Xog-hayihii Hore ee Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan Sagootin ah loo Sameeyay

Date:

Muqdisho, May 23, 2018โ€”ย Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weheliyaan Qaar ka mid ah Gollaha Wasiirradda iyo dhammaan Shaqaallaha Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galay munaasabad Afur ah oo lagu sagootinayay xog-hayihii Joogtada ee Xafiiska R/Wasaaraha Maxamed Kaynan oo shaqada ka tegay, sidoo kalena waxaa lagu soo dhaweyay xog-hayaha cusub ee loo magacaabay xilkaas Axmed-nuur Cabdi.

Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay xafladda ayaa ku amaanay Maxamed Kaynaan sidii masโ€™uuliyadda lahayd ee uu u waday shaqada, isagoona ku sifeeyay in uu yahay masโ€™uul shaqo badan, deggan, goโ€™aan qaadasho wanaagsan leh, jecelna horumarka dalkiisa, waxbadana ka qabtay isbedelka horumarineed ee xafiiska mudadii uu shaqada joogay.

Sidoo kale Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyay xog-haya cusub ee maanta xilka la wareegay, waxuuna kula dardaarmay in uu shaqada kasii wado meesha uu uga tegay xog-hayihii hore, si loo wada gaaro hadafka guud ee dowladda, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyadda ay u baahan yihiin.

Ugu dambayntii Raโ€™iisul Wasaarha Soomaaliya ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiiyay Maxamed Kaynaan, taas oo uu ku muteestay shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay intii uu ahaa xog-hayaha xafiiska. Wuxuuna ku dhiiri galiyay in uu ugu faaโ€™iideeyo aqoonta iyo waayo aragmida uu leeyahay dalkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...