Eng: Yariisoow “Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare”.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Caddiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta kormeer ku tagey deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku yaalaan goobo lagu shubo qashinka laga qaado Caasimadda ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qof walba oo qashin ku shuba goobaha aan loogu talagelin.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in hadda wixii ka danbeeya qashinka lagu shubi doono godadka waaweyn oo loo sameynayo taas oo xal u noqonaysa qashinka faraha badan ee la dhigo goobaha ay bulshadu maraan.

“Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, waxaan shacabka Caasimadda ku wargelinaynaa wixii maanta ka danbeeya in qof walba oo qashin ku shuba goobaha aan loogu talagelin la gula xisaabtami doono”.Ayuu yiri Eng. Yarisow oo shacabka Muqdisho ku dhiirigeliyey in si wadajir ah loogu istaago nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Madaxweyne Xasan Sheekh’’ Xalka colaadda DRC waa in uu ku saleysnaadaa is-afgarad iyo nabad’’

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya iyo Turkiye oo bilaabaya hannaan iskaashi ee dhanka Macdanta (WARBIXIN

Munaasabadda lagu soo dhaweyayay Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis,...

Hamas iyo Israel oo maanta mar kale isweydaarsanaya maxaabiis

Hamas iyo Israel ayaa maanta isweydaarsanaya sadex maxaabiis oo...