Gen. Bashiir Ameeriko oo kulan dhiiri gelin ah Djibouti kula qaatay Kooxda Kubadda Cagta ee Banaadir Sports Clup

Date:

Djibouti (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Taliyaha hoggaanka Baarista dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, ayaa kulan dhiiri gelin ah dalka Djibouti kula qaatay Kooxda Kubadda Cagta ee Banaadir Sports Clup oo ka dheesha Horyaalka Seera A ee Soomaaliya.

Kooxdaan, ayaa dalka Djibouti u timid inay ka qeyb galaan Koobka wadamada Jaamacadda Carabta oo dalkaasi ay ka socoto hadda, waxaana Kooxda Banaadir Sports Clup habeen hore ay la dheeleen koox ma taleysay Jabuuti, ciyaartaasna waxay ku dhammaatay 1-1 ama Bar bar dhac.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa ku dhiir geliyey kooxdaan inay sii laba jibaaraan dadaalkooda, isaggoo xusay in tusaale ay u yihiin Qaranka, ayna la yimaadaan kulamada soo socda ciyaar wanaag.

Kooxda Kubadda Cagta ee Banaadir Sports Clup, ayaa habeenka dambe waxay la cayaari doonaan Koox ka socota Dalka Camaroos, waxaana hadda ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyey ee kulankaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...