Home Blog Page 1303

Hanaanka Garsoorka Dalka oo dib u habeyn lagu sameynayo

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay inuu sameyn doono dib u habayn balaaran oo ku aadan hanaanka garsoorka dalka, xilli shalay uu la wareegay xilkiisa.

Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dhowaan la dhisi doono guddiga adeegga garsoorka oo muddo badan lagu taamayay, si garsoorka dalka uu u noqdo mid hufan oo madax bannaan.

Sidoo kale, wadashaqaynta xiriirka hay’adaha cadaaladda ka shaqeeya, tababarista xirfadlayaasha garsoorka iyo tayada adeegga garsoorka ee shacabka ayuu xusay inuu ahmiyad wayn siin doono.

Guddoomiyaha cusub Maxkamada sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay Guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo mudo xilkan soo hayay.

Faah faahin ka soo baxaysa Tahriibayaal ku dhintay xeebaha Tunisa

Tunisia(SNTV)- Wararka ka imaanaya dalka Tunisiya ayaa sheegay in Ugu yaraan 35 qof oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku dagtay xeebaha Bariga Tunisia.

War ka soo baxay Dowladda Dalkaasi ayaa lagu xaqiijiyay geerida dadkaasi,waxaa kale oo ay dowladdu sheegtay in ilaa 67 qof oo kale ay soo bad baadiyeen ciidamadda Badda Dalkaasi.

Wasiirka Arimaha gudaha Tunisia ayaa sheegay in doontan dagtay ay saarnaayeen 180 qof oo u badan dad Tunisiyaan ah,kuwaasi oo ku sii qulqulayay Qaaradda Yurub,waxaana Dalka Tunisia uu  hadda noqday marin muhiim u ah tahriibayaasha doonaya inay Yurub galaan,kadib markii culeys uu kaga yimid dhanka Liibiya.

Wararka ayaa intaasi ku darayaa in Doonta ay 5 mile u jirtay Jasiirada Kerkennah, 16 mile-na waxay xaga badda u jirtay magaaladda Sfax ee wadankaasi Tunisiya.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in la xirayo xerada Qoxootiga Silicly ee dalkaasi,kadib markii ay dowladdu sheegtay in maaro loo wayaay daryeelka iyo xakamaynta tahriibka.

Dhinaca kale Dalka Turkiga ayaa la sheegay in ay ku degtay dooni ay saarnaayeen 60 qof oo tahriibayaal ah oo caruur ay kujiraan,sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska ciidamada ilaalada Xeebaha Dalkaasi.

Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo maanta ka furmaya Baydhabo

Baydhabo(SNTV) Shirkii Golaha Amniga Qaranka ayaa maanta ka furmaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,kaasi oo ay ka qeybgalidoonaan madaxweynaah iyo Raiisul Wasaaraha Dalka,madaxda dowlad Goboleedyad iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda shirkaasi ayaa haatan ka soconaysa magaalada Baydhabo,iyadoo saacadaha na soo aadan lafilayo in uu sirasmi ah uu u furi shirkaasi madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto,islamarkaana socondoono muddo 2 maalmod ah  waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ay kamid yihiin  amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Shirkan daba socda shirar ka horeeyey oo looga hadlayay arrimaha masiiriga ah ee dalka,iyadoo lafilayo in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.

Guddiga Maaliyada ee Golaha Shacabka oo la kulmay madaxda sare ee Bangiga Dhexe ee dalka

Muqdisho(SNTV) Masuuliyiinta Bangiga Dhexe ayaa Guddiga la wadaagay waxyaabaha u qabsoomay, hormarada la gaaray iyo caqabadaha hortaagan ee xalinta u baahan.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Cali Cabdi Cismaan ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta Bangiga Dhexe in ay soo dadajiyaan helitaanka lacag  Shilin Soomaali ah oo ay baahi xoog leh  u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo Kale Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay wax ka qabashadda cabashooyinka la xiriira adeegyada Iyo caqabadaha mararka qaar ku soo kordha Bangiyadda gaarka loo leeyahay  kuwaas oo mararka qaarkood  dhinaca dibadda looga soo roggo xayiraad dhinaca dhaqaalaha.

Ugu dambeyn labada dhinac ayaa isla gartay in ay dhex marto wada shaqeyn balaaran si looga gudbo caqabadaha hor taagan howlaha maaliyadda, loona xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac.

Shibis oo ka guuleystay degmada ay wada tartamayeen

Muqdisho (SNTV)-Tartanka waxaa ku wada ballansanaa degmooyinka Shibis iyo Heliwaa oo ka wada tirsan gobalka Benaadir, waxaana weydiimaha ugu horreynba nasiib u yeeshay degmada Heliwaa.

Tartameyaasha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal,  waxa ay ka faa’iideysteen 2- su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Shibis, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Heliwaa ay heleen waxay noqotay 6- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7-su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3- su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah  oo ay heleen, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Shibis waxay noqotay 6-dhibcood.

Guddiga ayaa dib u saxay su’aashii lixaad tartanka ee la weydiiyay Tartamayaasha Degmada Shibis, taasi oo ahayd cayaaraha dalka, waxaana guddiga go’aamiyay in jawaabtii ay bixiyeen Shibis ay noqotay mid sax ah sidaasina lagu siiyay labada dhibcood.

Sida uu sharciga qabo waxaa lagu daray suaalo dheeri ah, Heliwaa ayaa la timid labo dhibco oo kaliya, taasi oo ka dhigan inay heleen 8- dhibcood, halka Shibis ay la timid 6-dhibcood, oo u dhiganta hal su’aal oo ay ka faa’iideysteen iyo labo xabo oo ay saxeen dhankooda. waxaana wadarta guud ee Shibis ay noqotay 12- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa  u  gudbay wareegga 3-aad tartanka, halka tartamayaasha Degamda Heliwaa ay ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 2-aad.

Tartanka uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir isla markaan ay tabineyso warbaahinta Qaranka, waxaa habeen dambe  foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Xamar Jajab & Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay

0

Muqdisho(SNTV);- Guddoomiyaha cusub ee maxkamdda sare ee dalka ayaa maanta si rasmi ah xilkiisa ula wareegay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka cadaaaladda iyo xeer ilaaliyaha Qaranka.

Mudane Baashe yuusuf Axmed oo todobaadkii hore xilkaasi loo magacaabay ayaa xilka kala wareegay mudane Ibraahim Iidle Sulaymaan oo xilkaasi horey u hayay.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuu diiradda saarayo horumarinta adeegga garsoorka iyo sare u qaadista aqoonta dadka ka shaqaynaya.

Wuxuuna Guddoomiyihii xilkan kaga horeeyay ku ammaanay howsha hagar la’aanta ah ee adeega garsoorka ka soo qabtay,islamarkaana meel wanaagsan uu soo gaarsiiyay.

Dr. Axmed Cali daahir xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa u mahadceliyey gudoomiyihii hore ee maxkamadda sare shaqadii uu garsoorka dalka ka qabtay.

Wasiirka cadaaladda xukuumadda FS mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa munaasabadda xil wareejinta ka sheegay in uu isbadalkan ka filayo horumar cadaaladeed iyo in nidaamka garsoorka dalka shaqo badan laga qabto, si bulshadeenu u hesho adeeg garsoor oo sax ah.

RARKA GUDAHA Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu hoggaaminiyo oo gaaray Magaalada Baydhabo.

Baydhabo(SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaas oo maalinta berri ah uu si rasmi ah uga furmayo Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri “Shirkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho bishii Febraayo waxaa lagu go’aamiyay in shirka xiga lagu qabto magaalada Baydhabo. Dowladda waxay ku hanweyntahay in shirkani ay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan oo sii dardargelinaya arrimaha amniga, federaalaynta dalka, khayraad wadaaga iyo in dalka lagu soo dabbaalo siyaasad deggan oo ku dhisan wadatashi.”

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed iyo shacabka magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Baydhabo

0

Muqdisho(SNTV):-Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 3 June 2018 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyey madaxweynha Maamul Goboleedka Kuunfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Shacabweyne lulayey caleemo qoyan.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ah ka qaybgalka shirka ka furmi doona saacadaha fooda inagu soo haya magaalada Baydhabo, shirkaasi oo ay ka qaybgali doonan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Dowladda Soomaaliya, shirkaas oo lagu gurfeyndoono arimaha siyaasada, Cadaalada iyo amaanka guud ee Soomaaliya.

Dhinca Kale Madaxweymaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warabaahinta la hadlay markii uu gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegey inuu magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur Galbeed uu u yimi ka qayb galka Shirka amniga Qaranka.

“Aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhowyenta iyo walaaltinimada ay nagusoo dhoweeyeen, marwalba waan uga mahad naqaynaa soo dhoweenta ay kamuuqato ehelnimo iyo Soomaalinimo waa ku mahadsan yihiin, waxaan u maleen laba todobaad ka hor bay ahayd markaan halkaan iskugu nimid Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka soomaaliya, hadana waxaa la iskugu soo laabtay baydhabo inuu ka dhaco shirkii amniga qaranka Soomaaliya, waxaan rajeenaynaa inuu shirkaas noqdo mid mirodhala oo u horseeda guul iyo horusocod aad ayaad u mahad santihiin” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu Danbayn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo magaalada Baydhabo wuxuu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka soomaaliya, iyadoona madaxweynuhu kala xaajoondoono xaaladda dalka soomaaliya uu ku jiro xiligaan iyo sidii salka loogu dhigi lahaa amaanka guud ee Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo Magaalada Baydhabo uga qeyb galaya Shirka Amniga Qaranka

Muqdisho 03 June 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, halkaas oo ka dhici doono shirka Amniga Qaranka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay ujeedka shirkani inuu yahay mid daba socda shirarkii kal hore lagu qabtay magaallada Muqdisho. Isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey qodobo waxtar u leh ummadda Soomaaliyeed in ay ka soo bixi doonaan.

Shirkan oo socon doonna labo maalin ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda Qaranka, Madaxweyneyaasha Maamullada Gobollada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Ra”iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Baydhabo

0

Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ra”iisul Wasaaraha dalka waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey masuuliyiinta dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya iyo madax kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa magaalada Baydhabo kaga qeyb gali doona Shirka golaha amniga Qaranka oo lagu wado berri oo isniin ah inuu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dawlad goboleedka Koofur Galbeed.

Shirkaas waxaa sidoo kale ka qayb galaya madaxda dawlad goboleedyada iyo laamaha kale ee dawladda, waxaana diiradda lagu saari doonaa xaaladda amni ee dalka, xoojinta dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab iyo arrimaha siyaasadda.

Ajandayaasha shirka waxaa ka mid ah doorashooyinka soo socda sidii loo qorshayn lahaa iyo geedi socodka dhamaystirka Dastuurka .