Kismaayo oo noqotay degmadii ugu dambeysay ee wareega 1-aad ka gudubto

Date:

Muqdisho (SNTV)-Tartanka caawa waxaa ku ballansanaa degmooyinka Dhuusamareeb iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Jubbada Hoose iyo Galgaduud.

Dhuusamareeb ayaa ka jawaabtay mid kamid a 7-su’aal ay xaqqa u lahaayeen, kamana aysan faa’ideysaan fursadaha ay lumiyeen degmada ay tartamayeen ee Kismaayo, waxa ayna heleen dhibco gaarayo  2.

Kismaayo oo u muuqatay degmo dadaal badan sameysay ayaa ka jawaabtay  4-kamid ah 7-dii ay xaqqa u lahaayeen, waxa ay sidoo kale ka faa’ideysteen 3-kamid ah fursadaha  ay soo lumiyeen Dhuusamareeb, waxa ayna heleen wadarta guud ee dhibcaha tartanka 14-dibcood.

Tartanka caawa oo ahaa wareegii 1-aad kulankii ugu dambeeyay, waxaa wareegga 2-aad iska xaadiriyay degmada Kismaayo, halka ay ku biirtay Dhuusamareeb degmooyinka ku haray wareegga 1-aad ee tartanka.

Maamulka gobalka Benaadir ayaa taaba gelinayo tartanka halka ay warbaahinta qaranka ay tabiso, waxaana habeen dambe wareegga 2-aad qeybta 1-aaad waxaa ku wada ballansan degmooyinka Yaaqsiid iyo Garoowe oo ka kala tirsan Benaadir iyo Nugaal, halka qeybta 2-aad ee isla habeen dambe  iyana isku arki doonaan  tartanka degmooyinka Jowhar  & Warta Nabadda oo iyana ka kala tirsan Shabeelaha dhexe iyo Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...