Shir looga hadlayay qabyo qoraalka sharciga doorashooyinka oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV)- Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay sharci yaqaano ka kala socda Gobollada dalka, Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xaduudaha, Wasaaradda Cadaaladda iyo Wasaaaradda Dastuurka.

Ka qeyb galayaasha kulanka oo koox  koox loo qeybiyay ayaa dood qaadatay laba maalmood ka yeeshay qabya qoraalka sharciga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Gabagabada kulanka Agaasimaha Waaxda Federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa sheegay in talooyinka  ka soo baxay dooda ka qeyb galayaasha ay qaadanayaan, Wasaaraduna ay sii balaarinayso la tashiga qeybaha muhiimka u ah sameynta sharcigaan.

“Waxaan ku faraxsanahay fikradaha iyo talooyinka wanaagsan nala siiyay, waana diiwaan gashanay, waxay qeyb ka noqonayaan talooyinka nagu soo biiri doono  ee ka imaanaya gobolka Benaadir, Dowlad Goboleedyada iyo qofkasto oo Somaali ah oo wax ku kordhinaya sharcigaan” ayuu yiri Agaasimaha

Agaasime Cabdinaasir waxa uu intaa ku daray inay hubin doonaan qabya qoraalka sharciga doorashooyinka inuu waafaqsan yahay shuruucda dalka u degsan.

‘’Waxaan hubin doonaa inuu waafaqsan yahay Dastuurka dalka iyo shuruucda kale, waxaana marsiinaynaa 11  geeddi socod oo sharci walba uu marana waa uu maraya qabya qoraalkaan”

Kulankaan ayaa ka qeyb ka ah dadaalada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya ee dhameystirka sharciyada muhiimka u ah doorasho qof iyo cod ah inay ka hirgasho guud ahaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...