Shirka Badqabka Suxufiga oo lagu soo gabagabeyay Muqdisho

Date:

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Ahna Wasiir ku xigeenka H.E C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa soo xeray shirkii Badqabka Suxufiyiinta oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday Muqdisho, waxaana laga soo saaray qodoba ay ka mid yihiin dhismaha Gudigga Qaran ee badqabka Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo koobnaanaya 11 xubnood, kuwaas oo ka kala imaanaya xubno ka tirsan Dowladda,Warbaahinta iyo Bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yooniis ayaa tallaabo guul ah ku tilmaamay go’aanada ka soo baxay shirka muddada labada maalmood u socday.

daneeyayaasha badbaadinta saxafiyiinta, waxayna go’aan ka gaareen qaab-dhismeedka howlaha iyo maamulka guddiga horkacaya Hab-Raaca, kuwaa oo ka socday Warbaahinta, dowladda, ururada xuquuqda aadanaha iyo bulshada rayidka, ayaa maalmihii Sabtida iyo Axadda ee 21 iyo 22 April 2018 ku kulmay magaalada Muqdisho si ay u abuuraan Hab-Raaca qaran ee badbaadinta saxafiyiinta.

Kulanka oo ay qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa taageerayaan UNESCO iyo hey’adaha caalamiga ah ee caawiya Soomaaliya ururka ay ku midoobeen ee Taageerada Warbaahinta Soomaaliya (SMSG). Waxay jawaab ka soo saareen qaabka loola tacaali karo dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta ee aan loo ciqaabin ciddii ka dambeysay.

Kulanka labada maalmood qaatay ayaa qeybaha warbaahinta ee dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayen waxay ka tashteen sida ugu wanaagsan ee loo abuuri karo Hab-Raac ay ku dhan yihiin dhamaan daneeyayaasha badqabka saxafiga iyo sidii dowladda looga taageeri lahaa la tacaalidda arrimaha la xiriira tallaabo ka qaadis la’aanta dambiilayaasha aan la ciqaabin ee geysta dambiyada lagula kaco saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa si wadar-ogol ah ugu codeeyay in la sameeyo Guddiga Qaran ee Xiriirinta howlaha Badqabka Saxafiga oo ka koobnaan doona 11 xubnood oo loo qeybsanayo sida soo socota:

4 xubno matalaya  dowladda.

4 xubno matalaya warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo ururadooda.

3 xubno matalaya ururada bulshada.

Dhinaca maamulka guddiga waxaa guddoonka qabanaya Guddoomiye ka socda Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Guddoomiye ku xigeen, waxaa ka noqonaya xubin ka socda ururada bulshada, iyadoo Xoghayaha Guud uu qaban doono xubin ka socda ururada warbaahinta dalka.

Go’aanada guddiga waxaa si wadajir ah u gaaraya sadexdan xubnood Ugu yaraan sadex xubnood oo dumar ah, ayaa la go’aamiyay in ay ku jiraan guddiga ka kooban 11-ka xubnood.

La socoshada xaaladda amni ee saxafiyiinta Soomaaliyeed

  • Diiwaangalinta saxafiyiinta
  • Taageerada saxafiyiinta
  • U doodidda xuquuqda saxafiga
  • Abuuridda Telefoon ay toos u soo wacaan saxafiyiinta qatartu soo wajahdo.
  • Abuuridda santuuqa badbaadinta saxafiga.
  • Uruurinta taageerada bulshada iyo dhiirigalinta warbaahinta.
  • Bilaabidda barnaamijyo wacyigalinta ee saxafiyiinta
  • Daabacaadda Buug-yaraha Badbaadada Saxafiga.
  • Abuuridda Nidaam sharci ee Badbaadada saxafiga.
  • Kobcinta aqoonta saxafiyiinta.
  • Baaridda dambiyada loo geysto saxafiyiinta.
  • La socodka iyo qiimeynta howlaha saxaafadda

Kulanka ayaa isku raacay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay qaadato mas’uuliyadda isugu yeeridda kulamada daneeyayaasha badqabka saxafiga iyo sidoo kale Guddiga Qaranka ee Xiriirinta badqabka saxafiga.

Daahfurka kulanka Daneeyayaasha badqabka saxafiga ee Soomaaliya ayaa ka dhashay Go’aanada bishii November 2017 lagu gaaray magaalada Nairobi.

kuwaas oo qodobadii ka soo baxay ay ka mid ahaayeen sameynta nidaamka xiriirinta daneeyayaasha badqabka saxafiga oo ay ka mid ahaanayaa sadexda qeybood ee dowladnimada (Fulinta, Sharci-dejinta iyo Maxkamadaha) iyo dhamaan daneeyayaasha kale ee warbaahinta ee u xilsaaran ilaalinta iyo difaaca xoriyatul-qowlka, xoriyadda saxaafadda, helitaanka xogta iyo badbaadinta saxafiga ee dalalka si waafaqsan sharciyada qaran, gobol iyo Hay’addaha caalamiga ah sida qaraarkii 29 ee Shirkii Guud ee UNESCO.

kulankii 29-aad ee ka dhacay magaalada Paris bishii November 1977, kaasoo Agaasimaha Guud ee UNESCO ku cambaareeyay xadgudubka ka dhanka ah weriyayaasha dalalka xubnaha ka ah iyo in la helo goob cilmiga iyo la xisaabtanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...