Cabdal-caziiz iyo Xamar-weyne oo si wada jir ah u lumiyay fursadaha Faa’ideysiga tartanka.

Date:

Muqdisho (SNTV)-Habeenkan waxaa ku ballansanaa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan  degmooyinka xeebta dhaca ee Cabdal-zaziiz iyo Xamar-weyne.

Degmada Cabdal-caziiz dhammaan su’aalihii 7-ahaa ee la weydiiyay mid qura oo ah tan 5-aad ayay ka jawaabtay, kamana faa’ideysaan fursadaha  ay lumiyeen dhiggeeda xamar-weyne waxa ay sidaas ku  heshay 2-dhibcood.

dhanka kale waxaa iyana si lamid ah la weydiiyay 7-su’aalood degmada xamar-weyne, waxa ay si toos kaga jawaabeen 3-kamid ah , wax ka faa’ideysi ahna ma aysan haleelin, waxa ayna sidaas ku heshay 6-dhibcood.

Degmada xamar-weyne ayaa ugudubtay waraagga 2-aad ee tartanka, waxaana Cabdal-caziiz ay ku biirtay degmooyinka isaga haray tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan.

Habeen dambe waxaa ku ballansan  tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan oo ay tabineyso warbaahinta Qaranka sidoo kale uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir degmooyinka kala ah Yaaqshiid iyo Dharkeenleey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...