Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Dakhligii ay qabato ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda

Date:

Muqdisho (SNTV)- Si loo hormariyo hanaanka Dowlidnimada loona mideeyo maamulka dakhliga dhamaan Hay’addaha dawliga ah, ayaa maanta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlada Federaalka ay ku wareejisay Wasaaradda Maaliyada  Dakhliga soo galo maadaama ay u xilsaaran tahay in ay halmeel isugu geyso.

ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta Wasaaradda Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada iyo masuuliyin ka socotay labada wasaaradood.

Wasiirka Wasaaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la mideeyo hanaanka maamulka dakhliga taasoo ula jeedadu tahay in la gaaro hufnaan maaliyadeed.

Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in hanaankan Maaliyadeed uu damaanad qaadayo in si hufan loo maamulo dakhliga dawladda.

Horey ayay Wasaaradda Maaliyadda dhowr Wasaaradood ugala wareegtay dakhliga ay uruuriyeen, taas oo lagu shubay Bankiga dhexe ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...