Wafdi ka socday Dowladda Turki oo kormeeyay Xabsiga Dhexe

Date:

Dowladda Turkiga ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay hannaanka loo Daryeello Maxabiista  Xabsiga dhexe ee Xamar kaddib markii Danjiraha dowladdaas u fadhiya  Soomaaliya uu booqday Xabsiga.

Taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliyeed oo uu wehliyey Safiirka dowladda walaalaha ee Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku jiraan Maxaabiis kala duwan, laba masuul ayaana booqday Warshadaha Farsamada Gacanta ee Xirladda loogu abuuray Maxaabiista Soomaaliyeed ee halkaas ku xiran.

Meelaha sida gaar ah  loo soo indha-indheeyey waxaa ka mid Warshadaha soo saarta Qalabka Xafiisyada, Dharka iyo IWM.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u mahadceliyey Danjiraha dowladda Turkiga, sida ay mar walba kaalin mug leh uga qaataan taageerada Soomaaliya ee dhinac walba.

Safiirka Tukriga u fadhiya Soomaaliya Olgen Beker ayaa ammaanay sida hufnaanta leh ee loo dhiirogeliyo Maxaabiista, loona dhiso maskaxdooda, waxa uu sheegay in ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed, arrimaha Xabsiyada iyo Caddaaladdana ay ka taageerayaan.

Gabogabadii Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgen Beker ayaa la guddoonsiyey Haddiyad sharafeed uu ugu talogalay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana goob-joog ka ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal C/kariim Cali Afrax.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...