Home Blog Page 1337

WAR-BiXIN:-Haweenku Waa udub dhexaadka Bulshadeenna

0

Muqdisho(SONNA):–Dal walba waxaa dhisa oo wax ka dhiga bulshadiisa, waana taa midda lagu gaaro horumar iyo baraare,

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa Haweenka soomaaliyeed  maadaama ay yihiin laf-dhabarta bulshada waxay kaalin muuqda oo aan la ilaawi Karin ku leeyihiin bulshada dhexdeeda,inkastoo Haweenku ay yihiin hooyooyin, gabdho ugub ah iyo carmalo, hadana waxaad arkeysaa iyagoo u tafaxeydanaya sidii ay qeyb libaax leh uga qaadan lahaayeen isla-markaana door firfircoon uga ciyaari lahaayeen dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalidda dalkeenna Hooyo.

 Qormadan ayaan waxaan uga hadli doonnaa Kaalinta ay dumarkeennu ku leeyihiin bulshadeen, inagoo qodob qodob isu dultaagi doonna dhinacyada ay  Haweenka kaga jiraan  Arimaha siyaasada Nabadgalyada , dib u heshiisiinta, waxbarashada,Ganacsiga iyo halgankii xornimada ee dalka.

Siyaasada

Haweenka soomaliyeed qeyb libaax leh ayey  ku leeyihiin Arimaha siyaasada ee dalka, iyadoo ay muuqato kaalintooda ka mid ahaanshaha dowladihii dalka soo maray, gaar ahaan kuwii  ugu dambeeyey ee burburka kadib, Arintaasoo ka dambeysay sababao badan oo ay kamid yihiin iyagoo fahmay arimaha siyaasadda, islamarkaana ku biiray kuliyadaha lagu barto  Arrimaha siyaasadda Iyo waliba soo badashada  dadaalada lagu dhiiragalinayo  in haweenku ay qeyb ka noqdaan arrimaha siyaasadda, arimahaas oo is biirsaday ayaa keenay in haweenku ay xusul duub u galaan inay kaalintaas buuxiyaan.

Waana taas midda keentay in dawlada haatan jirtaa ay u garawdo haweenka kaalin muuqatana ka siiso barlamaanka, xukuumada, iyo hay’adaha kale ee dawliga ahba.

Nabadgalyada

Maadaama wax kasta nabadu ay fure  u tahay la’aanteedna aanan la noolaan Karin ayaan dhihi karnaa Dumarka somaliyeed tan iyo bariisamaadkii iyo ka horba waxay u tafaxeydanayeen sidii dalku uu u heli lahaa nabad waarta oo lagu naaloodo,

Sanadihi ugu dambeeyey ee dalku ku jiray colaadaha iyo dagaalada sokeeye ayaa  haweenka somalida waxay door fiican ka ciyaarayeen sidii colaadahaas loo dhameyn lahaa loona nabadeyn lahaa beelaha is-dagaalaya, iyagoo fidiyey gogolo  lagu dhameynayo Colaadahaas.

Dib uheshiisiinta

Sidaasi si la mid ah ayey waxay Dumarkeennu ka qeyb qaateen Dib u heshiisiinta, iyagoo isu keenayey cidkasta oo dagaal ama gacan ka hadal uu dhexmaro, waxaanay  haweenku qaybtooda ka ciyaaraan dib u soo celinta nabadda,iyagoo suugaan ku cabiraya muhiimada dib-u heshiisiinta iyo sida aan looga maarmeyn.

Waxbarashada

Inkastoo Xilliyadii hore aaney haweenku  ku badneyn Goobaha waxbarashada ee dalka sababo la xiriira saameynta dhaqanka soo jireenka ah iyo waalidiinta qaar oo aan gabdhaha u ogolaan inay gabdhahooda fursadaha wabarashada ka qeybgaliyaan ayaa waqtiyadi ugu dambeeyey ay haweenku rikoorkaas jabiyeen, waxayna buuxiyeen goobaha waxbarashada maadiga iyo kuwa diiniga ahba.

Waxaana marka aad booqato iskuulada iyo jaamacada dalka kuyaala aad ku arkeysaa gabdho badan oo fadhiya safafka hore ee fasalada  si wayn ugu dadaalaya inay waxbartaan,

Waxaana Siyaabaha keenay in dumarku ay iskuulada iyo jaamacadaha kubataanna kamid ah, waalidiinti oo fahmay muhiimada waxbarashada ee aadaana iyo sida aaney usineyn qofka waxbartay iyo kan aanan baran, iyo doodaha looga hadlayo waxbarashada gabdhaha oo batay iyadoo uu dhaqangalmay, halkudhigga ah { Gabar wax baratay waa Qaran waxbartay, wiil waxbartayna waa qof waxbartay}.

Ganacsiga

Kadib burburkii iyo qalalaasihi kadhacay wadanka ayaa Allaah kasokow waxaa dalka iyo dadkaba badbaadiyey haweenka, waxayna buuxiyeen kaalintii aabayaasha ee kasoo shaqeynta bannaanka, Iyadoo gabar walba ay kudadaashay sidii quutul yoonka reerkeeda ay  ugusoo dhicin laheyd, arintaas ayaana keentay in tan iyo intaas ay haweenku ganacsadaan oo ay si wayn suuqyada uga dhexmuuqdaan.

 

Xornimada iyo halgankii gobonimo doonka

Xornimada iyo halgankii gobanima doonka ee dalka haweenku waxay kagaleen baal dahab waxaana jirtay in haween badan oo somaliyed ay kuwaxyeeloobeen naftoodana kuwaayeen kadib markii gumeystihi dalka katalinayey ay dhibaato kala kulmeen.

Sikastaba waxaa maragmadoonta ah in haweenkeenu ay kaalin muuqata oo firfircoon kudhexleeyihiin bulshada somaliyed islamarkaana ay markasta jecelyihiin inay dadaalkooda sii labalaabaan.

W/Q  Amina ladan Axmed Cali

Sacuudiga oo soo dhaweeyey wadahadallo lala galo Madaxweynihii hore ee Yamen Cali Cabdalla Saalax

0

Isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa soo dhaweeyay hindasa uu soo jeediyay madaxwaynihii hore ee Yamen, Cali Cabdulle Salax, oo dalbaday in wadaxaajood lala galo.

Bayaan ay soo saartay xukuumadda Sacuudiga ayay ku ammaantay rabitaanka mr Salax ee wadaxaajood uu la galo xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo.

Ciidamada madaxwaynihii hore ee Yamen Cali Cabdale Salax iyo Xuutiyiinta ayaa ahaa isbahaysi dagaal kula jira sacuudiga iyo xulufadiisa.

Hogaamiyaha fallaagada Yemen ee gacanta ku haysa Sanca, madaxweynihii hore ee waddanka, Cali Cabdalla Saalax, wuxuu TV u sheegay inuu doonayo inuu wadahadal la yeesho xulafada uu Sacuudigu horseedka ka yahay ee taageeraya dawladda caalamku aqoonsan yahay.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxa uu dagaal ka dhex qarxay Xuutiyiinta iyo xoogagga taabacsan mr Salax.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa cambaareysay soo jeedinta madaxwaynihii hore ee Yamen uu soo jeediyay wadahadal lala galo Sacuudiga.

Dagaalo dad ay ku dhinteen oo wali ka socda dalka Yamen

0

Waxaa wali ka soconaya magaaalada caasimadda ah ee Sanca ee dalka Yamen, dagaalo u dhaxeeeya kooxaha falaagada Xuutiyiinta iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Yaman Cali Cabdalla Saalax.

Dagaaladan cusub ayaa waxaa ku dhintay tobanaan qof boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Iska hor imaadkan u dhaxeeyo xuutiyiinta ay barataareyso Iran iyo taageerayasha madaxweynihii hore ee Yamen Cali Cabdalla Saalax, ayaa bilowday maalintii Arbacada.

Labadan dhinac ayaa mid walba waxa uu doonayaa inuu gacanta ku dhigo goobo istaraatiiji ah sida dhismayaasha wasaaraddaha iyo madaarka caalamiga ah ee Sanca.

Illaa iyo haatan, labadan dhinac ayaa wali dagaal kula jira isbaheysiga uu hoggaaminayo Sucudi Carabiya oo si weyn u taageera xukuumadda Yamen ee dibad-jooga ah.

Dhanka kale, dowladda Sucudi Carabiya ayaa soo dhaweysay hadal kasoo yeeray Cali Cabdalla Saalax oo ah inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Isbaheysiga.

Basle Xuutiyiinta ayaa cambaareeyay hadalkaan uu ku dhawaaqay madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.

Golaha wasiirada cusub ee Zimbabwe oo la dhaliilay

0

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe ayaa badalay labo wasiir oo ka tirsan golaha cusub ee dhowaanta uu soo magacaabay.

Dhowr maalmood ayaa laga joogaa markii Mnangagwa uu ku dhawaaqay gole wasiiro ah oo badali doona kuwii hore.

Balse waxaa dhaleecayn loogu soo jeediyay in gollahan cusub ay ku jirraan saraakiil meleteri iyo wajiyo hore oo siyaasada aan ku cusbayn.

Waxaana hadda la badalay labo wasiir iyadoo aanba xitaa la dhaarinin. Lazarus Dokora oo waxbarashadda loo magacaabay ayaa ka mid ah.

Waxaa sidoo kale jirra culays xaga dastuurka ah oo oranaya in la xadido tirada gollaha wasiirada aanan xilibaanada ahayn.

Mnangagwa waxa uu xilka kalawareegay madaxweynihii hore ee Zimbabwe ee xukunka hayay ku dhowaad afartanka sano.

Zimbabwe waxaa mudaba la harray dhaqaale xumo iyo cadaadis uu keenay xukunkii Robert Mugabi oo dhaleecayn badana caalamka kala kulmayay

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika “SAWIRRO”

0

Cape Town (SONNA) Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in koox hubeysan ay ku dhex dileen gaari uu watay xili uu kusii jeeday Dukaankaankiisa oo ku yaalay deegaanka Khayelitsha ee hoosyimaada magaalada Cape Town ee dalka South Africa.

Shaqsiga la dilay ayaa waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano magaalada Cape Town iyo nawaaxigeeda, waxaana lagu magacaabi jiray Axmed shire Nuur (Miig shire).

Qof goob jooge ahaa oo aan la hadalnay ayaa sheegay in dilka muwadinkaasi Soomaaliga ah sababta keentay uusan ahyen isir naceyb balse waxay u badantahay in ay ahaayeen dadka dilka geystay kuwa doonayay iney dhacaan hanti saarneyd gaariga maadaama uu sanadku dhamaadyahay oo xillilyadaan oo kale uu kordho dhaca iyo dilka.

Ciidamada booliska dalka South Africa ayaa wada baaritaanno arrintaasi ku aadan oo lagu raadinayo dambiilayaasha geystay falkaasi dilka ah ee argagaxa leh.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey aheyd markii laba wiil oo walaala ah lagu dilay deegaan u dhaw magaalada Johannesburg ee dalka South Africa, kuwaas oo hal dukaan ka wada shaqeeynayay, waana astaan muujineysa in uu markale uu soo badanayo dilalka iyo dhaco loo geysto dadka ajaanibta ah ee ku nool dalka South Africa, waxaana Ciidamada ammaanka ay xaqiijiyeen in bisha December ee sanadkasta ay kordhaan dilalka, dhaca iyo shilalka gawaarida.

R/wasaare Kheyre oo ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka Xukuumadda

0

Muqdisho(SONNA):–Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa  ka qeybgalay Munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka Xukuumadda iyo Geedi socodka hanaanka dowladda oo Caawa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta Ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo Markii la magacaabay iyo howlaha u qorshayeysan waqtiyada soo socda .

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Munaasabadda ayaa soo hadal qaaday waxyaabihii ka qabsoomay Aminga,Waxbarashada, Maaliyadda Dalka, Socdaalka,Qorshaha Qaranka iyo Arimaha bulshada.

“Waxaan u mahadcelinayaa Dadkii soo qaban-qaabiyay Munqasabaddan qiimaha Badan ,qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee Halkan Ku soo bandhigay waxa u qabsoomay waxay qeyb ka tahay isla-xisaabtanka, Wasiirada kale ee meesha ka maqan bisha soo socota ayaa iyagana halakan la  keenayaa, Amniga waxbadan ayaa laga qabtay waxna wey ka harsanyihiin ,tan iyo bishii Janaayo ilaa hadda mushaaraadka shaqaalaha waan bixinay waana wax Cusub muddo ka badan 27 sano” ayuu yiri R/wasaaraha XFS

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay Xukuumadiiso Dadaal ugu jirto sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Dalka, si dalka uu isugu filnaado, isagoo soo hadal qaaday in Xukuumadda ay wado dadaal lagu dhisayo Ciidan Qaran oo hanta Amaanka guud ee Dalka.

“Waxaan dadaal ugu jirnaa sidii loo heli lahaa Ciidan Qaran oo tayo leh waxaana Ku guuleysanay in aan ciidanka u tirino hal hal, hadii ciidan Qaran lahelo waxaa imaanayo in lahelo Amaan lagu heli karo Cadaalad is doorasho magaalo ilaa tuulo iyo in loo tartamo xisbiyo ,waxaana bulshada qeybaheeda kala duwan ka codsananeynaa  in ay kaalin ka qaataan Arimahaasi” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Maaliyadda oo shacabka uga warbixiyay Miisaaniyadda sanadka 2018-ka”Sawirro

0

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta ka qayb galay kulan ka dhageysiga Dadweynaha ee Miisaaniyadda 2018 ka.

Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Su’aalo si toos ah Caalamka looga daawanayay wiidiiyay Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu hor kacayay Wasiir Bayleh.

Barnaamijka dhageysiga Dadweynaha ee Miisaaniyadda 2018 ka waxaa sidoo kale su’aalaha qeyb ka ahaa Dadweyne ka socday Bulshada qeybeheeda kala duwan oo doonayay in ay helaan turxaanbixin ku saabsan kororka Miisaaniyadda ee Adeegyada Bulshada sida Waxbarashada iyo Caafimaadka.

“Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an in si hufan oo wadaninimo ah loogu shaqeeyo Qaranka, waxaa kale oo sharaf ii ah in si daahfuran aan Dadweynaha ula wadaago Miisaaniyadda 2018-ka” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Miisaniyadda 2018 waxaa hore u soo meelmariyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyadoo hada ay hortaalo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Misaaniyadda 2018 waxa ay uga duwantahay Miisaaniyadihii hore ee Dalka soomaray labo arrin oo kala ah,

  1. In lagu daro qoondada Adeega Dadweynaha, sida Caafimaadka iyo Waxbarashada
  2. Waa markii ugu horeysay ee Taariikhda oo bulshada Soomaaliyeed laga talo geliyo miisaaniyad Qaran, waana sababta maanta laagu qabtay munaasibad si toos ah Warbaahinta looga daawanayay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo lagu soo dhaweeyay garoonka Muqdisho(SAWIRRO)

0

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Waxaa Garoonka Aaden cade ee magaalada muqdisho ku soo dhaweeyay xildhibaanda Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,Guddoomiye ku xigeenka koowad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, guddoomiya ku xigeenka labaad ee Aqalka sare Mowliid Xuseen Guhaad iyado guddoomiyaha Aqalka sare uu safar caafimad ugu  maqnaa dalka turkiga,

Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddoomiyaha Aqalka sare  ayaa sheegay in xaaladisa caafimad ay wanaagsantahy  isbitaalada dalka Turkigana uu ku booqday qaar ka mid ah dadkii ay dhaawacyada ka soo gaaren xasuuqii isgoyska Soobe ka dhacay 14kii October,isagoo xusay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsantahay.

“Waxaan  u mahadcelinaya safaaradda  dowladda an walalaha nahay ee Turkiga oo gacan ka geysatay  xaaladeyda caafimaad iyo xildhibaanda labada Aqal ee igu soo dhaweeyay magaalada muqdisho “ayuu yiri  Cabdi Xaashi Cabdullahi guddoomiyaha Aqalka Sare ee soomaaliya.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Akhriso: Warbixin Mareykanka uu ka soo saarey xaaladda Soomaaliya

0

Africom(SONNA) War ka soo baxay taliska ciidamada militariga Mareykanka ee Afrika ee (Africom) ayaa siweyn loogu ammaanay rajada dowladnimo ee Soomaaliya,iyadoo warbixintaasi lagu sheegay in hoggaanka cusub ee Dowladda Soomaaliya uu yahay midka ugu wanaagsan ee dhinaca rajada horumarineed ee dalka Soomaaliya oo ay ku tilmaameen in uu soo afjari dooni marxaladah adag ee dalka uu kujiro.

Militariga Mareykanka ee Afrika ayaa dowr weyn ku leh howlgalada ballaaran oo lagula dagaalamaya maleeshiyada Shabaab,iyagoo xoojinaya ciidanka Xoogga Dalka oo dagaalka kula jira SHabaab.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dowladda cusub ee Federaalka Soomaaliya ay dadaal kasta ku bixinayso sidii nabad iyo xasilin waarta loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya,islamarkaana Dowladda Mareykanku ay sii wadi doonto taageeradeeda ku aadan dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

“Siyaasadeenu waa in aan taageerno dadaalad aay hormuudka ka tahay Dowladda Soomaaliya ee ah in horjoogayaasha iyo maleeshiyada Shabaab lagu dhiiro-gelinayo in ay is soo dhiibaan, lana soo afjaro Shabaab,anagana taageero ayaan la garab taaganahay dowladda.’’ Ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Africom.

Taliska Militariga Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ilaa 9 weerar ay fuliyeen bishii tagtay,taasi oo tirade guud ka dhigaysa 30 weerar oo la qaaday sanadkan,iyadoo mareykanka uu kordhiyay weerarada lagu bartilmaameed-sanayo Alshabaab.

Gen. Thomas Waldhauser oo ah taliyaha ciidamada Militariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in hadafka uu damacsanyahay Mareykanka uu yahay sidii loo heli lahaa dhul nabad ah,dib u heshiisiin iyo dowladdu ay cageheedi isku taagto.

Thomas Waldhauser ayaa yiri,”Sababta ku ka lifeyso Mareykanka in uu bixiyo dadaaladan ayaa ah in rajada laga qabo dowladda cusub oo uu hogaaminayo madaxweynaha Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ay noqoto mid isku soo celisa midnimadii Soomaaliya,maadaama dalka uu ku jiray xaalada bur-bur ah oo muddo ku dhow 30 sano,kana mid yahay wadamada caalamka ee  uu ka jiro musuqa.

Maxamed C/llaahi Farmaajo,waxaan ku taageeraynaa hadafkiisi ah in uu u istaagay in uu la dagalaamo musuq-maasuqa,waa qof howlkar ah waxbadan ayuu degnaa Mareykanka kana soo shaqeeyey ka hor inta uusan noqonin madaxweyne,sidoo kale dadaalka qeyb ka mid ah waxaa uu yahay in sare loo qaado cududa ciidanka Qaranka Soomaaliya,taasi oo sahlaysa in howlgalka AMISOM ay kala wareegaan ammaanka dalka,”Ayuu yiri Mr Waldhauser.

Warbixintan ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in saraakiisha Midowga Afrika ay la dhacsan yihiin guulaha militari ee ciidamada Soomaaliya,kuwaasi oo la qorsheynayo in ay dhawaan hantaan ammaanka guud ee dalka marka ay baxaan ciidamada AMISOM.

Mareykanka ayaa haatan waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 500 oo askari,kuwaasi oo ka taageera ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM howlgalada ciidan.

Wasaaradda Kaluumeysiga ee Jubbaland oo tababar usoo xirtay qaar kamid ah Kaluumeysatada Jubbaland

0

Wasarada Kaluleysiga iyo Qayraadka Badda Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa Maanta Tababar Mudo 3 Maalmod uga Socday Hotel Qiilmaaye 50 Kalumeysato oo Laga Soo Xulay Jaziiradaha Raaskamboni, Buurgabo, Kudhaa, Madhabo, Juulo Jawaay iyo Istanbuul. Koyaame  ugu Soo Xirtay Magalada Kismaayo.

Tababarkan ayaa Lagu Baraaye 50 ka Kalumeysato Ee Laga Soo Xulay Jaziiradaha Gobolka Jubbada Hoose sida Loga Hortagi Lahaa Xaalufinta Qeyraadka Badda  iyo Sidii Loo ilaalin Lahaa Ugxaanta Qubada, Argosatada iyo Kalluunka Yar Yar Ee Aan Loo Baahneyn in Laga Soo Saaro Badda.

Qaar ka Mid ah Kalluleysatada Muda 3 da Maalmod Tababarka Qaatay ayaa Shegay inay Wax Weyn Ka Fa,iideyseen Tababarka iyagoona Shegay in Markii Hore ay Soo Saari Jireen ugxaanta Qubada Argosatada iyo Kallunka Yar Yar Laakin Hada ay Aqoon ay u Yeesheen in ay Mamnuuc tahay in Bannanka Loo Soo Saaro

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta  iyo Isgaarsiinta Dowlad Goboledka Jubaland  Cabdi Nuur Cali adan oo Xiritanka Tababarka Ka Hadlay ayaa Shegay inay Muhiim Tahay in Tababaro Badan La Siiyo Kallumeysatada si ay oga Hortagaan Xaalufinta kheyraadka Badda

Wasiirka Wasarada Kallumeysiga iyo kheyraadka Bada  Ibraahim xasan cabdi  Baajuun oo Gaba Gabadii Tababarka Soo Xiray ayaa Kula Dardaarmay 50 ka Kallumeysato Ee Tababarka Loo Soo Xiray in Waxa ay Barteen ay Oga Faa ideyaan Bulshada Kale Si Loo ilaaliyo Qeyraadka Badda.