Home Blog Page 1305

Guddoomiyaha Gobalka benaadir oo shacabka muqdisho ka dalbadey in ay la shaqeeyaan maamulkiisa.

0

Munaabasad si heer sare loo soo agaasimey oo lagu soo dhaweynayey Guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay lagu qabtay Beerta Nabadda, waxana ka soo qeyb galay, Wasiirro, Xildhibaano, Saraakiil, siyaasiyiin caan ah iyo qeybaha bulshada.

Munaasabadda ayaa waxaa heeso wadani ah ka qaaday fanaaniinta qaranka, Abwaano ka tiriyey gabayo iyo geeraaro kala duwan, iyo majaajilaystayaal ku cabirayey suugaantooda marxalada uu dalku marayo iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in ummadda Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan, gaar ahaan dadka  Muqdisho.

Furitaanka Munaasabadda waxaa hadal isugu jiray guubaabo iyo soo dhaweyn ka jeediyey Guddoomiyihii hore ee gobolka Benaadir Mudane Maxamuud Axmednuur Tarsan, waxuuna ka codsaday shacabka ku dhaqan Caasimadda in lala shaqeeyo maamulka cusub, isagoo ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay Muqdisho iyo horumarinta adeegyada danta guud, sida dhismaha jidadka, jardiimooyinka iyo gaarsiinta maamul hufan degmooyinka gobolka Benaadir.

Ugu danbayntii Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  oo soo xiray munaasabadda ayaa ka mahadceliyey soodhaweynta loo sameeyay. Waxuna ku baaqay midnimo iyo wadajir lagu gaarayo danta guud iyo in magaalada Muqdisho oo ah astaanta midnimada qaranka Soomaaliyeed loo baahan yahay in tartan ay la gasho caasimadaha kale ee caalamka, taasina ay tahay waxa kaliyee lagu gaari karo in dadka degan ay la shaqeeyaan maamulkooda, isla markaana ay bixiyaan canshuurta oo qeybta ugu weyn ka qaadan karta dhismaha iyo bilic-soo celinta, maamulkiisuna si dhow uga shaqeynayo baahida gobolka Benaadir.

Eng. Yarisow ayaa soo hadal qaaday dhulalka danta guud, waxuuna hoosta ka xariiqay in wax walba oo dan guud ah aan loo adeegsan doonin dano gaar ah, isla markaana arrimaha dhulalka loo magacaabi doono guddi si gaar ah  uga shaqeeya. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay barakacayaasha ku nool magaalada sidii xal loogu heli lahaa, tani oo qeyb ka ah qorshaha waqtiga dhow ee maamulka cusub.

Dhanka kale,Guddoomiye Yariisow ayaa ka Mahad celiyay Xaflad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada London ee dalka Ingiriiska,kaasoo oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliaydda Soomaaliyeed ee magaalada London.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale u Mahad celiyay Fanaaniinta qeybta weyn ka qaatay Xaflada gaar ahaan Fanaanada Ikraan Caraale oo si weyn Xaflada kaga muuqatay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatey Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Amb. Ahmed Isse Awad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed oo booqasho maamuuseed ugu yimid, waxa ayna labada dhinac ka wada hadleen xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya. Waxaa kale oo ay gudagaleen ka sheekeysiga arrimaha ka taaggan gobolka iyo dunida inteeda kale.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen dadaalkooda ay ku bixinayaan horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaallaha iyo maalgashiga, iyadoo loogu saldhigayo isgarabsiga walaalnimo, laguna adkeynayo xiriirka xidideystay ee labada shacab ee walaalaha ah u dhexeeya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Amb. Ali Mohamed Ali, Agaasimaha guud ee habmaamuuska Adv. Hersi Haji Olosow iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Adam Dagaal.

 

wasaaradda Dastuurka oo kulan wadatashi ah la qaadatey Bulshada reer Jowhar ee Gobalka Shabellada Dhexe

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Guddoomiyaha Guddiga La-socodka Dib-ueegista Dastuurka ee Baarlaamaanka Federaalka Senator Cabdiqaybdiid iyo Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxabaanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Avv Maxamed Cabadalla ayaa waxay kulan wadatashi ah la leeyihiin qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jowhar.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo dardar galin lahaa Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka dalka, iyadoo shacabka ay dhiibanayaan aragtidooda ku aadan sida loo heli karo dastuur ay guud ahaan isku waafaqsan yihiin ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka kala socday Guddiga La-socodka Dib-ueegista Dastuurka ee Baarlaamaanka Federaalka iyo Guddiga Madaxabaanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa shalay gaaray magaalada Jowhar, iyagoona xalay kulamo la qaatay Ku-simaha Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Guudlaawe iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa sheegay in safaradani wadajirka ah ee wadatashiga ah ay sii socon doonaan lana gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka, iyagoo horey u soo maray qaar ka mid ah Gobolada Dalka.

R/wasaare Kheyre“Suurtagal noqon mayso in shacabkeenuna ay macluul iyo gaajo u dhintaan”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in suura gal aysan aheyn dalkeena oo leh kheyraad aad u badan ay dad badan u dhintaan Macluul, isagoo sheegay in arintaasi looga bixi karo hadii la hormariyo waxsoosaarka dalka.

“Suurtagal noqon mayso in dalkeena uu leeyahay khayraad farabadan shacabkeenuna ay macluul iyo gaajo u dhintaan, Balse waa in aan horumarinaa wax soo saarka dalka si ay u yaraato gaajada iyo macaluusha shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa qeexay doorka qurba joogta Soomaaliyeed ay ku lahaayeen wax ka Qabashada abaarihii ku dhuftay dalka, waxuuna tilmamay in ay iska soo aruuriyeen lacag gaaraysa Shan Milyan oo Dollar.

“Soomaaliya waxaa u bilaamay baal cusub oo horumarineed, waxayna diyaarisay qorshayaashii ay ku sugan lahayd Amnigeeda kuna horumarin lahayd dalka oo dhan. Sidoo kal waxay diyaarisay qaabki looga hortigi lahaa khatarta abaaraha, anagoo kaa shanayna hay’adaha caawiya Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa hadalkan ka jeediyay shir looga hadlayay dood ku saabsan ka hortaga iyo jawaab ka bixinta Abaaraha soo noq-noqda ee Soomaaliya oo shalay uu kaga qeyb galay magaalada Muqdisho, Waxaana shirkaasi sidoo kale goobjoog ahaa Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Abaaraha, iyo Wasiir Dawlaha Arimaha Dibadda, qaar kamid ah Hayadaha Qaramada midoobay, madax ka socotay maamul goboleedyada iyo Safiirada dalalka taageera Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay wufuuda ka soo qayb gashay shirka oo ka kala yimid meelo fog-fog waxuuna ka sheekeeyay jawaabtii ay ka bixisay xukuumadiisa abaartii Soomaaliya mudadii yarayd ee ay jirtay, isagoona sheegay in markii la magacaabay ay dadaal dheer u galayn sidii ummadda Soomaaliyeed looga badbaadin lahaa abaaraha.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay sidii looga gaashaaman lahaa looguna diyaar garoobi lahaa abaaro kale oo Soomaaliya soo wajaha iyo habka ugu haboon ee loo hubin karo in gargaarka la gaarsiiyo dadka loogu talagalay, taas oo ay ugu deeqeen dawladooda iyo hay’adaha caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo Gaar Gaar la qaadanayo Madax Kala Duwan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulamo Gooni Gooni ah  la yeeshay Hay’adaha  Gaar gaarka, Madaxda Midawga  Afrika iyo wakiilada Ururada Caalamiga ah, Midowga Yurub, e ka qeyb galaya Shirka Madaxda Midowga Afrika ee ka socda Addis Ababa.

Madaxweynaha Somaliya Kuanka uu la qaatey Wafdiga Midawga Yurub ugua warbixiyey xaaladda guud ee dalka, isagoo u mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada ammaanka, horumarinta iyo gargaarka bini-aadantinimada. Madaxweyne Farmaajo waxa uu kala hadlay Midowga Yurub in ay kordhiyaan dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, taas oo madaxdii ka socotay Midowga Yurub   ay bogaadiyeen dib-uqaabeynta dhismaha Amniga Qaranka ee ay waddo Dowladda Soomaaliya.

Madaxda wafdiga Midowga Yurub ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsanyihiin Socdaalka Nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu Madaxweynuhu ku maray deegaannada Puntland iyo Galmudug, Wafdiga ayaa sheegay in xiriirka wanaagsan ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah, uu horseeday guulo wada-shaqeyneed oo muhiim u ah hor u socodka Soomaaliya.

Wafdiga Midowga Yurub ee Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay, waxaa hoggaaminayey Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah Stefano Manservisi iyo Madaxa Maamulka Waaxda Adeegyada Dibadda ee Midowga Yurub Koen Vervaeke.

Wafdiga Midowga Yurub ee Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay, waxaa hoggaaminayey Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah Mudane Stefano Manservisi iyo Madaxa Maamulka Waaxda Adeegyada Dibadda ee Midowga Yurub Mudane Koen Vervaeke.

 

Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Kulmay

0

 

Addis Ababa, 28 Jan 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo uu qeyb galayo Shir-Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika, ayaa waxa ay kulan gaar ah yeesheen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyey horumarka la taaban karo ee Dowladdu ka sameysay dhinacyada siyaaadda, amniga iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiniciisa sheegay in Dowladda ay ka go’antahay sii xoojinta dib u heshiisiinta iyo xasillina dalka, isaga oo intaas ku daray Madaxweynuhu in ay muhiim tahay in Qaramada Midoobay ay dardargaliso caawimaadda ay siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyn Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa isla soo qaaday meesha ay mareyso u diyaarinta ciidamada Soomaaliya in ay amniga dalka la wareegaan , Xoghaye Guterres ayaana qiray in Ciidamada Soomaaliya ay yihiin kuwo la isku hallayn karo oo u baahan in la taageero oo kaliya , waxa uuna hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in Qaramada Midoobay ay gargaar dhinaca bini’aadanimada ah gaarsiin doonto Soomaaliya.

Gen Osman Nuur Subagle oo dhameeystay waqtigiisa uu hugaanka u hayay howlgalka AMISOM-(sawirro)

0

Gen Osmaan Nuur  Subagle ayaa ugu horreynba  sharaxay sidii ay AMISOM qeyb kaga aheyd doorashooyinkii  lagu soo doortay Madaxweyne Maxmed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxa uu sheegay in geedi socodka howlaha nabad gelyada iyo u taba-baridda howlaha amniga iyo farsamo ee xilligii doorashooyinkii   eey kaalin weyn ka qaateen .

xiriirka ka dhexeeye ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayuu sheegay in uu sii xoojiyay isagoo qiray  xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya ciidamada AMISOM  iyo kuwa Soomaaliya  sida uu u sheegay SNTV.

Mar wax laga weydiiyay arrimaha ku saaabsan shilalka eey ciidama AMISOM  galaan in eey sabab u tahay xirfad la’aanta xagga ka xeeynta wadida gawaarida ayuu iska diiday GEN jiritaanka arrintas, taa badalkeeda wax  uu sabba kaga dhigay in eey jireen ciriira xagga wadooyinka ah iyo shaki  amni taasi oo badi uu sheegay in eey kalifto shilalka.

Hadii ay jiraan in eeysan AMISOM bixin wax mag-dhow ah  marka eey  galaan shil, su’aal aheyd  ayuu kaga  jawaabay in  uu jiro xafiis laga diiwaan geliyo dhibanayaasha oo waqtigiisa uu xilka taliska haayaay uu aad u dar-dar geliyay in eey bixiyaan mag-dhow marka eey shil galaan ciidamada  AMISOM

ugu dambeyn Gen Subagle   ayaa  ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in eey ciidamadooda u qiraan  in eey yihiin ciidama qaran isagoo intaas raaciyay in dowladnimada fursad la siiyo si eey u hesho waqti lagula xisaabtami karo.

Gen Osmaan Nuur Subagle ayaa xafiiska  ka tegi doono maalmo kadib, waxa uuna xilka ku wareejin doonaa taliya cusub ee loo soo magacaabay howlgalka AMISOM.

 

 

 

Madaxweyna Farmaajo oo Addis Ababa kaga qeyb-galayo Shir madaxeedka Midowga Afrika.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo Maalinta berri ah uu ka furmi doono Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika.

Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka aasaaska u dhigay Ururka Midowga Afrika, ka qeybgalka Madaxweynaha ee shirkanna waa mid aan dooneyno inaan sare ugu qaadno xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee aan la leenahay qaraadda inteeda kale.”

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda Afrika, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga labada dal.

Magaaladda Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo gogol xaar u ahaa Wafdiga Madaxweynaha.

Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan la yeeshey jaaliyada Switzerland

0

Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Xalay kulan la qaatay Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland iyo Nawaaxigeeda.

Kulankaasi oo ku dhacay jawi wanaagsan iyo isfaham ayaa waxaa la hadlay Dadkii ka soo qeybgalay kulankaasi Raiisul-wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sheegay in Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay rabaan dawladnimo.

Mudane xasan Cali Kheyre oo la hadlaayay Dadkii ku noolaa Wadanka Switzerland iyo Nawaaxigeeda ayaa yiri, “waxaannu isla garanay in Soomaaliya jidkii dawladnimada hayso, iyaguna ay taageeraan dawladdooda”.

Raiisul-wasaaraha ayaa beryahaanba ku sugnaa Magaalada Davos ee Dalka Switzerland, halkaasi oo uu kaga qeybgalay Shir-madaxeedka Dhaqaalaha Adduunka.

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxaayo Magaallada Adis-Ababa ee Dalka Ethiopia

0

Shir madaxeedka wadamada Midowga Afrika ayaa ka furmaya maalinta berrita ah magaalada Addis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya,kaasi oo ay ka qeybgalayaan hoggaamiyaasha Dowladaha Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya shirkaasi,iyadoo lafilayo in madaxweyne Farmaajo uu maanta u ambaxo Dalkaasi Itoobiya.

Shirka oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa looga arrin sanayaa xoojinta Nabadageliyada,ladagaalanka Musuqa iyo Arggagixisada ee Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay madasha shirkaasi waxaa la filayaa in uu kulamo la yeesho madaxda hoggaamiyaasha dalalka Afrika.

Shirkaasi ayaa lagu casuumay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuumaasin oo halkaasi ka jeedin doona khudbad la xiriirta arrimaha Falastiin,isagoo sidoo kale soo bandhigi doona aragtidiisa ku aadan go’aankii madaxweyne Trump ee Qudus.