Home Blog Page 1280

Ciidamada Ammaanka magaalada Gaalkacyo oo qabtay nin wiil iyo aabihiisa xalay dil u geystay

Gaalkacyo(SNTV) Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay gacantaku dhigeen nin hubaysan oo xalay magaaladaasi ku dilay wiil iyo Aabihiisa.

Nin hubeysan ayaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Puntland waxa uu ku dilay Aabe iyo Wiil uu dhalay,iyada oo ninkaas dilka geeystay Ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen.

Dilka ayaa ka dhacay banaanka Hotel kuyaala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo,macadda sababta, balse wararka ayaa sheegay in  ninka dadkaasi dilay la sheegay in uu ahaa qof maskaxda looga jiray,aabaha ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Xasan Saalax oo kamid ahaa culimada sida weyn looga yaqaanno magaaladaasi.

Majiraan wax war ah oo maamulka iyo saraakiisha ammaanka ay ka soo saareen falkaasi dilka ah,balse ciidamada ayaa weli gacanta ku haya ruuxa fuliyay dilkaasi,waxaana la filayaa in xaaladiisa ay war rasmi ah ka soo saaraan.

Ciidamada Ammaanka Puntland oo ka hortagay weerar ay ku soo qaadeen Maleeshiyada Shabaab

0

Puntland(SNTV) Dagaal u dhexeeya Ciidamada ammaanka Puntlanda iyo kooxaha argagixisada Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari.

Wararka ka imaanaya deegaanka Balli-Khadar oo ka tirsan Buuralayda Galgala ee Gobolkaasi ayaa sheegay in ciidamada ilaalada Xeebaha ee Puntland oo saldhig weyn ku leh deegaankaasi Balli-Khadar ay ka hortageen weerar arbushaad ah oo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka oo bilowday abaaro xiligii Suxuurta, iyadoo lagu jebiyay maleeshiyaadkii Shababa ee weerarkaasi soo qaaday,lamana sheegin weli khasaaraha halkaasi ka dhashey.

Deegaanka Balli-Khadar oo kuyaalla saldhigweyn oo ay ka howlgalaan ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ayaa qayaas ahaantii waxkabadan 80 KM u jira magaalo xeebeedka Boosaaso,waa deegaan istraatiiji ah wuxuuna ku dhexyaalaa Buuralayda Galgala ee Gobolka Bari.

Faa’iidooyin iyo Talooyin Muhiim u ah cunooyinka Ramadaanka

0

marka hore waa maxay Soon?, Soonku waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee Islaamka, wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan. Sharciguna wuxuu soon u yaqaannaa in marka hore la niyaysto iyadoo Alle loogu dhowaanayo, lagana reebtoomayo oo la iska daynayo waxyaabaha Soonka burriya, inta u dhexaysa marka waagu baryo iyo marka qorraxdu dhacdo.

Badanaa inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan dadku waxay wax ka sheegtaan caafimaadkooda, taasoo ku taxa luqdala raashinka ay markaasi cunaan, haddaba waxaan isku dayayaa in aan halkaan idin kugu soo gudbiyo dhowr arrimood oo kor u qaadi kara caafimaadkaaga inta lagu jiro bisha Ramadaan, waana inaad raacdaa tallooyinkaan:-
1. Cunidda Saxuurta:- Muhiimad weyn ayay leedahay saxuurta, waana wada qireynaa dhammaanteen waana wada ognahay in xitaa ay sunno tahay in la saxuurto, balse akhriiste caafimaadkaaga ayay muhiim u tahay in aad cunto fudud cunto xilliga Saxuurta.

2. Iska yaree dufanka: – midda kale Cuntada dufanku ku badan ayay aad u isticmaalan Dadka Soomaaliyeed, taasina waxay qeyb weyn ka tahay cuntada aadka loo isticmaalo xilliyada afurka iyo cashada, laakiinse waxaa muhiim ah ama aan soo jeedinayaa in aadan badsan dufanka xilliyada aad afureyso.

3. talada nabiga (nnkh) :– Xadiis Saxiix ah ayuu Nabigu ku yiri Calooshaada u qeybi 3 meelood, qeyb cunto ah, mid biyo ah iyo tan seddexaad oo ah qeyb hawo ah, taasina waxaa loola jeedaa in aad noqon DIBBIRA WEYNE oo aad iska badiso Cuntada iyo Cabitaanka, kadibna aad neefsan weydo.

4. Waa muhiim khudaarta oo la cuno:- Dadka qaarkiis ayaa iska hilmaama muhiimada ay leedahay khudaarta, waa in aad badsataa khudaarta sida karootada. Caafimaadkaaga qeyb weyn ayay ka tahay isticmaalkooda.

5. Soco afurka ka dib: – Si aad hawo caafimaad leh u qaadato, jirkaakana uu u kala baxo soco afurka ka dib, adigoo ku soo wareegaya Xaafada ama u lugee Masaajidka, waa teey Carabtu tiraa Cashada waa lagu socdaa.
تعشى وتمشى )

6. Tuko Salaadda taraawiixda: – Taraawiixdu cibaado keliya ma ahan ee caafimaadka ayay kor u qaadaa, waana jimicsi bilaash ah ama lacag la’aan ah, sidaasi awgeed waxay iyana ka mid tahay Caafimaadka qofka.

7. Waxyar seexo galabtii :– Khuburadu Cilmiga Maadiga ah ayaa waxay sheegaan in 15 daqiiqo keliya oo hurdo ah oo galabtii ah ay qofka ka dhigi karto mid fir-fircoon ama fereesh ah. Haddaba Hurdada galabtii ah waxay faa’iido u tahay in aad habeenkii soo jeedo oo aad cibaadada badsato.

8. Ha ku Afurin Cabitaan qaboow:- sida ay qabaan Takhaatiirta Caalamka ama ay tilmaamayaan in marka horeba aan lagu afurin ama afka lagu bilaabin cabitaan aad u qaboow.

9. Haku bilaabin Shaah iyo Bunka:- waxaa kaloo la sheegaa in aan Afurka lagu bilaabin Shaaha iyo Bunka, balse waxaad waxaa la ogol yahay Caafimaad ahaan in la isticmaali karo 2- saacadood kadib xilliga aad afurtay, sida ay sheegeyso Drsa: Nawal oo ku takhasustay cuntada iyo waxtarkeeda, ayaa dadka uga digeysa inay Dadku badsadaan dufanka iyo Saliidda shiilan xilliga Afurka sida sambuusaha, waxayna talo ahaan u soo jeedineysaa in laguna badelo isticmaalka khudaarta.

W.D.C/laahi Ruush

Gudomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaaday wafdi ka socday Midowga Yurub

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay Madaxa Siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya Fulgencio Garrido Ruiz ayaa kala hadlay arrimo badan oo ay kujiraan xoojinta xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Guddoomiyaha  Golaha shacabka JFS, ayaa ugu horeyn wafdigaan uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay Golaha shacabka iyo qorshayaasha hadda u degsan,kuwaasi oo mudanaanta uu siin doono Golahaasi.

Waxyaabaha labada dhinac  ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah in Midowga yurub uu golaha Shacabka ka taageerro dhinacyada farsamada, inuu tababaro guddiyada golaha shacabka iyo sidoo kale In la helo khubaro ka qeyb qaata diyaarinta shuruucda Dalka muhiimka u ah.

Sidoo kale guddoomiye Maxamed Mursal Sheeekh C/raxmaan, ayaa kulan la qaatay gudiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka oo ay ka wada hadleen arrimaha xeer hoosaadka iyo qodobada wax ka bedelka u baahan.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala sharciyo muhiim u ah dalka,kuwaasi oo looga baahanyahay in ay meelmariyaan xildhibaanada,si dalka loogu haggo dhabaha horumarka iyo dhismaha hanaanka dowladnimmo.

Madaxweynaha Hir-shabelle oo Dalka Dib ugu soo laabtay

0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo Soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib Safar Shaqo oo maalma qaatay uu ku maqnaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu ku sugnaa dalka Kenya.

Madaxweyne Waare oo imaatinkiisa Muqdisho Safarka ku wehlinayay Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay labaduba ku sugnaayeen Kenya ayaa sheegay in guulo uu ka so hooyo madaxda hay’addo caalami ah oo uu kula kulmay magaada Nairobi, kuwaasi oo uu kala hadlay Arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta shaqaalaha Hirshabelle, Dib U dhiska iyo fulinta Mashaariicyo horumarineedn oo laga hirgaliyo Deegaanada Hirshabeele , iyo Dhisida Ciidamada Boliiska gaarka ah ee Hirshabelle.

Sidoo Kale Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa intii uu Magaalada Nairobi ku sugnaa waxaa iyana kulan uu la qaatay hey’adaha Qaramada midoobay ee ka shaqeeya arrimaha Bini’adanimada kuwaasi uu si qoto dheer ugala hadlay Baahiyaha dhinaca Bini’aadanimada ee Hirshabelle ka jira, isagoo sharaxaad dheeraad ka siiyay heerka ay gaarsiisantahay fatahaada Wabiga iyo Saameyntiisa.

Qaraarka Mareykanka ee Qaza

Danjiraha Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay Niki Haley ayaa ku sheegtay in qaraarka  Mareykanka ee ku aadan Gaza uu yahay mid hal dhinac ah taasina ay ku eedeeysay dhinaca Xamaas.

Mareykanka ayaa  diiday inuu u codeeyo qaraarka ay Kuwait u qortay Golaha Ammaanka ee Qarmada Midoobay kaasi oo ku baaqayay illaalinta rayidka Falastiin, halka uu dalkaasi yahay dal keliya ee taageeray tallaabada uu ku dhaleecaynayo Xamaas ee weerarkii dhowaan kadhacay marinka Jiidda Gaza.

In kabadan 120 falastiiniyiin  ah ayaa lagu dilay, kumanaano kun oo kale waa lagu dhaawacay waqtigii ay dibadbaxyada si nabagelyo leh uga socdeen gudaha Qaza todobaadyadii lasoo dhaafay gudaha magaalada la hareereeyay ee Marinka Qaza meel u dhow xeyndaabka Israa’iil.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa waxaa kamid ah xirfadlayaasha caafimaadka iyo saxafiyiin.

10 dal oo ay kamid yihiin Ruushka iyo Faransiiska ayaa u codeeyay qaraar ay soo jeedisay dowladda Kuwait.

Afar dal oo ay kamid yihiin Britain, Polan, Netherlands iyo Ethiopia ayaa ka gabsaday codeeyntan-halka uu Mareykanka, oo ah xulufada ugu weyn ee Israa’iil uu ahaa dalka keliya ee codka diidmada codeeyntan saaray.

Qaraarka, oo dib u eegis lagu sameeyay saddex jeer ayaa la sheegay inuu ahaa mid aan u cuntamin Mareykanka, iyadoo beesha caalamka horey loogu baaqay sidii looga hortagi lahaa islamarkaana loo illaalin lahaa dadka rayidka ee Falastiin.

Bayaan kasoo baxay, Hanan Ashrawi, oo ah xubin katirsan golaha fulinta ee Ururka Xoreeynta Falastiin, ayaa waxa uu sheegay in Mareykanka uu marlabaad sharaxay inuu daacad u yahay Israa’iil islamarkaana uu iska indho tiray in uu weydiisto cafis ku aadan khaladaadkii la galay ee kuwajahan xad-gudubyada iyo xasuuqyadii dhacay.

 

 

 

Trump oo xaqiijiyey inuu la kulmayo Kim Jong-un

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyeey inuu qorshaynayo shir ay si gaar ah uwada qaataan madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi kulankaasi oo 12-ka bisha lagu wado inuu ka dhaco dalka Singapore.

Hadalka Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo ifbaxay kadib markii uu kulan gaar ah oo looga hadlayay shir madaxeedka labada hogaamiye lagu soo gabagabeeyay gudaha xarunta caqalka cad, iyadoo uu kulankan dhexmaray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo ergayga wadahadalada Kuuriyada Waqooyi Kim Yong Chol.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in kulanka uu ugu dambeyn uu noqdo mid si rasmi ah uqabsooma islamarkaana uu noqdo mid miro dhal ah.

Wafdiga ka socday xukuumadda Piyongyang ee uu hogaaminayo Kim Chol ayaa lagu soo waramay in ay ugudbiyeen Trump, fariin ay ka timid madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, taasi oo uu madaxweynaha Mareykanka uu ku tilmaamay mid soo jiidasho leh.

Xiriirka labada dal ayaa u muuqda mid soo hagaagaya taniyo markii uu billaabmay gogol xaarka qorshaha shir madaxeedka kaasi oo lagu wado in ay yeeshaan labada hogaamiye.

Kulankan uu maanta uu madaxweyne Trump si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu qabsoomayo oo ah mid horay u qorsheysnaa ayaa waxaa soo wajahayay dib udhac dhinac, iyadoo ay dhinacyada wakiilada labada dal ay kulamo ku aadan amuurahaasi ay ka yeelanayeen si loo suurogeliyo in shir madaxeedku uu qabsoomo bartamaha bishan Juun ee sanadka 2018.

 

 

 

 

Madaxweynaha Hirshabeele oo faah faahin ka bixiyay kulamo uu Nairobi kula soo yeeshey madaxda Hay’ado Caalami ah

0

Muqdisho(SNTV) Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo Soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib Safar Shaqo oo maalma qaatay uu ku maqnaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu kusugnaa dalka Kenya.

Madaxweyne Waare oo imaatinkiisa Muqdisho Safarka ku wehlinayay Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay labaduba ku sugnaayeen Kenya ayaa sheegay  in guulo uu ka so hooyo madaxda hay’addo caalami ah oo uu kula kulmay magaada Nairobi,kuwaasi oo uu kala hadlay Arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta shaqaalaha Hirshabelle, Dib U dhiska iyo fulinta Mashaariicyo horumarineedn oo laga hirgaliyo Deegaanada Hirshabeele , iyo
Dhisida Ciidamada Boliiska gaarka ah ee Hirshabelle.

Sidoo Kale Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa intii uu Magaalada Nairobi ku sugnaa waxaa iyana kulan uu la qaatay hey’adaha Qaramada ee ka shaqeeya arrimaha Bini’adanimada kuwaasi uu si qoto dheer ugala hadlay Baahiyaha dhinaca Bini’aadanimada ee Hirshabelle ka jira, isagoo sharaxaad dheeraad ka siiyay heerka ay gaarsiisantahay fatahaada Wabiga iyo Saameyntiisa.

Maalmaha Soo Socda Ayaa Lagu Wadaa Madaxweyne Waare in uu Gaaro Magaalada Beydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya halkaasi oo kaga qeyb galayo shirka golaha Amniga Qaranka oo uu qorshuhu yahay in uu ka dhaco Magaaladaasi, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Dowlad Goboleedyada dalka  ka jira iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Degmooyinka Wartanabadda & Yaaqshiid oo wareegga 3-aad ee tartan aqooneedka gaaray

Muqdisho (SNTV)-Tartanka oo u dhexeeyay ilaa iyo 4-degmo ayaa waqtiga loogu qeybiyay 2-qeyb, waxaana wareegga 2-aad lagu furay degmooyinka kala ah Garoowe iyo Yaaqshiid qeybta hore halka qeybta dambe ee wareegga ay isku arkeen degmooyinka Jowhar iyo Wartanabadda.

Garoowe

Tartameyaasha Degmada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3- su’aal,  waxa ay ka faa’iideysteen mid qura  oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Yaaqshiid, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garoowe ay heleen waxay noqotay 8- dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaashiid ee gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3- su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen  suaal  kaliya  oo soo hareer martay Garoowe, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay 8-dhibcood.

Labada tartame ayaa isku garab dhacay, waxaana lagu daray su’aalo dheeri ah oo min hal ah, si loo kala saaro, iyadoo su’aalaha lagu bilaabay tartamayaasha Degmada Garoowe balse waa ay iska qaldeen su’aashii la weydiiyay, waxaana ka faa’iideystay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale Yaaqshiid ayaa dhankooda la weydiiyay su’aashii sideedaad waana ay ka jawaabeen si sax ah.

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, kadib markii ay ku badiyeen 12 dhibcood halka Garoowe ay noqotay degmadii ugu horreysay ee lagu reebo wareegga 2-aad

Dhanka kale isla xalay waxaa tartamay Degmooyinka  Jowhar iyo Wartanabadda oo ka kala tirsan Shabeelaha dhexe iyo Benaadir.

Warta Nabadda

Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen 3-su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Jowhar, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay   8-dhibcood.

Jowhar

Tartamayaasha Degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen 2-su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen 1- su’aal oo soo hareer martay Warta Nabadda, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Jowhar waxay noqotay  6- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka,  halka Jowhar ay noqotay degmadii 2-aad ee loo diiwaan geliyo in ay ku hartay wareegga 2-aad.

Tartanka uu taaba gelinayo  maamulka gobalka Benaadir isla markaan ay tabineyso warbaahinta  Qaranka  waxaa foodda is dari doono, ilaa iyo afar degmo oo kala ah, tartamaayasha degmooyinka Jilib &  Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Mudug, halka ay ku xigi doonaan Hodan &  Wadajir oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo balanqaaday bixinta xuquuqda Golaha ay ku leeyihiin baarlamanadii 8-aad iyo 9-aad

Muqdisho(SNTV)- Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa afur u sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad.

ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu guddoomiyaha kaga mahad celinaayay xildhibaanada howlihii wanaagsanaa oo ay dalka ka soo qabtay iyo iney hada wada shaqeyn dhex marto.
Xildhibaanada ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhibaatooyinkii laga soo maray golahan iyo talooyinkooda la xiriira sida hada loo sii hormarin karo golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa marka hore xildhibaanada kaga mahad celiyay sida ay usoo ajiibeyn kulanka afurka ee uu u sameeyay.

” Waad mahadsan tihiin soo dhawaada, sharaf weyn ayay ii tahay caawa inan isla afurno waqti badana isla qaadano, xaqiiqdii dalkan howlo muhiim ah ayaa ka soo qabateen, waqti adagna wa ku soo shaqeyseen waana idiinkaga mahad celinayaa doorkii aad ka soo qaadateen dib u yegleelida baarlamaanka” ayuu yiri guddoomiyaha.

” Waxan joogteyn doonaa kulamadiina iyo inan dhageysto talooyinkiina, waxaa idiin balan qaadaya inan bixin doono xuquuqda iyo tixgelinta aad golaha shacabka ku leedihiin” ayuu mar kale yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

kulanka waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad waxa ayna guddoomiyaha ugu mahad celiyeen kulanka afurka ah ee uu u sameeyay.
Sidoo kale waxa ay guddoomiyaha ku dhiira geliyeen in uu sii labo jibaaro dadaalka uu wado, iyo inuu ilaaliyo madax banaanida golaha shacabka.

kulankan uu guddoomiyaha la qaatay xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad ayaa qeyb ka ah kulamada isbarashada, xog wareysiga iyo latashiga uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka ee muqdisho ku sugan.

Kulanka afurka caawa waxaa goobjoog ka ahaa Habdhowraha golaha shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “Nuux” iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi “Buux”.