Home Blog Page 1287

Wasaardda Amniga oo war ka soo saartay dhacdadii ka dhacday Barta Kantorool ee Ciidanka Amniga ee KM-0

0

Muqdisho(SNTV) Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaageysaa shil kooban oo shalay galabnimadii abbaarahihii 5: 30 Galabnimo  ee taariikh 23-May ka dhacay barta koontaroolka Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin KM 0 ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taasoo askari ka tirsan ciidamada uu kor ugu riday digniin ahaan kadib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta kontorool.

Wasaaradda Amniga waxay caddeyneysaa in ay billowday baaritaan dhacdadaas la xiriir.

Ciidamada amniga waxa ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin inay naftooda u huraan difaaca Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan.

Ciidamadu waxay amar ku qabaan in ay ilaaliyaan amniga Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowlada, isla markaana dhowraan xasaanadda Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka oo laguma xad gudbaan ah.

Wasaaradda Amniga waxay aad uga xun tahay wararka aan salka lahayn ee laga faafiyey ciidamada amniga, waxayna ugu baaqeysaa dhammaan Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo dhan inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qaadashada wararka lidka ku ah ciidamada oo khalkhal gelinaya xasiloonida iyo Dowladnimada.

Maraykanka oo sheegay inuu duqayn ku dilay 10 xubnood oo ka tirsanayd Al-Shabaab

Muqdisho-(SNTV)- Bayaan Khamiistii aynu soo dhaafnay kasoo baxay Ciidamada Milliteriga Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay inay duqayn xagga Cirka ah oo ka dhacday meel 24 Koofur galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho ay ku dileen 10 xubnood oo ka tirsanayd Malleeshiyaadka Al-Shabaab Arbacadii aynu soo dhaafnay.

Taliska U.S. Africa Command  ee (Africom) loo yaqaan ayaa bayaankooda ku sheegay inayan wax dhibaato ah kasoo gaarin Dadka Shacabka ah ee halkaasi ka dhow taxaddarna ay muujiyeen.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa imanaya xilli ay xoogagga amniga ee xasilinta Dalka Soomaaliya kordhiyeen bartilmaameedyadooda ay ku ugaarsanayaan argagixisada Geeska Afrika.

IGAD oo ka digtay Duufaan mar kale ku dhufata Soomaaliya

Nairobi-(SNTV)- Xarunta dhexe ee saadaasha Hawada Urur Goboleedka IGAD (ICPAC) ee uu fadhigeedu yahay Nairobi ayaa ka digtay Dabaylo iyo Duufaanno xooggan oo kusoo wajahan Xeebaha bari ee Soomaaliya.

Duufaantan oo lagu Magacaabo Mekuku, ayaa la sheegayaa inay inay ku fool leedahay jihada waqooyi iyo dhulka sare ee Dalka Yemen oo lagu wado inay gaarto 26-ka Bishan oo ah Berri.

Duufaantan oo ay qayb ka mid ihi la socdaan daruuro iyo Roob ayaa lagu wadaa inay ku dhuftaan Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Bariga Puntland.

Roobabka ka dhasha Duufaanta iyo Dabaylaha la saadaaliyay inay ka da’ayaan Bariga Soomaaliya 25-ka illaa 27-ka Bishan ayaa la qiyaasadayaa in wadarta Biyaha uu dhigayo ay noqon doonaan in ka yar 30 mm.

Warkan kasoo baxay xarunta saadaasha cimillada ee Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay inay  si wacan ula socdaal xaaladaha guud iyo jawiga sida uu noqdo.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Duufaanta Sagar oo wadatay Roob iyo dabaylo xooggan ay ku dhufteen qaybo ka mid ah Puntland iyo Soomaaliland, halkaasoo ay dhasheen qasaara Naf iyo maalba leh.

 

Duqa Muqdisho oo Afur sharafeed u sameeyey Safiirrada dalalka Islaamka

Muqdisho(SNTV):– Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo caawa afur sharafeed u sameeyey Danjireyaasha dalalka Islaamka u fadhiya Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sharaxaad ka siiyey Danjireyaasha qorshaha Maamulkiisa iyo wax-yaabaha uu hiigsanayo, si loo gaaro xasillooni iyo dib-u-dhiska Caasimadda, isagoo intaas ku daray in waqtigan muhiimka loo baahan yahay taageero walaaltinimo si Caasimaddu ay ula soo noqoto kaalintii ay ku lahayd Caasimadaha kale ee Caalamka.

Duqa Caasimadda oo kulanka ay ku weheliyeen Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Qaranka, Hay’adaha OIC iyo Islamic Relief iyo qaar kamid ah Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Danjirayaasha ku ammaanay doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaateen gacan siinta shacabka, waxayna tilmaameen muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo wadashaqeynta iyo garab istaagga bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Eng. Yarisow waxuu sheegay in ujeedka kulankani uu yahay mahadcelin loo sameynayo Safiirrada dalalka Islaamka oo door muhiim ah ay wadamadoodu ka qaatay taageerada shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin, gaar ahaan dhinacyada amniga, Banii’adamniada iyo horumarinta Caasimadda.

Danjireyaasha dalalka Islaamka u fadhiya Soomaaliya ayaa ku ammaanay Duqa Muqdisho isbedellada horumarineed iyo nabadgelyo ee uu ka hirgeliyey Caasimadda mudadii uu xilka hayey iyo sidoo kale dardar-gelinta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee xawliga ku soconaya.

Degmooyin ka wada tirsan Puntiland oo ku wada tartamay, tartan aqooneedka bisha Ramadan

Muqdisho (SNTV)-Degmooyinka Boosaaso iyo Garoowe oo ka wada tirsan maamulka Puntiland ayaa ku wada ballansanaa  tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan

Ugu horreynba waxaa nasiib u yeeshay in lagu bilaabo weydiimaha tartan aqooneedka Degmada Boosaaso ee gobalka Bari, waxaana la weydiiyay sida hab dhaqanka tartanka yahay 7-su’aalood, 3-kamid ah ayay ka jawaabeen, waxa ayna si ka faa’ideysi ku  heleen su’aal ka timid degmada ay wada tartamayeen ee Garoowe waxa ayna sidaas ku hanteen dhibco gaarayo 8-dhibcood.

Si lamid ah ayaa iyana Garoowe la weydiiyay 7-su’aalood, waxa ay gartaan 4-kamid ah su’aalihii ay xaqqa u lahaayeen iyo 2– ka faa’ideysi ah, waxa ayna sidaasi ku aruursadeen 12-dhibcood.

Tartanka labada degmada ee ka wada tirsan puntiland waxa xaqiijiyay wareegga 2-aad degmada Groowe oo xarun u ah maamulka Puntiland halka ay ku biirtay Boosaaso degmooyinka ku haray wareegga 1-aad.

Habeen dambe  tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isl markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir, waxaa ku wada ballansan degmooyinka Gaalkacyo iyo Kaaraan oo ka kala tirsan gobalada mudug iyo Benaadir.

 

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax-dhigay Xarunta Dabdamiska D/Wadajir

0

Muqdisho(SNTV):– Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo maanta dhagax dhigay xarunta Gurmadka Deg-dega ah iyo Dabdamiska Degmada Wadajir ayaa sheegay in guud ahaan degmooyinka Caasimadda laga hirgelin doonno Xarumaha Dabdamiska, si bulshada loogu dhaweeyo adeegyada dawladnimada.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in iyadoo ahmiyadda la saarayo sidii bulshada caasimaddu u heli lahayd adeegga gurmadka deg-deg ah la bilaabay mashruuc xarumo gurmad degdeg ah looga dhisayo degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

“Xarunta Dabdamiska Degmada Wadajir oo galabta xariga ka jarnay, waxay u adeeggi doontaa bulshada deegaanka, waana qeyb kamid ah qorshaha maamulku uu ku doonayo in shacabka loogu dhaweeyo adeegyada dawladnimada”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Mudane Eng. Yarisow ayaa sheegay ka sakow dhagax-dhigga iyo dhismaha xarumahan in ay barbar socdaan tababaro lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadooda, si looga baaqsado khasaarihii faraha badnaa ee ka dhalan jiray goobaha uu dabku ka kaco.

Xafiisyada gurmadka deg-dega ah ee la geeyey qaar kamid ah Degmooyinka Caasimadda, ayaa qeyb ka ah qorshaha fog ee maamulku uu ku doonayo in dib Caasimadda loogu soo celiyo guud ahaan adeegyadii bulshada.

Shacab danyar ah oo ku barakacay Fatahaada Wabiga Jubba oo deeq raashiin loo qeybiyay

0

Doolow(SNTV);– Maamulka degmada Doolow iyo Guddiga Gurmadka Fataahadaha degmadaasi ayaa in ka badan 30- Tuulo oo ku teedsan Wabiga Jubba waxay gaarsiiyeen deeq raashiin ah oo lagu iibiyay lacag ka timid Guddiga Gurmadka Fatahaada dalka.

Deeqda raashinka ah ayaa waxaa ka faa’deystay Qoysas badan oo ka barakacay Fatahaadii uu Wabiga Jubba uu ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada degmada Doolow Maxamed Xuseen Shidde iyo qaar ka mid ah Guddiga Gurmadka Fatahaada degmadaasi oo goobta lagu qeybiyay raashiinka loogu talagalay dadka ay Fatahaada saameynta ku yeelatay ka hadlay ayaa u mahad celiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo deeqda raashiinka lacagta lagu iibiyay soo dhiibtay.

Qaar ka mid ah Shacabka danyarta ah ee ka faa’ideystay deeqda raashiinka ah ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay xilli ay u baahnaayeen,waxayna Dowladda Soomaaliya ku ammaaneen sida ay Shacabkeeda uga warqabto.

Khayre oo Daah-furay Qorshaha Midaynta iyo Daadejinta Sugidda Amniga

Muqdisho(SNTV): – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa  daah-furay Qorshaha midaynta iyo Daadejinta Sugidda amniga Caasimadda iyada oo mas’uuliyadda qorshahan looga fadhiyo maamulka Gobalka Banaadir iyo guddoomiyayaasha degmooyinka kuwaas oo kaashanaya laamaha amaanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in wixii hada laga bilaabo ciidan kasta uu ka amar qaadan doono guddoomiyaha degmadda ay ka shaqeynayaan, si ay u fududaato sugidda amniga caasimadda oo uu sheegay in mudda ku eg 90 cesho la doonayo in caasimadda amnigeeda si buuxda gacanta loogu dhigo.

“Waxaan rabnaa in aan ka guurno qorsha ah markii ay wax dhacaan in madaxda sar-sare oo kaliya su’aalo la weydiiyo, waydiimuhu waa in ay kasoo bilowdaan meesha ugu hooseysa oo ah guddoomiyaha Waaxda iyo Laanta. Sidoo kale waa in aad qaadataan bogaadinta shaqooyinka wanaagsan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in loo baahanyahay in xaafad kasta ay ku suganyihiin Ciidan ku filan iyo dad is xil-qaamayaal ah oo ka wada shaqeeya sugidda amniga. Waxuuna ballan qaaday in dawladdu ay ku caawineyso maamulka Gobalka Benaadir iyo taliska ciidamada fududeynta dhammaan amkaaniyaadka loo baahanyahay si amaanka loo sugo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale atilmaamay in loo baahanyahay laamaha amniga in ay ogaadaan shaqsi kasta oo ku nool magaaldda Muqdisho iyo shaqada uu qabto, si looga baaqsado in caasimadda ay ku dhex dhuuntaan kooxaha dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna carrabaabay in laga gudbay xilligii cid kasta ay iska dhex joogi jirtay magaalada waxa ay doontana ay sameyn jirtay, iyada oo aan cidna wax iska weydiin.

Guddiga amniga baarlamaanka oo warbixin ka dhageystay wasiirka amniga.

Muqdisho(SNTV)- Guddiga Arrimaha Guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Kulan la qaatay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed ABuukar Islow Ducaale iyo  saraakiisha ciidamada Qalabka sida.

Kulanka oo ay shir-Guddoominaysay Guddoomiyaha Guddigaasi ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta guddigaasi iyo hay’adaha amniga qaabilsan,si la isaga kaashado sugidda amniga dalka.

Intii kulanka uu socdo ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka laga dhageystay Wasiirka Amniga Soomaaliya,isagoo guddiga faah faahin ka siiyay xaalaga amniga ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed ABuukar Islow Ducaale ayaa xubnaha guddiga amniga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u sheegay in ay jiraan guulo badan oo laga gaaray dhinaca nabadgeliyada,islamarkaana ay ka go’antahay sidii loo dardargelin lahaa xoojinta amniga guud ahaan dalka.

Kulankani ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka soconayaan howlgal ballaaran oo ku aadan sugidda amniga caasimadda,loogana hor tagayo falalka guracan oo dhagar qabayaashu ay ka geysanayaan Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Bakistaan oo $10.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya.

0

Bakistaan(SNTV):– Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan diiwaangelinta iyo kaydinta xogta dadweynaha Soomaaliyeed, farsamada ku bixi doonta iyo tabobarada ayey ka caawin doontaa, waxaana ay Dowladda Pakistan ku bixin doontaa $10.5 Milyan si loo hirgeliyo mashruucaas.

Munaasabadda oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta ugu sarreeya dalkaas oo uu ugu horreeyo R/Wasaaraha Pakistan mudane Shahid Khaqan Abbasi, Wasiirka Lacagta Pakistan mudane Miftah Ismail iyo Agaasimaha NADRA iyo masuuliyiin kale.

Dhanka Dowladda Soomaaliya waxaa metelayey Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha mudane Abdullahi Farah Wehliye, Safiirka u qaabilsan Soomaaliya Pakistan Marwo Khadija Mohamed Almakhzoumi, Dr. Nur Diiriye Hersi iyo masuuliyiin kale

Hay’adda Qaran ee Diiwaangelinta iyo Xogta Muwaadiniinta Pakistan oo loosoo gaabiyo (NADRA) ayaa kala shaqeyn doonta Dowladda Soomaaliya sidii loo diiwaangelin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo ka caawin doonta dhanka farsamada iyo tiknoolajiyadda loo isticmaalo diiwaangelinta iyo kaydinta xogta dadweynaha.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda Pakistan garab istaagga ay Soomaaliya garab taaganyihiin, wuxuuna sidoo kale ammaanay dadaalka ay Dowladda Pakistan ku bixinayso hirgelinta mashruucaas oo muhiim u ah in doorasho ka dhacdo dalka 2020.

dhanka kale Wasiirka Lacagta Pakistan Mudane Miftah Ismail ayaa sheegay in ay ka go’antahay Pakistan caawinta iyo garabsiinta Soomaaliya, isagoo sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah.

Soomaaliya iyo Pakistan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah, iyadoo sannadihii u danbeeyey uu soo xoogaysanayey xiriirkaas, Dowladda Pakistan ayaa dhawaan safaaraddeeda ka furi doonta magaalada Muqdisho si iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal loo sii xoojiyo.