Guddiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha oo Hal Milyan oo doolar gaarsiinaya Deegaanada Fatahaaduhu saameeyeen

Date:

Muqdisho(SNTV):โ€”Gudoomiyaha guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha ahna Raโ€™iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in kulan ay maanta ay isugu yimaadeen guddiga iyo guddi ay baarlamaanku usoo magacaabeen la socodka howlaha guddigu qabanayo.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa shir gudoominayay Raโ€™iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka, Cabdiweli heekh Ibraahim Muudeey ayuu sheegay Mudane Khadar in falanqeyn dheer kadib la isla-gartay in deeqaha la haayo loo qeybiyo deegaannada dhibaatadu ka jirto si dhaqsa ahna loola gaaro.

โ€œLacag hal milyan oo doolar ah ayaan u qeybin doonaa deegaanada iyo goobaha ay fatahaaduhu dhibaatada ka geesteen Xildhibaanno ka socda baarlamaanka oo loo xil saaray in ay la socdaan howlaha gargaarka ayaa kor joogteyn doona oo la socan doona sida gargaarka loo bixiyayโ€, ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Gargaarka lacageed iyo gargaar kale oo isugu jira Teendhooyin iyo Mara Kaneecooyin ayaa la gaarsiinayaa deegaannada dhibaatadu ka jirto ugu danbeyn maalinta Khamiista ah ee soo socota si loo badbaadiyo qoysaska daadadku dhibaateeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka Barakacayaasha iyo dad dhigista

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo saaka booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iiman Cige oo...

โ€˜Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe...