Talyaaniga oo Ciidanka Booliska ku wareejiyey gaadiidka ay ku xiran yihiin qalabka ka hortagga qaraxyada

Date:

Muqdisho (SNTV), Dawladda Talyaaniga, ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku wareejiyey Seddex Gaari oo labo kamid ah ay yihiin BMW oo ka mid ah gawaarida ugu qaalisan Caalamka, kuwaasi oo ay ku xiran yihiin  Qalab fududeynayo ka hortaga Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.

Safiirka Dawladda Taliyaaniga ee Soomaaliya Danjire, ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ku wareejiyey Documents-ka  iyo Fureyaasha Gawaaridaan, waxaana Safiirka  warbixin  uu ka siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska qalabka ku xiran gawaaridan ee looga hortago Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto  Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in Gaadiidka maanta ay ku wareejisay Dawladda Talyaaniga waxbadan ay ka badali doonaan Xaaladda Amni ee magaaladda Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...