahay iyo hakashada nagu timid,1989,waxaanu ka qayb-gallay oo bilowday meel Eeshiyadaas,(Waa meel ka mid ah qaaradda Asia) wixii la oranayey Tacliinta Adduunka,Wax-barashada loo dhan yahay, wuxuu socday 10 sanno xuskaasi,10-kaas Sano,Waxaa Caalamka la gaarsiinayay,in Qof kasta oo Muwaaddin ah oo Adduunka ku nool uu helo wax-barsho,ilaa heer Dugsi sare aqoon ahaan” ayuu yiri bare Siciid Saalax.

Siyaad Cali oo ka mid ah Guddiga wax-barashada Magaalada Minneapolis ayaa Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uga war-bixiyey Soomaalida iyo kaalimaha ay kaga jiraan wax barashada Gobolka Minnesotta.

“Waxaan ku faraxsannahay in uu Wasiirku noo yimaado,ayadoo kaalin fiican ay kaga jiraan Soomaalida Gobolkan hannaanka wax-barasho” ayuu yiri Siyaad.

Intaas kaddib Wasiir Wasaaradda Wax barshada hidda iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya, C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa war-bixin ka siiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed, guud ahaan xaaladda Horumarineed ee Waddanka iyo wax qabadka ay ku tallaabsatay Wasaaradda wax barshada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa inta uu sugnaa Gobolka Minnesota waxaa uu booqday Dugsiga sare ee South High oo ay wax ka bartaan Arday badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna u kuur galay, heerka wax barasho ee ay dhallinta Soomaaliyeed gaarsiisan yihiin.

Wasiirka ayaa Sidoo kale booqday xarunta Dowladda hoose oo uu ka soo dhaweeyey Guddoomiyaha Degmada Lixaad Mudane Cabdi Warsame, iyadoo uu war bixin ka siiyey xaaladda guud ee Soomaalida Gobolkaas iyo doorka ay ka qaataan arrimaha Bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...