Shir looga hadlayo in la helo sharci mamnuucaya dhoofinta dhuxusha oo ka furmay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV) Shirkan oo looga hadlayay ka hortaga Jarista dhirta iyo Dhoofinta Dhuxusha ayaa waxaa ka qeybgalay Hay’adaha Qaramada Midoobay, Dowladaha taageera Soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo Mas’uuliyii ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in jarista dhirta ay waxyeelo ba’an ugeysatay gayiga Soomaaliya iyo in dhuxusha dalka laga dhoofiyo ee shan laab ka badan tahay tan dalka gudihiisa lagu isticmaalo.

“Waxay dhibaato weyn ku keeneyaa Xoolihii dhirta hadaynan jirin deegaanka qurux ma yeelanayo, dhirta hadaynan roob la heli maayo abaarihii waa weynaa ee dalka ku dhuftay ayaa soo laalabanaya marka waa inaan raadinaa habab kale oo isticmaalka gudaha ee tamarta loogaga maarmi karo”ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenku in ay isku dayayaan in la sameeyo sidii ay u meelmarin lahaayeen sharci mamnuucaya jarista dhirta.

Peter de Clercq. oo ah ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashaan doonaan qaabkii loo heli lahaa ilo kale oo lagu daboolo isticmaalka dhuxusha.

Dhanka kale waxaa shirka laga sheegay in dhuxusha laga dhoofiyo dalka ay dhaqaalo badan ku qabaan kooxaha argagixisada.

Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa in labo maalmood uu ka socdo magaalada Muqdisho, iyada oo la filayo gaba gabadii in laga soo saaro qodobo muhiim u ah joojinta xaalufka lagu hayo deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...