Khasaaraha dhimashada muhaajiriinta ay dooni kula quustay Tuniisiya oo korortay

Date:

Hay’adda caalamiga ah ee muhaajiriinta ee loo soo gaabiyo (IOM) ayaa sheegtay in tirada dhimashada muhaajiriintii ay la qalibantay doon gudaha xeebaha dalka Tunisia todobaadkii lasoo dhaafay ay kor udhaaftay ugu yaraan 112 qof.

Dhowaan ayay ahayd markii la shaaciyay in tirade dhimashada ay gaartay 50 qof, warbixintaasi oo la shaaciyay waxyar uun kadib markii ay doontu ku degtay xeebta dalka Tunisia.

86-qof oo kale kuwaasi oo isagu jira muhaajiriin kasoo kicitimay wadamada caalamka iyo qaar u dhashay Tunisia ayaa la sheegay in ay illaalada xeebaha Tunisia ay ku guulleeysteen in ay soo badbaadiyaan waxyar uun kadib markii ay doontu ku degtay xeebta dalka Tuunisiya.

Dhowaan ayaa dalka Libya ee waqooyiga Afrika uu billaabay tallaabo lagula dagaalamayo dadka muqalisiinta ah, kuwaasi oo si joogta ah tacadiyo isagu jira jirdil iyo silcin ugeysta dadka tahriibka ah.

Dadka ay dhibaatadan qaybsatay ayaa waxaa ay isagu jireen qaar ka tagay wadamo kamid qaaradda Afrika oo ay kujiraan qaar udhashay dalka Tuniisiya kuwaasi oo doonayay in ka gudbaan badda Mediterranean-ka iyagoo ku safrayay doono aanan ka bixi Karin safarka halista ee biyaha badweynta, iyadoo kuwa ka badbaada ay gaaraan Sicily oo katirsan dalka Talyaaniga.

In ka badan 32,000 oo qof ayaa sanadkaan gaaray wadamo katirsan qaaradda Yurub kuwaasi oo marka hore ka gudbay dhinaca badda, sida ay sheegtay hay’adda IOM, iyadoo ay tiro lagu qiyaasay 660 qof ay ku dhinteen xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan biyaha Medhitareeyniyaanka.

Tuniisiya ayaa taniyo sanadihii lasoo dhaafay noqotay marin ay isticmaalaan dadka tahriibka ah kuwaasi oo doonaya in ay si sharci darro ah ku tagaan dalal kuyaala qaaradda Yurub halkaasi oo ay aaminsan yihiin in ay helayaan nolol wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...