Muqdisho(SNTV);– Raโiisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kusoo dhoweeyey Guddoonka Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Sheikh Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Mahad Cabdalla Cawadย waxayย ku balameen in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
โXafiiskeyga ayaan kusoo dhaweeyey guddoonka Golaha shacabka. Waxaan ku ballanay in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka,โ ayuu yiri Raโiisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.
30-ka bishii April ee aan ka soo gudubnay ayay ahayd markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ka dib doorasho ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.