Kheyre oo la dar-daarmay ciidamo isku dhaf oo amniga Muqdisho ka shaqeynayo.

Date:

Muqdishu (SNTV)-Raisul wasaaraha xukuumada federalka Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre taliyaha ciidanka asluubta Bashiiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa maanta si wadajir waxa ay kormeereyn Ciidamo isku dhaf ah oo kujiraย  xabsiga dhexe eeย ย Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqon doono dadaaladda hadda loogu jiro sugidda amniga, waxa ayna ciidamadan si gaar ah ugu biiri doono dadaaladda socdo ee howlaha nabad gelyada.

Ra’isul wasaare kheyre ayaa dar-daaran u jeediyay ciidamadan, waxa uuna ugu baaqay in ay u turaanย  shacabka ay amnigooda sugayaan, Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale ku amaanay maamulka gobalaka Benaadir wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidamada amniga.

Ciidamada ammaanka ayaa dadaal xoogan ugu jiro sidii ay kaga hor tegi lahaayeen falalka wuxuushnimada ah oo ay u malaagayaan shacabka Soomaaliyeed Malaashiyada Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...