Shir looga hadlayey heerarkii uu soo maray Dastuurka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV), Shir wadatashi ah oo ay wada yeesheen guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka baarlamaanka Soomaaliya, guddiga madaxa banaan ee hirgelinta dastuurka, Wasaaradda dastuurka XFS iyo Masuuliyiin ka socday Hey’adda UNDP UNSSOM oo gacan ka geysata arrimaha dastuurka, waxaana shirkaan ay uga hadleen qodobo badan oo ku saabsan dastuurka.

Shirka, ayaa waxaa soo diyaariyey guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka, waxaana looga hadlay heerarkii uu soo maray dastuurka, waxa qabsoomay iyo waxyaabaha u dhiman.

Wasiirka wasaaradda dastuurka XFS Mudane C/raxmaan Xoosh Jibrii, ayaa warbaahinta u sheegay in u jeedka shirkaan uu ahaa dardar gelinta howlaha dastuurka, waxaana uu xusay in arrimo badan maanta ay kawada hadleen.

Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay wada shaqeyn doonaan hey’addaha heer dowlad goboleed  iyo heer federaal ee u xil saaran dhameystirka dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...