Shan musharax oo isku diiwaan geliyay qabashada xilka gudoonka golaha shacabka.

Date:

Ilaa shan musharax oo u taagan qabashada kuriga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS ayay maanta diiwaan geliyeen oo ay siiyeen shahaadooyinkooda musharaxnimo Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Gudiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo gelinkii dambe ee maanta la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in is diiwaan gelinta musharixiinta ay si wanaagsan ku bilaabatay, wuxuuna ku wargeliyay Xildhibaanada musharxiiinta ah ee aan weli is diiwaan gelin in ay heystaan oo keliya maalinta ah beri ah.

Musharaxixiinta maanta shahadooyinka la guddoonsiiyay waxa ay kala yihiin:-

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow

Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed

Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....