Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqday Xerada tababarka Ciidanka Danab ee Balli-doogle

Date:

Muqdisho (SNTV):– Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo u weheliyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka ayaa booqday Xarunta lagu tababoro Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tobobaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle ee Shabeellha Hoose. Wuxuuna xariga ka jaray qayb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tobobarka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee xaruntan cusub wuxuuna boggaadiyay sida quruxda badan ee loo dhisay iyo habka loo qalabeeyay. Isagoona u mahed celiyay dhammaan dadkii ka shaqeeyay howshan wanaagsan oo ay ugu horayso dawladda Maraynkanka oo hirgilsay dhismaha xaruntan lagu tabobari doono ciidanka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer kula hadlay qaar ka mid ah ciidanka iyo Saraakiishooda ayaa tilmaamay in ciidanka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarka dalkana wuxuuna yiri ” Dhismaha xarunta cusub waxaa ka muuqata soo noqshada iyo dib u qaabaynta ciidmadda xooga dalka Soomaaliyeed, cid walba oo shaki ka qabtay in ay soo laabanayso qaranimadii soomaaliya tan ayaa ugu filin.

“Si dawladnimadda loo xoojiyo waa in la helaa dhalinyarro Soomaaliyeed oo ogolaatay in dhiigooda iyo naftoodaba ay u huraan dalkooda, waana mida aad maanta halkan u joogtaan, si aad u difaacdaan dhulkiina ka dibna aad uga shaqeysaan sidii ay carruutiinu u heli lahaayeen muqtaqabla wanaagsan.”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa cadeeyay in hadafyadda ugu waawayn ee xukuumadiisu ay tahay in ciidamadda dib loo habeeyo, diyaarna loo yahay in lagu taageero waxkasta oo ay u baahdaan ciidanku, so loo haga. Idinku hadii aad soo celin waysaan qarinadda Soomaaliyeed ma jirto cidkale oo soo celin doonta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...