Xasilinta deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug oo laga hadlay

Date:

Muqdisho (SNTV) -Barnaamijkan looga hadlayo xasilinta Deegaanadana Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhusamareb waxaana soo qaban qaabiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowlad Goboleedka Galmudug waxaana ka soo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Galmudug, Xildhibaanno, Saraakiisha ciidamada iyo Hama oo ka socday Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobey .

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xayir Nuur ayaa daahfuray Barnaamijkan waxa uuna sheegay in muhiimada shirkani leeyahay ay tahay sidii looga fakari lahaa xasilinta meelaha lagala wareegayo maleeshiyaadka Al-shabaab loona gaarsiin lahaa nidaamka Dowliga ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Amniga Galmudug Xaaji Mahad ayaa waxa uu sheegay in xasilintu ay tahay faa’iidooyinka ka dambeeya Amniga, Wasaarada Amniguna ku dadaali doonto inay meelo badan oo ka tirsan Galmudug sidii loo xaqiijin lahaa Amnigooda.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Sacdiyo Saylac ayaa waxa ay ka hadashay Hannaanka Xasilinta Galmudug halka uu haatan marayo oo ay xustay in uu meel wanaagsan marayo, loona baahanyahay in arrintaasi ala sii xoojiyo.

Ugu dambayn Hama oo ka socda Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobey ee UNSOM ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in la qaban doono kulamo kale kuwaa oo looga hadli doono xasilinta amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...