Soomaaliya oo u gudbaysa wajiga 3-aad ee hanaanka cafinta daymaha

Date:

Wasiirka maaliyadda xukuumadda FS mudane C/raxmaan Ducaale Bayle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay ku kulmayaan madaxda hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Waxa ay ka wada hadlayaan geedi socodka maaliyadeed ee Soomaaliya u fududaysanaya in laga cafiyo Balaayiin Doller oo lagu leeyahay, waxaana lagu wadaa in halkaasi lagu saxiiso SMP3 (Staff-Monitored Program) oo ah wajiga 3-aad ee shuruudaha la doonayo in Soomaaliya ay buuxiso si lacagahaasi looga dhaafo.

Sanad iyo barkii la soo dhaafay waxaa wasaaradda maaliyadda xukuumadda FS ay ku guulaysatay inay fuliso dhammaan shuruudihii ku xusnaa SMP1 iyo SMP2, waxaana hay’adaha dhaqaalaha dunidu ay hadda dawladda Soomaaliya ula fal galayaan inay tahay mid la aamini karo hanaankeeda maamulka maaliyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...