R/wasaare ku-xigeenka Dalka iyo Duqa Muqdisho oo si wadjir ah u Daah furay Wajiga labaad ee mashruuca Nadaafada casriga ah ee G/Banaadir

Date:

Muqdisho (SNTV) R/wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka wajiga labaad ee Mashruuca Nadaafadda Gobolka Banaadir oo ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkadda Nadaafadda ee lagu magacaabo ECCO.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkadda Nadaafadda ee ECCO mudadii labada sanno ahayd ee ay shaqeynaysay wax badan ay ka qabatay bilicda Caasimadda, iyadoo shaqooyin u abuurtay dadka Soomaaliyeed. Waxuna xusay maadaama ay Muqdisho tahay muraayaddii dalka loo wada istaago hagaajinta bilicdeeda oo nadaafaddu kow ka tahay.

“Waa mashruuc casri ah sida aad u jeedaan qalabka la soo bandhigay oo nadaafada caasimada kaalin mug leh ka qaadan doona, soona celin doona bilicda Caasimadda. Horumarrada kala duwan ee aan ku tallaabsanayno maalin walba waxey keentay in magaalada la maalgashado, nadaafadduna waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno”.Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay horumarinta Bilicda Caasimadda ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee da’da weyn ay xusuusan karaan xilligii Muqdisho loo aqoonsanaa mid ka mid ah magaallooyinka ku yaallo qaaradda Afrika ee ugu bilicda quruxsan, hiigsiga maamulkiisuna uu yahay sidii mar kale loo soo celin lahaa taariikhdii Nadaafadeed ee ay caanka ku ahayd magaalada Muqdisho.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay maalgashadaan dalkooda, si ay fursado shaqo uga helaan dhalinyaradu, isla markaana ay Maamulka Gobolka Banaadir ka go’an tahay in ahmiyad gaar ah uu siiyo maalgeshiga si horumarka iyo dib-u-dhiska dalka kaalintooda uga qaataan.

Munaabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Dawladda, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...