Wafdi ka socda hay’adda Gargaarka Boqorka Sucuudiga oo Muqdisho soo gaaray

Date:

Sii hayaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo arrimaha Bani’aaddanimada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay wafdiga ka socday hey’adda gargaarka boqor Salmaan ee dalka Sucuudiga.

Madaxa wafdiga  ka socda hey’adda Boqor Salmaan ee dalka Sucuudiga Maxamed Deyman oo isaga iyo wasiirka gargaarka iyo arrimaha bani’aaddanimada xukuumadda F. Soomaaliya  ay saxaafadda kula hadleen garoonka Aadan  Cadde ayaa sheegay in u jeeddada ay dalka u yimaadeen ay tahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen arrinaha bani’aaddanimada,  gaar ahaan afurinta dadka danyarta ah maddaama ay soo dhawdahay bilashada bisha fadliga iyo kheyrka badan ee Ramadan.

Ku simaha wasiirka wasaaradda  gargaarka iyo arrimaha Bani’aaddanimada xukuumadda F. Soomaaliya ahna wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Cilmi Cumar Ceysane oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wafdigan ka socda dalka Sucuudiga ay dalka u yimaadeen sidii ay wasaaradda gargaarka iyo arrimaha bani’aaddanimada ugala shaqeynlahaayeen howlaha lagu caawinayo ummadda Soomaaliyeed.

Imaatinka wafdigan ka socda hey’adda gargaarka boqor Salmaan ee dalka Sucuudiga ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan howlo loogu gurmanayo dadka ku barakacay fatahaadda wabiyada ee ku kala nool deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraaniyo Gedo, iyadoo waliba ay maalmo yar ka dhimantahay bilashada bisha barakeysan ee Ramadanka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...