Kheyre oo la dar-daarmay ciidamo isku dhaf oo amniga Muqdisho ka shaqeynayo.

Date:

Muqdishu (SNTV)-Raisul wasaaraha xukuumada federalka Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre taliyaha ciidanka asluubta Bashiiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa maanta si wadajir waxa ay kormeereyn Ciidamo isku dhaf ah oo kujira  xabsiga dhexe ee  Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqon doono dadaaladda hadda loogu jiro sugidda amniga, waxa ayna ciidamadan si gaar ah ugu biiri doono dadaaladda socdo ee howlaha nabad gelyada.

Ra’isul wasaare kheyre ayaa dar-daaran u jeediyay ciidamadan, waxa uuna ugu baaqay in ay u turaan  shacabka ay amnigooda sugayaan, Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale ku amaanay maamulka gobalaka Benaadir wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidamada amniga.

Ciidamada ammaanka ayaa dadaal xoogan ugu jiro sidii ay kaga hor tegi lahaayeen falalka wuxuushnimada ah oo ay u malaagayaan shacabka Soomaaliyeed Malaashiyada Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...