Shaxda wareegga 2-aad ee isku aadka tartan aqooneedka bisha Ramadan

Date:

Muqdisho (SNTV)-Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa la sameeyay qori tuurka wareegga labaad ee tartanka, kaddib markii la soo gabo gabeeyay wareegga koowaad ee tartanka.

Guddoomiyaha Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa sheegay in tartanka ay ka qeyb galeen 30 degmo, isla markaana wareegga koowaad ay ku soo baxeen 15 degmo, sida sharciga uu qabana waxaa sanadkasta lagu soo daraa hal degmo oo ka mid ah kuwii haray, taasi oo lagu qiimeynayo xagga dhibcaha iyo asluub wanaag.

Maxamed Abuukar Ma’da ayaa sheegay in qiimeyn kaddib tartamayaasha Degmada Boosaaso ay noqdeen kuwa ku soo baxay qiimeynta lagu sameeyay dhibcihii ay la timid markii laga badinayay oo ahayd 8 dhibcood, waxaana uu intaa ku daray in wareegga labaad ay u soo gudbeen 16 degmo.

Cabdinaasir Daahir Sabriye oo ka mid ah guddiga tartanka ayaa sheegay in qori tuurka uu u dhici doono si cadaalad ah, isla markaana ay cidkasta kala socon doonto dhalada qori tuurka.

  1. Yaaqshiid Vs Garoowe
  2. Jowhar Vs Warta Nabadda
  3. Jilib Vs Gaalkacyo
  4. Hodan Vs Wadajir
  5. Heliwaa Vs Shibis
  6. Xamar Jabjab Vs Kaxda
  7. Kismaayo Vs Xamarweyne
  8. Boosaaso Vs Deyniile

Habeen dambe ayaa la filayaa in uu ku bilowda wareegga labaad ee tartanka si ka duwan sidii hore, waxaana qeybta hore ee tartanka lagu daah furi doonaa Tartamayaasha Degmooyinka Yaaqshiid iyo Garoowe, waxaana wareegga labaad isla habeen dambe isku arki doono Jowhar iyo Warta Nabadda, taasi oo ka dhigan in habeen dambe ay afar degmo kulmi doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...