Home Blog Page 1304

Munaasabad lagu soo dhaweeynayo shaqalle tabar soo dhameysatay oo muqdisho lagu qabtay.

Munaasabad lagu soo dhawaynayay 20-dhalinyaro xirfadlayaal dhanka beeraha, kana tirsan shaqaalaha wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo dhawaan tababarro aqoon kororsi ah ku soo qaatay dalka Austria ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Beeraha ee Magaalada Muqdisho.

Tababarka ay soo qaateen shaqaalahaan dib dalkooda ugu soo noqday ee Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo soconayay mudo laba bilood ah, wax ay ku soo tababarteen          horumarinta Beeraha.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha Soomaaliya Mudane Xaamud Cali Xasan oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in shaqaalahaan ay ka filayaan wixii ay soo barteen in ay uga faa’iideeyaan beeraleyda dalka.

“Runtii baahi wayn ayaan u qabnay in shaqaalaheennu ay helaan tababar nuucaan oo kale ah, sababtoo ah waxay taas qeyb ka qaadaneysaa inan hormarinno wax soo saarkeenna beeraha si aan dalka dibadiisa ugu dhoofino wixii aan soo saarnay”ayuu yiri wasiir ku xigeenka Beeraha.

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa ku howlan horumarinta beeraha dalka, iyada oo kaashaneysa Hay’aado caalami ah oo ka shaqeeya dhinaca Beeraha.

Dibadbaxyo ka dhashay isbedel canshuur cusub oo weli ka taagan Urdun.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo isbedel dhinaca canshuuraha dalka Urdun oo ay taageerayso hay’adda lacagta dunida ee IMF ayaa ka socda dalka Urdun iyadoo dadka dibad baxyada dhigaya ay dal banayaan in R/Wasaaraha dalkaasi uu xilka iska casilo.

Dibad baxayaasha ayaa isagu soo aruuray meel udhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee magaalada Camaan iyagoo kasoo horjeeda canshuurta lagu kordhiyay.

Boqolaalo kamid ah mudaaharaadayaasha ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah dibad baxyo ka dhigaya gudaha dalka Urdun iyagoo kasoo horjeeda canshuur taasi oo sida la sheegay culeys ku ah hab nololeedka dadyowga marka loo eego dakhliga soo gala muwaadiniinta dalkaasi, waxaana ay dadka ka qayb galaya gadoodkani ay u arkaan in ay si gaar ah u taabanayso xaaladaha dhinaca nolosha ee dadka caadiga ah.

Dibadbax yadani oo ay ka qayb galayaan in ka badan 33-urur kuwaasi oo dhowaan ku dhawaaqay shaqo joojin guud, ayaa ku eedeeyay xukuumadda Cammaan in ay ku fashilantay wax ka qabashada siyaasadaha la hal maala dhaqaalaha.

Dad isku soo xoomay oo sitay halku dhigyo ka dhan ah dowladda kuna baaqayay in R/Wasaare Hani Mulki uu xilka iska casilo, ayaa socod ku maray wadada sida tooska ah u tagta xafiiska R/Wasaare Hani Mulki.

Dibadbaxyo lamid ah ayaa sidoo kale ka dhacay qaybo badan oo kamid ah gobollada kuwaasi oo ay kamid yihiin gobollada Zarqa, Irbid, iyo Ma’an.

Ururada ganacsiga ee midoobay ayaa sheegay in qorshaha canshuurtani oo ay ku talisay Sanduuqa  lacagta ee Caalamiga ah ee loo soo gaabiyo IMF uu yahay mid uga sii cusleeynaya xaaladda heerarka nolosha iyo maciishadda nolosha dadyowga caadiga ah ee dalka Urdun.

R/wasaare Mulki ayaa la sheegay in uu weli diidan in uu wax ka bedelo qorshaha canshuurta isagoo sheegay in go’aanka ugu dambeeya uu baarlamaanku leeyahay.

Mr. Mulki oo la hadlayay warfidyeenka kadib markii uu kulan la qaatay hogaamiyeyaasha Ururada Ganacsiga ayaa waxa uu sheegay in sharciga qabyo qoraalka ah uusan micnahiisu ahayn in baarlamaanka uu ogolaan doono ama uu aqbali doono qodobo kamid ah sharcigan.

R/Wasaaraha Urdun ayaa sheegay in ay xigi doonaan kulamo dheeraad ah, balse Cali Obus oo ah madaxa Midowga Ururada Ganacsiga Urdun ayaa ka dalbaday dowladda in ay dhowrto madax banaanida islamarkaana aysan ku dhex milmin dalabaadyada IMF.

Qorshaha canshuurta cusub ee dalka Urdun ayaa soo jeedinaya in qof kasta oo sanad kiiba uu soo galo dakhli dhan 8,000 Dinaar oo u dhiganta $11,000 oo dolar ama in ka badan ay tahay in uu bixiyo shan boqolkiiba dakhliga canshuurta, halka ganacsatada ay wajihi doonaan canshuur koror gaarsiisan inta u dhaxeeysa 20 illaa 40 boqolkiiba, iyadoo ciddii diida la ganaaxi doono.

Sharciga Canshuurta ayaa la sheegay in la doonayo in lagu yareeyo amaahda lagu leeyahay Urdun taasi oo dhan 94 boqolkiiba si loo yareeyo 77 boqolkiiba marka la gaaro sanadka 2021-ka.

R/wasaare kuxigeenka Dalka oo ka Qeyb Galay Munaasabad lagu daahfurayay Tartan Quraan Aqris.

Muqdisho(SNTV) Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka tartan Qur’aan aqris heer Qaran ah oo sanadkasta la qabto ayaa si weyn ugu dheeraaday ka hadalka muhiimadda uu qur’aanka Kariimka uu u leeyahay dadka iyo in la helo afkaar midaysan oo bulshada dhexdeedi ah si looga gudbo kala ququbnaanta.

Raiisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa soo hadal qaaday fikradaha xagjirnimada ah iyo kooxaha diinta sida qaldan u adeegsada, hadana banaystay dhiiga muslimiinta kuwaasi oo uu sheegay in looga gudbi karo oo kaliya in la helo bulsho haysata aragti midaysan, quraankuna uu dawo u yahay waxkasta.

“Marka hadii aan xadaaran aqoon fikirmidaysan iyo fikir midaysan iyo siyaasad ku salaysan Islaamka,aan ku salaynin manhabkeyna waxbarasho,waxaan ku sii soconaynaa fikirkaa kala duwan oo qaarkayna dhiigayna banaystay qaarna ay leeyihiin ka daaya,waa in aragtida la mideeyaa hadduu rabbi idmo,lagu dadaalo in wada hadal la furo si loo saxo dadka qaldan maskaxiyan maadaama aan qori waxba lagu maquuninkarin”. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Munaasabadda Daah furka barnaamijkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Owqaafta  ayaa maalgelisay hay’adda Qadar Charity ee laga leeyahay Dalka Qadar waxaa sidoo sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta Wasaaarddaasi, kuwa Dowlada Goboleedyada, Culimaa’udiin iyo Danjirayaasha Wadamada Qadar iyo Turkiga uu fadhiya Soomaaliya, iyadoo dadkii halkaasi ka hadlay uu ka mid aha SHeekh Bashiir Axmed Salaad guddoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ay soo jeediyeen in la kordhiyo barashada iyo fahamka micnaha Qur’aanka Kariim, islamarkaana loo dhiso xarumo lagu barto oo meelo wanaagsan ku yaala.

Xasan Macalin Xuseen oo ah wasiirka Diinta iyo Arrimaha Owqaafta Dowladad Soomaaliya ayaa balanqaaday in abaalmarino la siin doona qofkii guuleysta.

“Tartankan qur’aan aqriska ah wuxuu socond oona muddo isbuuc ah, waxaa la qaban doonaa markii uu dhamaado xaflad ballaaran oo ay ka soo qeybgalidoonaan madaxda sare ee dalka,waxaana lagu bixindoonaa abaalmarino”. Ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo uga digay ciidanka Militariga in fasax la’aan ay magalada hub ku dhexwataan

Muqdisho(SNTV) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/weli Jaamac(Gorod) oo ka hadlay howlgalada amni sugidda ah ee ka socda caasimadda iyoo wadashaqeynta ciidanka ayaa soo saaray digniino ku wajahan ciidanka magaalada ku dhexwata hubka iyagoo aan haysanin wax fasax ah.

Janaraal Gorod ayaa digniin u jeediyay ciidanka Gaar ahaan kuwa Xoogga Dalka oo aan haysan wax fasax ah in hubkoodi ay la dhexmaraan magaalada Muqdisho oo ay howlgalo ballaaran ka wadaan ciidamada u xilsaaran Xasilinta magaalada.

“Marka ugu horeysa in aan ogaano in ay jiraan ciidamo amniga u xilsaaran oo la xurmeeyo,oo laga fogaado in  aan la garan waayin qofka shaqeeya iyo qofka amniga qalqal gelinaya,ciidanku ha joogaan xeryohooda marka ay soo baxayaan  fasax ha soo qaataan,waa dhamaan ciidamada,hadana gaar ahaan waxaan la hadlaya ciidanka Xoogga Dalka,qofkii aan haysan fasax oo hub magaalada la dhexmara haddii la dilo ama hubka laga qaado mas’uuliyadda isaga ayaa qaadaya”. Ayuu yiri Janaraal Gorod.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/weli Jaamac(Gorod) ayaa dhanka kale waxaa uu fariin u diray ciidanka xasilinta taasi oo ku aadan in si dhow ay u wada shaqeeyaan ciidamada qeybohooda kale duwan gaar ahaan hadii ay arkaan ciidan hubaysan oo military ah in si wanaagsan ay ula macaamilaan,si looga gudbo in cadowga uu fursad helo.

“Ciidanka u xilsaaran xasilinta waajib baa laga rabaa maxay tahay,adigoo fulinaya waajibkii shaqada ayaa haddana waxaa lagaa rabaa in aad ixtiraamto saaxiibkaa kale oo aan dhib wadin,inaad weydiiso aqoonsigiisa si degan oo aan xanaaq ku jirin madaxdiisa aad u gudbiso kadibna la siiyaayo hadii uu fasax haysto”. Ayuu intaasi kudaray Taliye Gorod.

Hadalka taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku soo beegmaya xili ay sii kordhayaan howlgalada ballaaran ee ka socda magaalada Muqdisho,waxaana ujeedka hadalka taliyaha uu yahay in aan lakala garan waayin dadka cadowga ku ah amniga dalka iyo ciidanka waajibkooda gudanaya.

R/W Khayre oo Kullan Afur ah la Qaatay dhalinyaradii laga soo celiyay Liibiya

Muqdisho(SNTV):–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa kulan Afur iyo soo dhaweyn ah la qaatay dhallinyaro Soomaaliyedd oo maxaabiis ku ahaa dalka Liibiya, kuwaas oo dib ugu soo laabtay dalkooda ka dib markii ay u fududaysay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Ergayga arrimaha qaxootiga u qaabilsan Xafiika Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tripoli.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u mahed celiyay cid walboo ka shaqaysay in dib loo soo celiyo dhalinyaraddan ku dhibaatay sanayd dalka dibadiisa, ayaa cadeeyay in uu aad uga xun yahay dhibka ku dhacay dhalinyaradda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Isgaoona tilmaamay in mas’uuliyinta dalka looga baahan yahay in ay ka foogaadaan musuq maasuqa, in ay dib-u-dhisaan dalka iyo in la iska ilaaliyo waxyaabihii awoodeena daciifyay, si looga shaqeeyo mustaqbalka jiilka soo koraya.

“Haddii aad tahay Soomaali oo aad la baxday Magafe, Waa inaad ogaataa in dawladda Soomaaliyeed ay tahay Madaasho oo ay kaaga daba imanayso meel kasta, caddaaladana ku horgayn doonto. Waxa la rabaa hay’adaha amniga Qaranka inay ka shaqeeyaan sidii loo soo qab-qaban lahaa dadka dhibaateeyey dhillinyaradeena.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhallinyaradda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda uga dhigi lahaayeen wadamadda ay u tahriib tageen, waxuuna u ballan-qaaday in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii horumarka, qof walbana ay muhiim tahay in uu qaybtiis ka qaato dib u dhiska dalka.

Jilib iyo Hodan oo loo diiwaan geliyay wareegga 3-aad ee tartan aqooneedka

Qeybta hore ee tartan aqooneedka ayaa lagu bilaaabat degmooyinka Jilib iyo Gaalkacyo oo kala kala tirsan maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

Tartameyaasha Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe waxaa la weydiiyey 7-Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 2-su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Gaalkacyo, dhibcaha tartameyaasha Degmada Jilib ay heleen waxay noqotay 6-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen 1-su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen  suaal Qura  oo soo hareer martay Jilib, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Gaalkacyo waxay noqotay 4-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, halka Gaalkacyo ay ku biirtay degmoooyinka ku haray lugta 2-aad ee tartan aqooneedka.

Isla habeenkii xalay ahaa waxa uu tartan kale dhex maray degmooyinka Hodan & Wadajir oo ka wada tirsan gobalka Benaadir.

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 4- su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen 3-su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Wadajir, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay 14- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal  su’aal,  ma jirin wax ka faa’iideysi ah  oo ay heleen,  wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay 2-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga 3-aad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Wadir ay tariinka ka hareen.

Tartan aqooneedka uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir isla markaana ay tabineyso warbaahinta Qaranka waxaa habeen dambe ku wada ballansan  Heliwaa Vs Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Tababar ku saabsan Waxbarashada Madaniga ee Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Baydhabo

Baydhabo (SNTV) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradda Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay tababarka tabarayaasha waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweynaha ee arrimaha dastuurka.

Tababarkaan oo socon doona muddo afar maalin ah waxaa ka faa’idaysan doonaa bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana labada maalin ee ugu horraysa tababarka qaadan doona ku dhowaad 50 qof oo ka socota bulshada rayidka Koonfur Galbeed Soomaaliya, halka labada maalin ee xigta la tababari doono xubno ka socda Waaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Furitaanka tababrka waxaa ka soo qayb galay madax ka socota Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ka midyihiin Wasiirka Waxbarashada iyo wasiirka Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Koonfur galbeed soomaaliya, Duqa magaalada Baydhabo iyo cuqaal iyo waxgaradka koonfur galbeed.

Ugu horreyn agaasimaha guud wasaaradda arrimaha dastuurka koonfur galbeed Soomaaliya Mustaf sheikh Cabdullaahi ayaa ka soo qayb galayaasha u sharraxay qaabka tababrka uu noqon doona iyo muhiimada uu u leeyhay tabarkan bulshada ku dhaqan koonfur galbeed Soomaaliya. Waxa uu xusay in looga baahanyahay dadka ka faaidaysatay tababrkan in ay sii gaarsiiyaan waxbrashada madaniga ah iyo wacyi galinta dhammaan dadka ku nool deeganada koonfur galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa kulanka hadallo dhiiregelin ah ka jeediyay duqa magaalada baydhabo, wasiirka haweenka iyo wasiirka waxbarashada koonfur galbeed Soomaaliya, waxa ay sheegeen in ka dowlad ahaan ay ka qaybqaadan doonaan sidii dadka ku nool deegaanada koonfur galbeed Soomaaliya loo gaarsiin lahaa waxbarashada madaniga ah islamarkaana loo bari lahaa dastuurka dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr oo furay kulanka ayaa sheegay in ujeedada tababrkan ay tahay in dadka loo tababarro waxbarashada madaniga ah ay sii tababari doonaan dadka kale ee ku nool deegaanada koonfur galbeed Soomaaliya si loo helo bulsho aqoon u leh dastuurka dalka..

“Tababarka tababaryaasha waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadweynaha waxa uu muhiim uyahay in bulshada la fahnsiiyo dastuurka lana baro muhiimadda uu leeyahay dastuurka si qof kasta uu ogaado xaqa uu leeyahay iyo masuuliyadda ka saran qaranka, sidaa dasrteed marka uu tababrkan dhammaado waxaa la idinka doonayaa in aad gaarsiisaan wixi aad barateen dhammaan deeganda koonfurgalbeed Soomaaliya idinka oo kaashanaya wasaaradda dastuurka koonfur galbeed Soomaaliya si loo helo bulsho fahansan dastuurka”. Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuuka Zubeyr.

Uga dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS ayaa bilowday fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadweynaha ee Arrimaha dastuurka, waxaana tababarada nuucaan oo kale ah laga fulin doonaa dhammaan dowlad goboleedyada Soomaaliya si loo helo bulsho aqoon u leh dastuurka.

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah xilka ula wareegay, fartana ku fiiqay yoolka Wasaaradd

Muqdisho (SNTV) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, wax yar un kadib markii maanta loo dhaariyay xilkaasi.

Munaasabadda xil wareejinta oo  lagu qabtay Xarunta Wasaaradda, ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka, Hanti dhowraha Qaranka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.

Hanti dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali  iyo Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka Xildhibaan Khaalid Macoow ayaa bogaadiyay Wasiirka  iyo howlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda, iyagoo xusay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Wasiirka cusub.

Sii hayahii Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis oo xilka wareejiyay ayaa sheegay in Warfaafintu ay heshay Wasiir ku haboon oo u leh qibrad wanaagsan, uuna ku faraxsanyahay in uu maanta xilka wareejiyay.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo xusay doorkii Wasiiradii xilka kaga horeeyay ayaa sheegay in Wasaaradda ay la dhafar u noqon doonta Nabadda, Wacyigelinta iyo isdhexgalka bulshada si looga hortago kuwa xagjirka ah ee fikradaha qaldan dadka ku marin habaabinaya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in waaya-aragnimada Daahir Geelle ay wax badan kusoo kordhin doonto bahda Saxaafadda, isla markaana magacaabistiisa ay ku soo beegantahay xilli loo baahnaa.

Toddoaad ka hor ayey ahayd markii isku shaandheyn uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku magacaabay Daahir Maxamuud Geelle oo 8 sano ka hor Wasiir kasoo noqday Wasaaradda Warfaafinta markaasi oo kaalin weyn uu ka qaatay dib u howlinta Warbaahinta Qaranka iyada oo lagu shaqeynayo daruuf adag.

R/wasaare ku-xigeenka Dalka iyo Duqa Muqdisho oo si wadjir ah u Daah furay Wajiga labaad ee mashruuca Nadaafada casriga ah ee G/Banaadir

Muqdisho (SNTV) R/wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka wajiga labaad ee Mashruuca Nadaafadda Gobolka Banaadir oo ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkadda Nadaafadda ee lagu magacaabo ECCO.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkadda Nadaafadda ee ECCO mudadii labada sanno ahayd ee ay shaqeynaysay wax badan ay ka qabatay bilicda Caasimadda, iyadoo shaqooyin u abuurtay dadka Soomaaliyeed. Waxuna xusay maadaama ay Muqdisho tahay muraayaddii dalka loo wada istaago hagaajinta bilicdeeda oo nadaafaddu kow ka tahay.

“Waa mashruuc casri ah sida aad u jeedaan qalabka la soo bandhigay oo nadaafada caasimada kaalin mug leh ka qaadan doona, soona celin doona bilicda Caasimadda. Horumarrada kala duwan ee aan ku tallaabsanayno maalin walba waxey keentay in magaalada la maalgashado, nadaafadduna waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno”.Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay horumarinta Bilicda Caasimadda ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee da’da weyn ay xusuusan karaan xilligii Muqdisho loo aqoonsanaa mid ka mid ah magaallooyinka ku yaallo qaaradda Afrika ee ugu bilicda quruxsan, hiigsiga maamulkiisuna uu yahay sidii mar kale loo soo celin lahaa taariikhdii Nadaafadeed ee ay caanka ku ahayd magaalada Muqdisho.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay maalgashadaan dalkooda, si ay fursado shaqo uga helaan dhalinyaradu, isla markaana ay Maamulka Gobolka Banaadir ka go’an tahay in ahmiyad gaar ah uu siiyo maalgeshiga si horumarka iyo dib-u-dhiska dalka kaalintooda uga qaataan.

Munaabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Dawladda, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Talyaaniga oo Ciidanka Booliska ku wareejiyey gaadiidka ay ku xiran yihiin qalabka ka hortagga qaraxyada

Muqdisho (SNTV), Dawladda Talyaaniga, ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku wareejiyey Seddex Gaari oo labo kamid ah ay yihiin BMW oo ka mid ah gawaarida ugu qaalisan Caalamka, kuwaasi oo ay ku xiran yihiin  Qalab fududeynayo ka hortaga Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.

Safiirka Dawladda Taliyaaniga ee Soomaaliya Danjire, ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ku wareejiyey Documents-ka  iyo Fureyaasha Gawaaridaan, waxaana Safiirka  warbixin  uu ka siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska qalabka ku xiran gawaaridan ee looga hortago Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto  Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in Gaadiidka maanta ay ku wareejisay Dawladda Talyaaniga waxbadan ay ka badali doonaan Xaaladda Amni ee magaaladda Muqdisho.