Muqdisho (SNTV)-Wareegga 1-aad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadanย qeybtiisa 7-aad ayaa caawa waxaa ku wada ballansanaa Yaaqshiid & Dharkeenley ย oo ka wada tirsan gobalka Benaadir.
Min todaba Suโaalood ayaa middiiba la weydiiyay oo ay kala sinnaayeen degmooyinkii ka horreeyay sida dhaqanka tartanku yahay.
Dharkeenleey 7-Suโaalood ee loogu tala galay ayaayย ka jawaabtay mid kamid ah wax ka faaโideysi ah ma helin, in kastoo ay soo gudbiyeen cabasho inta tartanka lagu jiray, hadana waa la hagaajiyay cabashadooda, waxa ayna sidaas ku helaan 2-dhibcood.
Dhanka kale degmada Yaaqshiid ย ayaa Iyana si lamid ah la weydiiyay 7-suโaalood, waxa ay ka jawaabtay labo kamid ah, mid waxa ay aheyd mid kamid ah kuwii ay xaqqa u lahaayeen halka tan kale ay soo hareermartay degmada dhiggooda ah waxa ayna sidaas ku helaan 4-dhibcood oo uga dhigan guul ay ku xaqiijiyeen wareegga 2-aad halka Dharkeenleey ay ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 1-aad.
Habeen dambe oo ah habeenka 8-aad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan oo ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaanaย uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadirย waxaa ku wada ballansan degmooyinka Boosaaso iyo Garowe ย oo ka wada tirsan maamulka Puntiland.

