Home Blog Page 1304

Sri-lanka oo ku biiraysa kooxda la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya.

0

Dowladda Sri Lanka ayaa qorsheynaysa inay ku biirto waddamada ku bahoobay kooxda ilaalada xeebaha iyo la dagaallanka burcad badeedda Soomaaliya ee (CGPCS)  the Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia.

Golaha wasiirrrada xukuumadda Sri-lank ayaa ansixiyay soo jeedinta Madaxwaynaha Dalkaasi Maithripala Sirisena; ee ahayd inay dowladdiisu codsi rasmi ah u gudbiso kooxda ilaalinta xeebaha iyo la dagaallanka Buracad Badeedda Soomaaliya.

Intii u dhaxaysay Sanadihii 2005 illaa 2010 ayay ahayd markii ay dhaceen Afduubyadii ugu badnaa ee lagu qafaasho  Maraakiib ganacsi, kuwaasoo intooda badan gooshayay Badweynta Hindiya.

Weerarrada Maraakiibta ganacsiga ayaa xilligaasi waxay saameyn xooggan ku yeesheen ganacsiga xorta ah iyo guud ahaan dhaqaalaha caalamka.

Isha/Colombo Page

Tababarayaasha Milliteri ee Jarmalka ka joogay Soomaaliya oo waqtigooda dhammaystay.

0

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay xubnaha tababarayaasha ah ee Ciidankeeda xoogga ka jooga Soomaaliya kala bixi doonaan dabayaaqada Bisha March ee Sanadkan.

Sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Jarmalka ayaa wargeyska Der Spiegel; u sheegay Shalay inay joojin doonaan howlaha laylinta Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ee ay Midowga Yurub ka wadaan Dalkeenna.

Militeriga Jarmalka waxaa Soomaaliya ka jooga Shan Sarkaal oo ka qayb qaadanayay tababarka hoggaanka Midowga Yurub ee ciidanka Soomaaliyeed, kaas oo soo billowday Sanaddii 2010-kii.

Dowladda jarmalka ayaa qayb ka ah Waddama badan oo Reer galbeed ah, kuwaasoo Soomaaliya ka caawiya xagga tababarrada ciidanka, la talinta iyo howlaha gargaarka kala duwan.

Isha/Reuters

Wasiirka amniga oo warbixin ku saabsan caruur laga soo bad-baadiyay Al-shabaab ka jeediyay kulankii golaha wasiirada.

0

Shirka Goloha Wasiiradda ee Xukuumadda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shir gudooominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta looga hadlay, soo bandhigidda jadwal-howleedka shaqo ee tubta siyaadda loo dhanyahay, Warbixin ku hadlaysa xaaladda Wabiyadda Daawad iyo Shabeelle, Sharciga Shirkadaha oo loo qaybiyay goloha wasiiradda, Warbixn ku saabsan shirka Dhaqaalaha Aduunka, Amniga dalka iyo arrimo kale.

Wasiirka Amnigga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa laga dhagaystay warbixin ku saabsan 37 caruur ah oo ay Shabaab qaataan kuwaas oo lagu tobobarayay gobolka Shabeelladda Hoose, si ay ugu adeeg sadaan qaraxyadda iyo fallalka argagaxnimo ugana dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna Wasiirku sheegay in lagu guulaystay dhamaantood in la soo qab-qabto, waxayna haatan ku jiraan gacanta dawladda.

Wasiirka Gaashaadhinga Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay isku dhafka ciidamo qaran, waxuuna sheegay in ay meel fiican marayaan habkii la iskugu dhafi lahaa ciidamada dalka, isgoona tilmaamay in lagu howl jiro xarumihii la dajin lahaa ciidamada. Sidoo kale waxuu sheegay in gobolka Shabeellada Dhaxe laga sifeeyay kooxda Alshabaab, haatana la diyaarinayo qorshihii lagaga saari lahaa gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Qorshaynta iyo Xariirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ayaa laga dhagaystay warbixin ka hadlaysa shirkii dhawaan uu Ra’iisul Wasaarahu ugu qayb galay wadanka Switzerland ee ku saabsanaa dhaqaalaha Aduunka. Isagoona sheegay in ay ku shirka ku soo bandhigayn khayraadka Soomaaliya, sidoo kalena waxay codsadeen in laga cafiyo daymaha caalamiga ah ee lagu lee yahay dalka Soomaaliya.

Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ayaa cadeeyay in Ra’iisul Wasaare Khayre uu si wayn madaxda caalamka ugu faah-faahiyay nabada iyo xasiloonida ka jirta Soomaaliya, si ay u maalgashadaan dalka, shacabkuna ay ugu faa’iidaystaan. Sidoo kalena waxuu shacabka Soomaaliyeeda u soo jeediyay in ay bixiyaan canshuurta, si daymaha aan iskaga bixino.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka warbixiyay shirar kala duwan oo uu kaga qayb galay dalalka Kenya, Itoobiya iyo sucuudiga, waxuuna soo bandhigay heshiisyada ay Soomaaliya la gashay ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) , waxuuna cadeeyay in Soomaaliya ay barbar taagan dalalka Islaamka.

Dhanka kale waxuu faah-faahin ka bixiyay shirka Ururka AU, oo Madaxwaynaha Soomaaliya uga qayb galay Itoobiya, isgoona tilmamay in ay Soomaliya u tartamayso xilka xoog-haya fulinta ee Ururka goboledka IGAD, maadaama ay Soomaaliya markale saaxadda aduunka ku soo laabatay, ayna doonayso in ay kalinteeda ka qaadato.

Wasiirka Wasaarada Beeraha, ayaa madasha ka khriyay warbixin ka hadlaysa mashruuc biyo xireen ah oo ay iska kaashanayaan dalalka Kenya iyo Itoobiya kaas oo laga dhisayo xadduudka ay la wadaagaan Soomaaliya. Waxuuna wasiirka iftiimiyaya saamaynta ay ku yeelan karaan wabiyadda Daawad iyo Shabeelle oo xadduud la wadaaga labada dal. intaas ka ka dib Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay Guddi heer Wasiir ah oo ka kooban Shan Wasaaradood oo kala ah, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Xanaaanadda Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka iyo Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, oo si dhow ula socondoona biyo xireenka labada dal.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa goloha Wasiirada u qaybiyay Sharciga Shirkadaha Soomaaliya, si ay usoo akhristaan ka dibna loo ansixyo, waxuuna faah-faahiyay sharcigan iyo waxyaabaha uu ka hadlayo, isgoona qeexay faa’iidooyin uu shacabka u leeyahay. Sidoo kalena waxuu iftiimayay sida loogu bahaan yahay in la helo sharciga Warshadaha Soomaaliya.

Dhalinyara ka kala yimid qaar kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir oo taba-bar loogu soo xiray Muqdisho-(sawirro).

0

Xog-hayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Omar Abdirizak Hussein ayaa maanta soo xiray Tababar socday Mudo 3 bilood ah oo loo qatay qaar ka mid ah Dhaliyaradda Gobolka Banaadir , kuwas oo gaaraya 150 dhalinyaro ah.

Degnmooyinka Wadajir, DHarkenley, Kaxda, Deyniile iyo Heliwa ayay ka socdeyn dhalinyaradani waxaana Mudana 3da bilood ah lagu barayay Casharo kala duwan sida: 1-Community Work (Iskaa Wax U Qabso ), 2-Lifeskill ( Xirfdaha Nolosha), 3-Vocational Training (Farsamooyinka), 4-Business (Maareeynka Ganacsiga), 5-Computer (Xirfadaha Computerka ), 6-First Aid (Gargaarka Deg Degga Ah).

Barnaamijka shaqeeyso waa mashruuc loogu tala galay in kor loogu qaado aqoonta dhalinyarada soomaaliyeed dhinaca xirfadaha iyo farsamooyinka si ey u maareeyaan nololshooda waxaana taageeradiisa dhaqaale bixineysa Hey’adda UNHABITAT-Somalia iyadoo uu Maamulka Gobolka Benaadir uu bixinayo fududeeynta iyo farsamooyinka barnaamijkan.

Mashruucaan waxa uu soo maray heerar  kala duwan oo kala ah wajiyada 1aad iyo 2aad oo horay usoo dhamaadeen bilowgii sanadka 2017-ka iyadoo Octobar 2017 uu bilowday barmaajika wajigiisi 3aad kaas oo maraayo heer gabagabo ah.

Mudane Omar Abdirazak Hussien ayaa kula dar-daarmay dhalinyarada dhameysatay taba-barkan in ay ku shaqeeyaan kuna anfacaan degmooyinkooda.

 

 

“Waxaa naga go’an in dadka magaalada Muqdisho ay soo doortaan hoggaankooda”. ENG Yariisow

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxana ay ka wada hadleen qaabka ugu habboon ee doorashooyin uga dhici karaan 2020 magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Mudane Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu qorshaynayo dimoqoraadiyeynta Caasimadda iyo in talada dib loogu celiyo dadweynaha si ay u soo doortaan cida matalaysa.

“Guddoomiye Xaalimo Yarey waxaan wadaagnay waayo aragnimo kala duwan oo ku aaddan habraaca doorasho, maadaama qorshuhu yahay in talada lagu celiyo shacabka, iyaguna ay soo doortaan cida matalaysa. Waxaan sidoo kale isla bidhaaminnay sida ay arrimahan ku hirgeli karaan, iyadoo la isla eegay caqabadaha iyo waxyaabaha xal u noqon kara. ”.Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, tilmaamay in bishaan gudaheeda uu ka dhici doono magaalada Muqdisho shir arrimahan looga tashanayo, shirkan oo wadajir u qaban doonaan maamulka gobolka iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka.

“Waxaan ka dharag sannahay in dadka Muqdisho ay muhiim u tahay in taladu iyaga lagu celiyo, si arrimahaas loo hirgelinayana waxaan shir wadatashi ah qaban doonnaa bishan Feebaraayo, shirkan oo ujeedkiisu yahay in lala tashado qeybaha bulshada iyo in sidoo kale la hirgeliyo waxyaabaha loo baahan yahay si loo gaaro doorasho dadweyne ee qof iyo cod ah sanadka 2020”. Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa uga mahadcelisay maamulka gobolka sida ay uga go’an tahay in talada lagu celiyo shacabka, waxana ay intaas ku dartay in ay kala shaqeynayaan wax walba oo dhankooda looga baahan yahay si loo hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah.

Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in doorasho qof iyo cod ah ay dhici doonto sannadka 2020ka. Doorashadaas waxaa maamuli doona Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran, kaas oo la aasaasay bishii Luulyo 2015ka.

Shirkii wada-tashiga ahaa ee u dhexeeyay bulshada rayidka iyo wasaaradda dastuurka oo war-murtiyeed laga soo saaray.

0

 

Ahmiyadda kulan weynhaan ayaa ahaa mid looga hadlayaaay  wadatashiga iyo wadda shaqeynta la xariirta kaalinta bulshada rayidka iyo caqabadaha ka heysta habsami ula shaqeynta hey’adaha dastuuriga ah waxane ka qeyb galyaashu ay isla garteen in doorka bulshada rayidka ah ee dib uu eegista KMG  iyo  talo bixintiisu  ay muhiim uu tahay horumarka dalka.

Gaba Gabadda kulanka ayaa waxa laga soo saaraay warmutiyeed ka koobaan dhowr iyo toban qodob waxana  goobta ka aqriyay Guddomiyaha  Daladda  Bulshada Rayidka ah ee (SOSCENSA) Diini Maxammed Diini.

“Dallada Jileyaasha aan Dowliga ahayn ee SOSCENSA

War-murtiyeed
Kulanka Bulshada Rayidka ah ee Hannaanka Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya
Janaayo 30 – Febraayo 1, 2018
Horudhac
Dalladaa Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA waxa ay u taagan tahay u qareemidda danta guud ee shacabka
Soomaaliyeed iyo talasiinta Dawladd, Sidaas darteed, waxaa kulan balaaran oo socdey muddo 3 maalmood ah,
lagu qabtay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galay xubno kala matalaya qaybaha kala
duwan ee ururrada bulshada rayidka ah, kana kala yimid maamul-goboleedyada iyo gobolka banaadir.
Ujeedooyinka shirku waxa uu ahaa: (1) In bulashada rayidku ka tashadaan kaalinta kaga aadan ka qeyb galka dib u
eegista dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan qaabka wada shaqeynta; Guddiga madaxa
bannaan ee dib u eegista iyo hergalinta Dastuurka, Guddiga Baarlamaanka ee kormeerka Dastuurka iyo
Wasaaradda Dastuurka iyo ( 2 ) Dib-u-eegista qodobada iska hor-imaanya ee ku jira dastuurka kumeel-gaarka ee
Soomaaliya.
Ugu danbeeyntii, wadatashi iyo falaqeyn la xariirta kaalinta Bulshada rayidka ah iyo caqabadaha ka haysta habsami
ula shaqeynta hay’adaha dastuuriga ah, waxaa ka qeyb-galayaashu ay isla garteen in doorka bulshada rayidka ah
ee dib-u-eegista dastuurka iyo talo bixintiisuba ay muhiim u tahay horumarka dalka, gaar ahaan dhameystirka qabyo
qoraalka dastuurka. Waxayna ugu baaqayaan guud ahaan dowladda, gaar ahaanna; Guddiga Baarlamaanka ee
kormeerka Dastuurka, gudiga madaxa banaan ee dibu-eegista dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka talo soo
jeedintaan:
1. In la dedejiyo dib u eegista iyo turxaan bixinta Dastuurka
2. In la abuuro guddi kor joogto dib u eegista Dastuurka oo ay bulshada rayidku ku leeyihiin xubno muhiim ah
3. In la helo khubaro Soomaaliyeed oo la shaqeeya guddiyada dastuuriga ah ee did-u-eegista dastuurka,
lehna sifooyinka wadaniyadda iyo cadaaladda
4. Maadama aanay dadku aqoon u laheyn Federaalka, waa inay Dastuurka ku cadahay nooca Federaalka la
qaadanayo
5. Si guud ahaan bulshadu u hesho fursad ay uga qeyb qaadato dhameystirka Dastuurka dawladu waa inay
xoojisaa amniga iyo maamul wannaagga.
6. In heshiisiin iyo wadahadal loo furo bulshada lagana soo bilaabaa heer hoose taas oo garab soconaysa dibu
eegista Dastuurka.
7. In la helo wakhti kooban iyo qorshe cad oo bulshadu ogtahay laguna dhameystirayo dib u eegista
Dastuurka.
8. In dastuurka si buuxda loogu qeexaa ilaalinta mabaadi’da iyo maqaasidda shareecada islaamka
9. In la soo dedejiyo kullamada dastuuriga ah ee looga hadlayo arimaha masiiriga ah ee la xiriira maqaamka
caasimadda iyo Gobalka Banaadir.
10. Si loo ilaaliyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka hanaanka dib u eegista Dastuurka, waa in bulshada rayidku ku
yeeshaan door muhiim ah oo muuqda, maadama ay ayagu ku dhex jiraan bulshada.
11. In qaab dhismeedka garsoorka lagu saleeya mid ka mida nidaamyada ka jira wadamada federaalka ah
Ururada bulshada rayidka ah ee ka soo qeyb galey kulankii sadexda maalmood ahaa ee ka dhacay Hoteelka SYL,
waxay ugu baaqayaan dhammaan ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed in ay si mug leh uga qeyb
qaataan hannaanka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya.
Ugu danbeyntii SOSCENSA oo u taagan xariirinta iyo fududeynta wada hadalada & talo-wadaagga arrimaha
muhiimka u ah bulshada waxay u mahadcelinaysaa xubnihii ka socdey ururada bulshada rayidka ah ee ka soo
qeybgaley kulankaan.
Waad Mahadsantihiin”…

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax dhigay xarunta degmada Wadajir oo muddo burbur-saneyd+Sawirro

0

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Wadajir oo ku burburtay qaraxii ka dhacay bishii Juun ee sanadkii hore. Waxana munaasabaddda dhagax-dhigga ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada aqal, maamulka degmada, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan (Qaanso) oo ka hadlay goobta ayaa ka sheekeeyey dhibaatadii degmada ka dhacday bishii Juun ee 2017, taasi oo tiiraanyo gaar ah ku reebtay dadka deegaanka. Waxana uu sheegay in dib-u-howlgelinta xarunta degmada ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonto gaar siinta adeegyadii kala duwanaa ee shacabka ku nool Wadajir.

Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow iyo Sen Samsam Daahir Maxamuud ayaa uga mahadceliyey shacabka degmada Wadajir in ay u istaageen dhismaha xarunta degmadooda, taas oo kaalin mugleh ka qaadan doonta isku xirka dawladda iyo shacabka. Iyagoo balan-qaaday in maamulka ay kala shaqeyn doonaan wax walba oo horseedi kara horumarka degmada.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa tilmaamay ahmiyadda ay degmada ku leedahay gobolka, gaar ahaa xaruntan oo fal argagixiso ku burburtay. waxuuna sheegey in maamulka gobolka Benaadir uu awooddiisa galinayo in Wadajir ay ahaato mid xasiloon oo hormarka la qaybsata degmooyinka kale, dadka degana looga baahan yahay inay kaalintooda qaataan.

“Xarunta degmada Wadajir ee maanta aan dhagax-dhigayno waxaa burburiyey koox cadow ku ah horumarka iyo jiritaankiina, waa inaan meel iska taagnaa wax walba oo dib-u-dhac keeni kara, maamulka gobolka Benaadir wuxuu diyaar u yahay idinkoo isku duuban inuu gacan idinku siiyo horumarinta degmada Wadajir”.Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir.

Eng. Yariisow ayaa ka codsaday bulshada degmada Wadajir in lala shaqeeyo maamulka degmada iyo kan gobolka Benaadir islamarkaasna loo midoobo sidii looga hortagi lahaa cidkasta oo cadow ku ah nabadda Caasimadda.

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo soo gabagabeeyay socdaal uu ku tegay Puntland- (sawirro).

0

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo gabagabeeyay safar shaqo oo uu ku tegay magaalooyin ka tirsan Puntland.

Wasiirka, oo ay safarka ku wehliyeen Wasiiru-dawlaha, Mudane C/laahi Bile Nuur iyo hawl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda, ayaa socdaalkiisa ka billaabay caasimadda Puntland ee Garoowe, waxayna ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta, loona soo kormeeri lahaa mashaariicda ay Wasaaraddu ku lug leedahay ee ka socda Puntland iyo xarigga internetka ee shirkadda Golis.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ugu horreyntii kulan kula yeeshay magaalada Garoowe Madaxweynaha Puntland, Dr. C/weli Maxamed Cali (Gaas), wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Puntland, Cabdi Xersi Cali (Qarjab), iyo mas’uuliyiin kale, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhexeysa wasaaradda heer federal iyo dawlad-goboleed, iyagoo isku afgartay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Wasiirku wuxuu sidoo kale booqday xarunta uu ka soo dago xarigga badda hoosteeda mara ee internetka (fiber optic cable) ee ay dhowaan magaalada Boosaaso ka hirgelisay shirkadda Golis. Wasiirka oo kulan gaar ah la yeeshay mas’uuliyiinta Golis ayaa uga mahad celiyay sida ay uga soo jawaabeen baaqii uu hore u jeediyay ee uu ku dhiirri-gelinayay shirkadaha inay dalka keenaan xargo kale.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa ka mahad celiyay soo-dhoweyntii loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. “Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha Puntland, wasiirka isgaarsiinta iyo ku-xigeennadiisa iyo madaxda Golis sida sharafta leh ee ay noo soo dhoweeyeen, waxaan rajeyneynaa inaan sii kordhin doonno wada-shaqeynteena,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Agaasimaha HS&J Col.Kofi oo tababar u soo xiray madaxda waaxeedyada HS&J (sawirro).

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col.Mohamed Adam Kofi ayaa maanta soo xiray tababar labo maalin u socday madaxda waaxyaha Hay’adda oo lagu baranaayay habka Isku jaan goynta Maaliyada iyo baahiyaha Xafiisyada.

Col. Maxamed Aadam Kofi,Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa madaxda waaxyaha u sheegay in ay muhiim tahay in la isku dheelitiro howlaha xafiisyada ay qabtaan iyo qarashaadka ku baxaaya baahiya Xafiisyada.

Sidoo kale,Wuxuu Mr. Kofi tilmaamay in Agaasin kasta oo madax ka ah waaxyaha Hay’adda looga baahan yahay isku jaan goynta baahida xafiiskiisa iyo qarashka ku baxaya.

Ugu dambeyn Agaasimaha ayaa tababarka soo xiray, waxaana uu ku amray madaxda maanta tababarka loo soo xiray in ay gaarsiiyaan tababarka ay qateen  saraakiisha kale ee Hay’adda ka howlgasha. Sido kalena waxyabaha ay barteen laga dhaqan galiyo xafiisyada Hay’adda.

“Ahmiyad gaar ah ayaan siin doona bur burinta Argagixisada Al-Shabaab” Taliyaha AMISOM

0

Taliyaha cusub ee Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya Jim Beesigye Owoyesigire  ayaa si rasmi ah Xafiiska kagala wareegay Taliyihii hore ee Ciidamada AMISOM General Osman Nuur Subagle oo tan iyo bishii July sanadkii 2016-kii xilkaasi hayay.

Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM Jim Beesigye Owoyesigire  ayaa balan qaaday inuu meesha ka sii wadayo howsha horay loo bilaabay,wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu xoogga saari doono dhisida awoodda Ciidamada Qaranka Soomaaliya.

General Owesiliile oo leh Qibrad ciidan oo 39-sano ay ayaa u horseeday Ciidamada Difaaca Uganda iney helaan Aqoon iyo qibrad Ciidan,isagoo xilal kala duwan oo dhanka ciidan ah ka soo qabtay dalka Uganda oo ay ka mid tahay u adeegida Ciidamada Uganda gaar ahaan Taliyaha Ciidamada Cirka Uganda iyo Jagooyin kale.

Sidoo kale,Taliyaha Cusub ee Ciidamada AMISOM Soomaaliya Jim Beesigye Owoyesigire ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad siin doono xaaladda kala guurka ah,sida Xaaladda Ku-meel-gaarka ah ee Guud ahaan Amniga loogu wareejinayo Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo bur burinta goobaha ay ku hareen Kooxda Argagixisada Al-Shabaab oo xiriir la leh Shabakada Al-Qaa’ida.

“Dhammaanteenba halkaan waxaa nagu heysata hal dhibaato,waana Al-Shabaab. Uma baahnin inaan ku biirno Al Shabaab. Waxaan u baahanahay inaan la dagaalanno, jebino laf-dhabartooda kadibna ugu dambeyn cidhibtirno. Taasi waa Ujeedkeena waan ku guuleysan doonaa, “Sidaasi ayuu balan qaaday Taliyaha Cusub ee Ciidamada AMISOM.

Goobta Xil wareejinta ka dhaceysay oo ahayd xarunta Taliska AMISOM ee Xalane waxaa goob joog ahaa Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Howlgalka AMISOM Francisco Caetano Madeira.

Amb; Francisco Caetano Madeira ayaa Yiri “Waxaan doonayaa in dunidu ay ogaato in aanu helnay Sarkaal Cajiib ah, askari aad u sarreeya, Sarkaal ka tirsan ciidamada oo awooda inuu xilkiisa si daacadnimo ah u guto, si ay ku jirto dabeecad wanaag, kana gudbi kara xaalado aad u adag.

Wuxuuna ugu danbeyntii soo dhoweeyay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya,isagoona u balan qaaday inuu si hufan oo xilkasnimo ku jirto ula shaqeyn doono.

Ugu danbeyntii,Taliyihii hore ee Ciidamada AMISOM Generaal Osmaan Nuur Subagle ayaa ugu baaqay dhamaan Saraakiisha Ciidamada AMSIOM iney la shaqeeyaan taliyaha cusub una taageeraan sidii horay isaga ugu garab. istaageen shaqadiisa.