Eng. Yarisow, oo kulan la qaatay Danjiraha dawladda Norwey u fadhiya Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV)-Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha obolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa  kulan la qaatay Danjiraha Dawladda Norwey u fadhiya Soomaaliya Vebjorn Heines.

labada masuul ayaa ka wada hadlay xal-u-helidda arrimaha Barakacayaasha ku nool gudaha, daafaha iyo horumarinta caasimadda

Duqa Caasimadda ayaa uga warbixiyey horumarka  dhinacyada kala duwan leh oo ay  ka sameeyeen maamulkiisu, gaar ahaan xuquuqul insaanka, dawlad wanaagga, nabadda iyo qorshihiisa ku aadan sidii horumar wax ku ool ah loo gaarsiin lahaa magaalada Muqdisho.

Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey Norwey sida ay ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysato dadaallada lagu caawinayo bulshada nugul ee gurmad u baahan, waxuuna tilmaamay in guullo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha barakacayaasha, gaar ahaan dajinta qorshaha mustaqbalka looga fekerayo 4ta sano ee soo socota in loo helo dib-u-dajin dhameystiran barakacayaasha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...