Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo uga digay ciidanka Militariga in fasax la’aan ay magalada hub ku dhexwataan

Date:

Muqdisho(SNTV) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/weli Jaamac(Gorod) oo ka hadlay howlgalada amni sugidda ah ee ka socda caasimadda iyoo wadashaqeynta ciidanka ayaa soo saaray digniino ku wajahan ciidanka magaalada ku dhexwata hubka iyagoo aan haysanin wax fasax ah.

Janaraal Gorod ayaa digniin u jeediyay ciidanka Gaar ahaan kuwa Xoogga Dalka oo aan haysan wax fasax ah in hubkoodi ay la dhexmaraan magaalada Muqdisho oo ay howlgalo ballaaran ka wadaan ciidamada u xilsaaran Xasilinta magaalada.

“Marka ugu horeysa in aan ogaano in ay jiraan ciidamo amniga u xilsaaran oo la xurmeeyo,oo laga fogaado in  aan la garan waayin qofka shaqeeya iyo qofka amniga qalqal gelinaya,ciidanku ha joogaan xeryohooda marka ay soo baxayaan  fasax ha soo qaataan,waa dhamaan ciidamada,hadana gaar ahaan waxaan la hadlaya ciidanka Xoogga Dalka,qofkii aan haysan fasax oo hub magaalada la dhexmara haddii la dilo ama hubka laga qaado mas’uuliyadda isaga ayaa qaadaya”. Ayuu yiri Janaraal Gorod.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/weli Jaamac(Gorod) ayaa dhanka kale waxaa uu fariin u diray ciidanka xasilinta taasi oo ku aadan in si dhow ay u wada shaqeeyaan ciidamada qeybohooda kale duwan gaar ahaan hadii ay arkaan ciidan hubaysan oo military ah in si wanaagsan ay ula macaamilaan,si looga gudbo in cadowga uu fursad helo.

“Ciidanka u xilsaaran xasilinta waajib baa laga rabaa maxay tahay,adigoo fulinaya waajibkii shaqada ayaa haddana waxaa lagaa rabaa in aad ixtiraamto saaxiibkaa kale oo aan dhib wadin,inaad weydiiso aqoonsigiisa si degan oo aan xanaaq ku jirin madaxdiisa aad u gudbiso kadibna la siiyaayo hadii uu fasax haysto”. Ayuu intaasi kudaray Taliye Gorod.

Hadalka taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku soo beegmaya xili ay sii kordhayaan howlgalada ballaaran ee ka socda magaalada Muqdisho,waxaana ujeedka hadalka taliyaha uu yahay in aan lakala garan waayin dadka cadowga ku ah amniga dalka iyo ciidanka waajibkooda gudanaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...