Dugsigii Jeneraal Goortan oo laga dhigay Kuliyad ciidan

Date:

Ciidammada ay tababareen walaalaha Imaaraadka Carabta oo loogu magac daray guutada Daljir kaddib markii maanta Kuliyadda Tababarada ciidammada ee Jeneraal Goordan uu kormeeray Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hal Guuto oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u tababaran si gaar ah  ayaa lagu diyaariyey Kuliyadda Jeneraal Goordan oo markii hore aheyd Dugsiga tababarrada ee ay gacanta ku hayeen macallimiin ka socotay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Guutadan ayaa loogu magac-daray Daljir, waxa ayna qeyb xoog leh ka qaadan doonaan  howlgallada ciidanka milatariga Soomaaliya ay wadaan.

Abaanduulaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo kormeeray Kuliyadda Jeneraal Goordaan ayaa shaaciyey in Qalab kala duwan oo ciidan iyo xarumo caafimaad lagu diyaariyey Kuliyadan isla markaana xarun ay u sii ahaan doonto Guutada Daljir ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidammada Daljir ee Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa loo dhameystiray qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen oo ay dowladda Soomaaliya  uga  mahad celisay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...