Home Blog Page 1288

Duqa Muqdisho oo sheegay in baaris lagu sameynayo dhulalka Dowladda

0

Muqdisho, 23 May 2018 – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa sheegay in khubaro iyo guddi baaris loo xil saarayo dhulalka Dowladda ee sida sharci darada loo bixiyey ka dib markii ay cabashooyin ka yimaadeen.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa yiri “Iyadoo la tixraacayo amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) taariikhdu markey ahey 19kii Janaayo 2018 ee uu ku yiri Dhulka Dowladda inaan la hibeyn karin, lana bixin karin, lana wareejin karin.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa qoraalkaas 19ka Janaayo 2018 ku sheegay inuu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimada Muqdisho. Sidoo kale qoraalkii Madaxweynaha ee 19kii Janaayo 2018 ayaa farayey dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegay in guddigan iyo khubarada loo xilsaari doono inay baaraan dhammaan dhulalka Dowladda ee la bixiyey si ay warbixin dhameystiran uga soo gudbiyaan oo lala wadaagi doono shacabka.

Xog-hayihii Hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan Sagootin ah loo Sameeyay

0

Muqdisho, May 23, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weheliyaan Qaar ka mid ah Gollaha Wasiirradda iyo dhammaan Shaqaallaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galay munaasabad Afur ah oo lagu sagootinayay xog-hayihii Joogtada ee Xafiiska R/Wasaaraha Maxamed Kaynan oo shaqada ka tegay, sidoo kalena waxaa lagu soo dhaweyay xog-hayaha cusub ee loo magacaabay xilkaas Axmed-nuur Cabdi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay xafladda ayaa ku amaanay Maxamed Kaynaan sidii mas’uuliyadda lahayd ee uu u waday shaqada, isagoona ku sifeeyay in uu yahay mas’uul shaqo badan, deggan, go’aan qaadasho wanaagsan leh, jecelna horumarka dalkiisa, waxbadana ka qabtay isbedelka horumarineed ee xafiiska mudadii uu shaqada joogay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyay xog-haya cusub ee maanta xilka la wareegay, waxuuna kula dardaarmay in uu shaqada kasii wado meesha uu uga tegay xog-hayihii hore, si loo wada gaaro hadafka guud ee dowladda, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyadda ay u baahan yihiin.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiiyay Maxamed Kaynaan, taas oo uu ku muteestay shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay intii uu ahaa xog-hayaha xafiiska. Wuxuuna ku dhiiri galiyay in uu ugu faa’iideeyo aqoonta iyo waayo aragmida uu leeyahay dalkiisa.

Ra’iisulwasaare kheyre oo magacaabay wasiirro ka bannaanaa golaha wasiirrada

0

Ra’iisulwasaaraha dalka ayaa magacaabay xubno wasiirro, wasiiru dowleyaal iyo wasiir ku xigeenno ka bannaanaa golaha wasiirrada.

Wasiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1- Xasan Macallin Xuseen – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

2- Xasan Cali Maxamed – Wasiirka Gaashaandhigga

3- Daahir Maxamuud Geelle – Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha

4-Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed – Wasiirka Biyaha iyo Tamarta

5-Xamza Saciid Xamza – Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka

6-Cabdifitaax Maxamed Ibraahim -Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeynta

Wasiiru dowleyaasha la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1-Daahir Cabdi Cabdullaahi – Wasiiru dowlaha Ganacsiga

2-Maxamuud Maxamed Boonow – Wasiirudowlaha Amniga

Wasiir ku xigeennada la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1-Isaaq Maxamed Maxamuud -Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha

2-Aadan Isaaq Cali – Wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha

3-Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis – Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta

4-Maxamed Saciid Cabdullaahi – Wasiir ku xigeenka Caafimaadka

5- Cabdirashiid Maxamed Xasan – Wasiir ku xigeenka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Yaa is geeyay wareegga labaad ee tartanka degmooyinka Dharkeenleey iyo Yaaqshiid?

Muqdisho (SNTV)-Wareegga 1-aad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan  qeybtiisa 7-aad ayaa caawa waxaa ku wada ballansanaa Yaaqshiid & Dharkeenley  oo ka wada tirsan gobalka Benaadir.

Min todaba Su’aalood ayaa middiiba la weydiiyay oo ay kala sinnaayeen degmooyinkii ka horreeyay sida dhaqanka tartanku yahay.

Dharkeenleey 7-Su’aalood ee loogu tala galay ayaay  ka jawaabtay mid kamid ah wax ka faa’ideysi ah ma helin, in kastoo ay soo gudbiyeen cabasho inta tartanka lagu jiray, hadana waa la hagaajiyay cabashadooda, waxa ayna sidaas ku helaan 2-dhibcood.

Dhanka kale degmada Yaaqshiid  ayaa Iyana si lamid ah la weydiiyay 7-su’aalood, waxa ay ka jawaabtay labo kamid ah, mid waxa ay aheyd mid kamid ah kuwii ay xaqqa u lahaayeen halka tan kale ay soo hareermartay degmada dhiggooda ah waxa ayna sidaas ku helaan 4-dhibcood oo uga dhigan guul ay ku xaqiijiyeen wareegga 2-aad halka Dharkeenleey ay ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 1-aad.

Habeen dambe oo ah habeenka 8-aad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan oo ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana  uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir  waxaa ku wada ballansan degmooyinka Boosaaso iyo Garowe  oo ka wada tirsan maamulka Puntiland.

Rag loo heysto weerarkii Naasa Hablood labo oo maxkamadda ciidanka la soo taagay

0

Muqdisho (SNTV)-Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa qaaday kiiskan loo heysto eedeysanayaasha kala ah:-  Fraxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxa’d Xaaji Buule, waxaana dhammaantood xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeyeen in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood labo.

Xafsiika xeer ilaalinta ayaa u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay dhageysiga dacwadda in raggan la soo qabtay xilli ay ku guda jireen fulinta weerarkaasi.

Su’aallo la weydiiyay eedeysanayaasha ayay ku qirteen in ay ka dhammaatay rasaasta ay u isticmaalayeen xasuuqa , waxa ayna dalbadeen in la cafiyo.

Qareenada difaacayay ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon kooxda Al-shabaab hasa ahaate ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto kol hadii ay qirsan yihiin in ay geysteen weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

Intii ay socotay Maxkamadeynta ayaa sidoo kale waxaa la dhageystay markaatiyaal ay kamid yihiin saraakiisha ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanayaasha  iyo shacab kale.

Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegtay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dhageysiga eedda  in ay go’aanka Maxkamadda  dib ka soo saari doonaan.

28 October sanadkii hore weerarkii lagu qaaday Naasa Hablood Labo  waxaa ku dhintay 17 qof oo isugu jiro Siyaasiin xilal soo qabtay iyo kuwa kale, xildhibaan hore, Saraakiil ciidan, Haween iyo Caruur, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay 40-qof.

Ciidanka Amniga Caasimadda oo Suuqa Bakaaraha ku khaarijiyay 2 ka mid ah Al-shabaab.

Muqdisho(SNTV)–Ciidanka sugidda Amaanka Caasimadda ee SAMA ayaa Maanta Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku khaarijiyay labo ka mid ah Maleeshiyaadka Kooxda Nabadiidka ee Al-shabaab oo ku hubeysanaa Bistoolado.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in inta Ciidamadda aysan tooganin Maleeshiyaadka ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan, balse Maleeshiyadii oo bastoolada ku habeysanaay ayaa dagaalamay, ugu dambeyntiina la toogtay, kuwaasi oo qorsheynayay in ay waxyeello u geystaan Dadka shacabka ah.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada SAMA ee Amniga Caasimadda qeybta Suuqa Bakaaraha ay howlgal ku dileen shar-wadayaal nabad-diid ah oo falal amni darro ah faraha kula jiray, wuxuuna aad ugu mahadceliyay Ciidanka howshaasi fuliyay.

Ciidamada amniga oo mar walba ku howlan inay ka hortagaaan kooxaha caadeystay inay dhibaateeyaan Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo kuwoodii ugu dambeeyay ay ka mid tahay dhacdadii Ciidamada Sugidda Amniga Casimadda SAMA qeybtooda Afgooye ay ku fashiliyeen gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyey waxyabaha Qaraxa, kaasi oo Maleeshiyaadka Nabad-diidka Alshabab ay doonayeen in ay ku Gumadaan Shacabka Soomaaliyeed.

Shir looga hadlayey heerarkii uu soo maray Dastuurka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV), Shir wadatashi ah oo ay wada yeesheen guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka baarlamaanka Soomaaliya, guddiga madaxa banaan ee hirgelinta dastuurka, Wasaaradda dastuurka XFS iyo Masuuliyiin ka socday Hey’adda UNDP UNSSOM oo gacan ka geysata arrimaha dastuurka, waxaana shirkaan ay uga hadleen qodobo badan oo ku saabsan dastuurka.

Shirka, ayaa waxaa soo diyaariyey guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka, waxaana looga hadlay heerarkii uu soo maray dastuurka, waxa qabsoomay iyo waxyaabaha u dhiman.

Wasiirka wasaaradda dastuurka XFS Mudane C/raxmaan Xoosh Jibrii, ayaa warbaahinta u sheegay in u jeedka shirkaan uu ahaa dardar gelinta howlaha dastuurka, waxaana uu xusay in arrimo badan maanta ay kawada hadleen.

Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay wada shaqeyn doonaan hey’addaha heer dowlad goboleed  iyo heer federaal ee u xil saaran dhameystirka dastuurka.

Wasaaradda Warfaafinta oo dib u howl-gelinaysa Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe dib loogu howl-gelinayo xaruntii Golaha Murtida iyo madaddaalada ee National Teatre-ka.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, C/raxmaan Iidaan Yoonis, Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, C/raxmaan Sh, Yuusuf  (Al-caddaala) Agaasimaha Tiyaatarka Qaranka Cusmaan C/laahi Guure iyo masuuliyiin kale oo Shalay kormeeray xarunta Golaha murtida iyo madaddaalada Qaranka ayaa waxay ballan qaadeen inay soo celin doonaan howlihii uu Tiyaatarka u hayay Bulshada iyo doorkii ay ka qaadan jireen Hoballada Waaberi.

Agaasimaha Tiyaatarka Qaranka Cusmaan C/laahi Guure ayaa ku simaha Wasiirka iyo Agaasimahad Guud ee Warfaafinta kaga mahad celiyay kormeerka ay ugu tageen, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay ku shaqeeyaan xaruntooda.

“Waa ku faraxsannahay Maanta madaxda inay noo yimaaddeen , anagoo ku shaqaynayna xarunteennii, kuna sii shaqyn doonno, diyaarna u ah oo nalugu dul dhiso annagoo ku shaqaynayno, oo siduu u qurxanaan jiray asagoo u qurxan ay Ummadda Soomaaliyeed usoo daawasho tagto” ayuu yiri Agaasime Guure.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, C/raxmaan Yuusuf Al-caddaala, ayaa sheegay inay Bulshada Soomaaliyeed muhiimad weyn u leedahay dib u howl-gelinta Tiyaatarka Qaranka, taasoo ay soo amreen madaxda Qaranka Soomaaliyeed, ka Wasaarad ahaanna ay sii xoojinayaan.

“Insha Allaah waxaan rajaynayaa inay Ummadda Soomaaliyeedarki doonaan xaruntii ay Jeclaayeen oo Cilmiga ay ka heli jireen, oo ay Taariikhda ka heli jireen, oo Suugaantoodu ku suntanayd oo mar kale shaqaynaysa, dedaalkaasoo uu wasiirku nagu hoggaaminayo, Madaxda sare ee Qarankuna ay nasoo amreen inay halkaan lagu shaqeeyo, Fannaaniinta Qarankana ay ku howl-galaan” ayuu yiri Agaasime Al-Caddaala.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta ahna ku simaha wasiirka, C/raxmaan Iidaan Yoonis, ayaa sheegay in dhawaan la dhisi doono Golaha Murtida iyo madaddaalada iyo wacyi gelinta ee Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed.

Mudane Iidaan ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay inay Tiyaatarku kusoo celiyaan sidii uu ahaan jiray, taasoo ay kaalintooda kaga aaddan ka qaadan doonaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya, inta ka horreysana la doonayo inay Fannaaniintu halkan kusii shaqeeyaan, kuna gutaan howl-Maalmeedkooda shaqo.

Madaxdii gormeerka ku tagtay Golaha murtida iyo madaddaalada Qaranka ee National Teatre-ka iyo fannaaniintii halkaasi ku sugnayd ayaa isla qaatay in la fuliyo ammarka madaxda sare ee Dalka ee ah in lagu shaqeeya xarunta, iyadoo sida dhaqsiyaha badanna loo dayac tiri doono Tiyaatarka Qaranka.

Xukuumadda oo daah furtay shirka billaha ah ee mashaariicda horumarineed

0

Muqdisho(SNTV):–Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Magaalada Muqdisho ka furay maanta shirka Billaha ah  ee looga hadlo Mashaariicda horumarineed ee Dalka ka socda,Amniga iyo Siyaasadda.

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya, xubno ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka ,Safiirada Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya iyo Hay’adaha gar-gaarka ee Qaramada Midoobey.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed shirkan maanta uu furay ayaa inta uu socda waxaa diiradda lagu saari doonaa sida ay socdaan Mashaariicda Horumarineed, waxyaabihii ka qabsoomay qadobadii looga hadlay shirarkii hore iyo Arrimaha la xiriira Amniga, Siyaasadda iyo Cadaaladda.

Sidoo kale inta uu socda shirkan qodobada looga hadlayo waxaa kamid ah Fatahaadaha Dalka ka jira iyo sida Dowladda iyo Beesha Caalamka uga jawaabeen Masiibooyinkan saameynta ku yeeshay Dadka Soomaaliyeed.

230 dhalinyaro Soomaaliyeed oo isku diiwaan geliyay in loo celiyo dalkooda hooyo

Muqdisho (SNTV)-Waxaa ilaa iyo hadda la diiwaan galiyey  230-dhalinyaro ah oo sanado badan ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaalo waddanka Liibiya,  dhalintan ayaa diyaar u ah in lagu celiyo wadankooda hooyo.

Cali Siciid Fiqi safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya  kana  mid ah Ergada dawladda Soomaaliya  u wakiilatay arrimaha soo celinta dhalinyarada dibadda ku xiran ayaa sheegay in todobaadka soo socodo ay dalka ku soo celinayaan qaybta ugu horraysa, iyaga oo kaashanaya hay’adda muhaajiriinta ee IMO.

Horay dowladda Soomaaliya laba jeer  ayay dalka Liibiyaan kaga keeneen  Soomaali ku dhibaateysanaa xabsiyada waddankaasi, wadamada Seychelles India & Ethiopia ayaa kamid ahaa waddamada kale ee laga keenay Soomaali ku xirnaa xabsiyada dalalkaasi,

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii ay u soo celin laheyd Soomaalida ku dhibaateysan waddamada caalamka haba ugu darnaate waddanka Liibiya oo dowlad aan awood badaneen ka jirto tan iyo markii xilka laga tuuray Qadafi taasi oo sabab u noqotay in lagu dhibaateeyo Muhaajiriinta nolosha u raadinaya Yurub oo ay Soomaalida kamid tahay.