Maleeshiyada Shabaab oo qasaare xoogan lagu gaarsiiyay dagaal ka dhacay Gedo

Date:

Gedo(SNTV)-Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegayaa in dagaal u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maleeshiyaad ka tirsan koxda Naflacaariga ah ee Alshabaab,gelinkii dambe ee xalay.

Dagaalka ayaa ka dambeeyey kadib markii maleeshiyaadkaasi Shabaab ay arbushaad ah ay ku soo qaadeen magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo,gaar ahaan ag agaarka Buundada,halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidmado ka tirsan Xoogga Dalka,sida uu soo dheegayo wariyaha warbaahinat Qaranka ee Gobolka Gedo Cumar Ceyduruus Axmed.

Saraakiisha Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in qasaare dhimasho iyo dhaawac ay  dagaalkaasi ugu geesteen maleeshiyaadkii soo weerary,islamarkaana hub iyo dad nool laga qabsaday.

Abaanduulaha guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/Dhexe Cismaan Sheekh Cabdi Qorax oo ku sugan magaalada Baardheere ayaa faah faahiyay sida uu u dhacay dagaalkaasi.

“Walaal waxaa ay wax u dheceen nimankii Shabaab ayaay ina soo weeraray gelinkii dambe ee xalay,waxay ku soo qaadeen meel ciidanku ay ku sugnaayeen weyna ku jabeen,waxaa jiray weerar kale aan ku qaadnay markii ay jabeen’qasaare badan ayaa soo gaaray,inkastoo weli ay dhimantahay hadana waxaan haynaa qof nolosha ku qabanay iyo 10 qof oo aan ka dilnay,waa Buundada magaalada,waxaan sidoo kale ka qabsanay hub farabadan”. Ayuu yiri Abaanduule Qorax.

Abaanduule Qorax ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan firxadka maleeshiyaadkaasi Shabaab,waxaana uu intaasi ku daray in ay sii wadidoonaan dagaalkaasi.

Gobolada Gedo iyo Jubboyinka ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka soconayay howlgalo ballaaran oo ka dhan ah Maleeshiyad Alshabaab,si looga hortago dhibaatooyinka ay ku hayaan bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...