Dawladda oo lacag ugu deeqday Goballada Duufaantu ku dhuftay

Date:

Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna gudoomiyaha Guddiga qaran ee Gurmadaka Fatahaadaha, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) ay ugu deeqday deegaannada fatahaaduhu saameeyeen ee gobolada  Waqooyi.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ay wehliyeen wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir kuxigeenka Dastuurka, Dr Hussein Abdi Elmi iyo xubna ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa si qota dheer uga hadlay dhibaatooyinka jira isaga oo codsaday in Shacbiga Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan u gurmadashada dadka walaalahood ah ee dhibaatadu gaartay.

“Hal milyan oo doolar oo gargaar ah ayaa Dawladdu ugu deeqday deegaannada goballada Waqooyi ee fatahaadaha iyo duufaantu saameeyeen”, ayuu yiri Ra’iisuwasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaaduhu ay meel wanaagsan marsiinayaan dadaallada loogu gurmanayo dadkii dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadda Wabiyada iyo Roobabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...