Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Gudiyada Barlamaanka

Date:

Gudoomiyaha golaha shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xarunta guddoonka iyo gudiyada ee Villa Hargeysa kulamo gaar gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah gudiyada golaha shacabka ee Baarlamaanka Dalka.

Gudiyada uu maanta gudoomiyaha golaha shacabka la kulmay ayaa waxaa ka mid ah gudiyada Maaliyada, Arrimaha gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka, waxaana gudi walba uu ka wareysanayay howlaha uu qabto qorshayaasha hada u degsan, sidoo kale gudiyadan ayaa gudoomiyaha usoo bandhigayay qorshe-howleedkooda.

Dhinaca kale Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa isla Xarunta Villa Hargeysa kulan kula qaatay Madax ka socotay Hay’adda Mex-Plan oo ka mid ah hay’adaha taageera Baarlamaanka Dalka ,waxayna kala saxiixdeen heshiis wada shaqeyneed oo u dhexeeyso hay’adahaas iyo Baarlamaanka Dalka sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka 

“Maanta waxa uu gudoonmiyaha golaha shacabka la kulmay qaar ka midaa gudiyada barlamaanka waxa ayna ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaay howsha ay hortaal, iyadoo dhanka kale gudoomiyaha uu heshiis tageernimo iyo wada shaqeeyn la saxiixday Hay’adaha Mex-Plan oo barlamaanka gacan buuxda ka siiya hormarinta xildhibaanada golaha shacabka” ayuu yiri xoghayaha barlamaanka soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...