Dibadbaxyo ka dhashay isbedel canshuur cusub oo weli ka taagan Urdun.

Date:

Dibadbaxyo looga soo horjeedo isbedel dhinaca canshuuraha dalka Urdun oo ay taageerayso hay’adda lacagta dunida ee IMF ayaa ka socda dalka Urdun iyadoo dadka dibad baxyada dhigaya ay dal banayaan in R/Wasaaraha dalkaasi uu xilka iska casilo.

Dibad baxayaasha ayaa isagu soo aruuray meel udhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee magaalada Camaan iyagoo kasoo horjeeda canshuurta lagu kordhiyay.

Boqolaalo kamid ah mudaaharaadayaasha ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah dibad baxyo ka dhigaya gudaha dalka Urdun iyagoo kasoo horjeeda canshuur taasi oo sida la sheegay culeys ku ah hab nololeedka dadyowga marka loo eego dakhliga soo gala muwaadiniinta dalkaasi, waxaana ay dadka ka qayb galaya gadoodkani ay u arkaan in ay si gaar ah u taabanayso xaaladaha dhinaca nolosha ee dadka caadiga ah.

Dibadbax yadani oo ay ka qayb galayaan in ka badan 33-urur kuwaasi oo dhowaan ku dhawaaqay shaqo joojin guud, ayaa ku eedeeyay xukuumadda Cammaan in ay ku fashilantay wax ka qabashada siyaasadaha la hal maala dhaqaalaha.

Dad isku soo xoomay oo sitay halku dhigyo ka dhan ah dowladda kuna baaqayay in R/Wasaare Hani Mulki uu xilka iska casilo, ayaa socod ku maray wadada sida tooska ah u tagta xafiiska R/Wasaare Hani Mulki.

Dibadbaxyo lamid ah ayaa sidoo kale ka dhacay qaybo badan oo kamid ah gobollada kuwaasi oo ay kamid yihiin gobollada Zarqa, Irbid, iyo Ma’an.

Ururada ganacsiga ee midoobay ayaa sheegay in qorshaha canshuurtani oo ay ku talisay Sanduuqa  lacagta ee Caalamiga ah ee loo soo gaabiyo IMF uu yahay mid uga sii cusleeynaya xaaladda heerarka nolosha iyo maciishadda nolosha dadyowga caadiga ah ee dalka Urdun.

R/wasaare Mulki ayaa la sheegay in uu weli diidan in uu wax ka bedelo qorshaha canshuurta isagoo sheegay in go’aanka ugu dambeeya uu baarlamaanku leeyahay.

Mr. Mulki oo la hadlayay warfidyeenka kadib markii uu kulan la qaatay hogaamiyeyaasha Ururada Ganacsiga ayaa waxa uu sheegay in sharciga qabyo qoraalka ah uusan micnahiisu ahayn in baarlamaanka uu ogolaan doono ama uu aqbali doono qodobo kamid ah sharcigan.

R/Wasaaraha Urdun ayaa sheegay in ay xigi doonaan kulamo dheeraad ah, balse Cali Obus oo ah madaxa Midowga Ururada Ganacsiga Urdun ayaa ka dalbaday dowladda in ay dhowrto madax banaanida islamarkaana aysan ku dhex milmin dalabaadyada IMF.

Qorshaha canshuurta cusub ee dalka Urdun ayaa soo jeedinaya in qof kasta oo sanad kiiba uu soo galo dakhli dhan 8,000 Dinaar oo u dhiganta $11,000 oo dolar ama in ka badan ay tahay in uu bixiyo shan boqolkiiba dakhliga canshuurta, halka ganacsatada ay wajihi doonaan canshuur koror gaarsiisan inta u dhaxeeysa 20 illaa 40 boqolkiiba, iyadoo ciddii diida la ganaaxi doono.

Sharciga Canshuurta ayaa la sheegay in la doonayo in lagu yareeyo amaahda lagu leeyahay Urdun taasi oo dhan 94 boqolkiiba si loo yareeyo 77 boqolkiiba marka la gaaro sanadka 2021-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...