Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Garowe
Duqa Muqdisho oo sheegay in maamulkiisu uu mudnaan sare siinayo gacan qabashada Agoonta Soomaaliyeed
Muqdisho(SNTV):–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo la afuray Agoonta Gabdhaha (Xarunta Agoonta Degmada Boondheere) ayaa sheegay in maamulkiisu uu mudnaan sare siinayo gacan qabashada Agoonta, si ay u helaan waxbarasho iyo xanaanada ay rabaan.
Mudane Yarisow waxuu xusay in Caruurtaan ay u baahanyihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana la qaadi doonno tallaabo kasta oo lagu wanaajinayo daryeelkooda. Isagoo intaas raaciyey in dib loo soo nooleyn doono xarumaha agoonta iyo dhalinta dhaqan-celinta u baahan.
“Caruurta Soomaaliyeed waa in ay helaan daryeel sidan ka wacan, waana in aan carruurta si gaar ah ula dhaqannaa oo siinaa mudnaanta ay leeyihiin, maalmihii u danbeeyey waxaan booqanayay xarumaha ciyaalka agoonta si aan u ogaano daryeelkooda. Mamulka Gobolka Banaadirna wuxuu siin doonaa daryeelka ay mudan yihiin, si dhowna ayaana ula socon doonaa xaaladahooda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.
Duqa Muqdisho ayaa todobaadkii ugu danbeeyey booqanayay xarumaha agoonta ee ku yaalla Caasimadda, si uu xaaladdooda u ogaado, isla markaana si dhow ula socdo nolosha Agoonta Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Hogganada Ciidanka
Muqdisho (SNNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta hoolka shirarka ee Taliska C.B.S kulan kula qaatay dhammaan Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulankaan, ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta Shaqada Ciidanka Booliska, Adkeynta ammaanka dalka, Wada shaqeynta Ciidanka iyo Bulshadda Soomaaliyeed iyo arrimo kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka waxuu kula dardaarmay in si dardar ah lagu wado shaqada Ciidanka Booliska, isaggoo faray in loo naxariisto, lana caawiyo Shacabka Soomaaliyeed ee Sooman.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqday Xerada tababarka Ciidanka Danab ee Balli-doogle
Muqdisho (SNTV):– Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo u weheliyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka ayaa booqday Xarunta lagu tababoro Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tobobaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle ee Shabeellha Hoose. Wuxuuna xariga ka jaray qayb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tobobarka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee xaruntan cusub wuxuuna boggaadiyay sida quruxda badan ee loo dhisay iyo habka loo qalabeeyay. Isagoona u mahed celiyay dhammaan dadkii ka shaqeeyay howshan wanaagsan oo ay ugu horayso dawladda Maraynkanka oo hirgilsay dhismaha xaruntan lagu tabobari doono ciidanka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer kula hadlay qaar ka mid ah ciidanka iyo Saraakiishooda ayaa tilmaamay in ciidanka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarka dalkana wuxuuna yiri ” Dhismaha xarunta cusub waxaa ka muuqata soo noqshada iyo dib u qaabaynta ciidmadda xooga dalka Soomaaliyeed, cid walba oo shaki ka qabtay in ay soo laabanayso qaranimadii soomaaliya tan ayaa ugu filin.
“Si dawladnimadda loo xoojiyo waa in la helaa dhalinyarro Soomaaliyeed oo ogolaatay in dhiigooda iyo naftoodaba ay u huraan dalkooda, waana mida aad maanta halkan u joogtaan, si aad u difaacdaan dhulkiina ka dibna aad uga shaqeysaan sidii ay carruutiinu u heli lahaayeen muqtaqabla wanaagsan.”
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa cadeeyay in hadafyadda ugu waawayn ee xukuumadiisu ay tahay in ciidamadda dib loo habeeyo, diyaarna loo yahay in lagu taageero waxkasta oo ay u baahdaan ciidanku, so loo haga. Idinku hadii aad soo celin waysaan qarinadda Soomaaliyeed ma jirto cidkale oo soo celin doonta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub
Muqdisho (SNTV), Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah Madaxa Siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Guddoomiyaha golaha shacabka JFS, ayaa ugu horeyn wafdigaan uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay golaha shacabka iyo qorshayaasha hadda u degsan.
waxyaabaha labada dhinac ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah in Midowga yurub uu golaha Shacabka ka taageero dhinacyada farsamada ,inuu tababaro guddiyada golaha shacabka iyo sidoo kale In la helo qubaro ka qeyb qaata diyaarinta shuruucda Dalka muhiimka u ah.
Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa kulan la qaatay gudiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka oo ay ka wada hadleen arrimaha xeer hoosaadka iyo qodobada wax ka bedelka u baahan .
Shaxda wareegga 2-aad ee isku aadka tartan aqooneedka bisha Ramadan
Muqdisho (SNTV)-Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa la sameeyay qori tuurka wareegga labaad ee tartanka, kaddib markii la soo gabo gabeeyay wareegga koowaad ee tartanka.
Guddoomiyaha Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa sheegay in tartanka ay ka qeyb galeen 30 degmo, isla markaana wareegga koowaad ay ku soo baxeen 15 degmo, sida sharciga uu qabana waxaa sanadkasta lagu soo daraa hal degmo oo ka mid ah kuwii haray, taasi oo lagu qiimeynayo xagga dhibcaha iyo asluub wanaag.
Maxamed Abuukar Ma’da ayaa sheegay in qiimeyn kaddib tartamayaasha Degmada Boosaaso ay noqdeen kuwa ku soo baxay qiimeynta lagu sameeyay dhibcihii ay la timid markii laga badinayay oo ahayd 8 dhibcood, waxaana uu intaa ku daray in wareegga labaad ay u soo gudbeen 16 degmo.
Cabdinaasir Daahir Sabriye oo ka mid ah guddiga tartanka ayaa sheegay in qori tuurka uu u dhici doono si cadaalad ah, isla markaana ay cidkasta kala socon doonto dhalada qori tuurka.
- Yaaqshiid Vs Garoowe
- Jowhar Vs Warta Nabadda
- Jilib Vs Gaalkacyo
- Hodan Vs Wadajir
- Heliwaa Vs Shibis
- Xamar Jabjab Vs Kaxda
- Kismaayo Vs Xamarweyne
- Boosaaso Vs Deyniile
Habeen dambe ayaa la filayaa in uu ku bilowda wareegga labaad ee tartanka si ka duwan sidii hore, waxaana qeybta hore ee tartanka lagu daah furi doonaa Tartamayaasha Degmooyinka Yaaqshiid iyo Garoowe, waxaana wareegga labaad isla habeen dambe isku arki doono Jowhar iyo Warta Nabadda, taasi oo ka dhigan in habeen dambe ay afar degmo kulmi doonaan.
Dowladda iyo wakiillada caalamka oo Muqdisho ku shiray
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furay shir looga diyaar garoobayo shirka loo qaban doono Bisha June Soomaaliya ee ka dhacaya dalka Belgium-ka.
Shirkaan heerkiisu sarreeyo ee ay isugu yimaadeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillada Beesha Caalamka ayaa loogu diyaar garoobayaa Shirka Arrimaha Soomaaliya ee dhowaan ka dhici doona dalka Belgium-ka.
Deeq-bixiyeyaasha iyo wasiirrada dowladda Soomaaliya ayaa isla falan-qeeyey Arrimaha Amniga, siyaasadda, Dastuurka barnaamiyada horu-tebinta u leh doorashooyinka guud ee 2020 la filayo, hanaanka Suubban ee Maaliyadda dalka iyo horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo khudbadda furitaanka shirka jeediyey ayaa sharraxay ahmiyadda shirkaan heerka sare uu u leeyahay kulanka Caalamiga ah ee Brussels ka dhici donna Bisha June.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay ugu qancin lahayd Saaxiibadeeda caalamka barnaamijkeeda iyo hannaanka lagu fulin karo si Soomaaliya ay u hanato isku filnaansho amni iyo dhaqaale.
Shirka June ka dhici Doonna Belgium-ka waxyaabaha la horgeyn doono waxaa ka mid ah Daraasadda laga sameeyey dib u kabashada Abaaraha Soomaaliya ku soo laa-laabtay.
Somalia Pledge To Support Kenya In Its Bid For A Temporary Seat At The UN Security Council
President Uhuru Kenyatta today held talks with President Mohamed Abdullahi Farmajo of Somalia who is on an official visit in the country.
The two leaders discussed bilateral issues and security matters including the continued support for African Mission in Somalia (AMISOM) in which Kenyan forces play a big role.
President Mohamed Farajo also pledge to support Kenya’s bid for a temporary seat at the UN Security Council.
Currently, there are ten non-permanent members at the Security Council appointed by the General Assembly, allowing a country to be in the council for 2 years.
The five permanent members are: China, Russia, France, United States of America and the United Kingdom.
The temporary members include: Bolivia, Equatorial Guinea, Ethiopia, Ivory Coast, Kazakhstan, Kuwait, Netherlands, Peru, Poland and Sweden.
Further, the two presidents discussed shared security concerns as well as progress made towards the efforts to bring peace and stability in Somalia and the setting up of a joint committee to help with the investigation of the border issues at Beled Hawo and Mandera which have delayed the construction of the border by Kenya.
President Uhuru Kenyatta & Somali’s Mohamed Abdullahi Farmajo Hold Bilateral Talks In Nairobi
President Uhuru Kenyatta and his Somali counterpart, President Mohamed Abdullahi Farmajo held bilateral talks aimed at bolstering relations between the two East Africa countries.
The Somalia President who arrived in Nairobi on Wednesday 30/5/2018 is on an official visit in the country.
Among the bilateral issues discussed by the two leaders include security and Kenya’s continued support for African Mission in Somalia (AMISOM).
Also, the recent tension between residents of Somalia’s Beled-Hawo border town and Mandera-Kenya will be resolved through a special committee, Villa Somalia updated.
The two leaders also updated one another on shared security concerns, successes and challenges in the war against the Al-Qaeda’s Al-Shabaab.
President Kenyatta and his counterpart underscored the need for a stable Somalia and subsequently support free trade and ease movement of people and goods.
Kenyatta reiterated Kenya’s commitment in strengthening and bolstering security to ensure Al-Shabaab terrorists are barred from penetrating the borders.
President Farmajo also promised Somalia’s vote, to have Kenya secure a non-permanent seat at the United Nations Security Council. President Mohamed said Somalia fully supports Kenya’s bid to sit on the UNSC.

