Kheyre: “Waxaan diyaar u nahay in aan fulino balanta idinka qaadnay”.

Date:

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Washington oo uu ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle la isku raacay in Soomaaliya ay soo gaartay meel wanaagsan oo aduunyada ay u riyaaqday.

Sidoo kale Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in masuuliyiintii Hay’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga dhexe ee magaalada Washington uu kula kulmay Wasiirka Maaliyadda isku afgarteen in Soomaaliya loo yagleelo lacagta Shilin Soomaaliga.

“Sanad ka hor waxaan ka balanay inaan rabno inaan wax ka qabano dhaqaalaha wadanka maalmo ka hor waxaa magaalada Washington shir uga qeyb galay wasiirkeena Maaliyadda, halkaasi waxaa la isku raacay Soomaaliya iney soo gaartay meel aduunyada aanu maleynin inaan gaarno sanad ka dib, halkaasi waxaa la isku raacay in dib loo yagleelo shilinka Soomaaliga waxaa la isku raacay in dib loo dhiso loona habeeyo bangigeena dhexe” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Waxaa la isku raacay in Bankiga aduunka iyo dalalka dunida qaarkood sida Midowga Yurub bilaabi doonaan in Malaayiin dollar ugu deeqaan Soomaaliya Akoonka Dowladdana lagu soo shubi doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...