Faa’iidooyin iyo Talooyin Muhiim u ah cunooyinka Ramadaanka

Date:

marka hore waa maxay Soon?, Soonku waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee Islaamka, wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan. Sharciguna wuxuu soon u yaqaannaa in marka hore la niyaysto iyadoo Alle loogu dhowaanayo, lagana reebtoomayo oo la iska daynayo waxyaabaha Soonka burriya, inta u dhexaysa marka waagu baryo iyo marka qorraxdu dhacdo.

Badanaa inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan dadku waxay wax ka sheegtaan caafimaadkooda, taasoo ku taxa luqdala raashinka ay markaasi cunaan, haddaba waxaan isku dayayaa in aan halkaan idin kugu soo gudbiyo dhowr arrimood oo kor u qaadi kara caafimaadkaaga inta lagu jiro bisha Ramadaan, waana inaad raacdaa tallooyinkaan:-
1. Cunidda Saxuurta:- Muhiimad weyn ayay leedahay saxuurta, waana wada qireynaa dhammaanteen waana wada ognahay in xitaa ay sunno tahay in la saxuurto, balse akhriiste caafimaadkaaga ayay muhiim u tahay in aad cunto fudud cunto xilliga Saxuurta.

2. Iska yaree dufanka: – midda kale Cuntada dufanku ku badan ayay aad u isticmaalan Dadka Soomaaliyeed, taasina waxay qeyb weyn ka tahay cuntada aadka loo isticmaalo xilliyada afurka iyo cashada, laakiinse waxaa muhiim ah ama aan soo jeedinayaa in aadan badsan dufanka xilliyada aad afureyso.

3. talada nabiga (nnkh) :– Xadiis Saxiix ah ayuu Nabigu ku yiri Calooshaada u qeybi 3 meelood, qeyb cunto ah, mid biyo ah iyo tan seddexaad oo ah qeyb hawo ah, taasina waxaa loola jeedaa in aad noqon DIBBIRA WEYNE oo aad iska badiso Cuntada iyo Cabitaanka, kadibna aad neefsan weydo.

4. Waa muhiim khudaarta oo la cuno:- Dadka qaarkiis ayaa iska hilmaama muhiimada ay leedahay khudaarta, waa in aad badsataa khudaarta sida karootada. Caafimaadkaaga qeyb weyn ayay ka tahay isticmaalkooda.

5. Soco afurka ka dib: – Si aad hawo caafimaad leh u qaadato, jirkaakana uu u kala baxo soco afurka ka dib, adigoo ku soo wareegaya Xaafada ama u lugee Masaajidka, waa teey Carabtu tiraa Cashada waa lagu socdaa.
تعشى وتمشى )

6. Tuko Salaadda taraawiixda: – Taraawiixdu cibaado keliya ma ahan ee caafimaadka ayay kor u qaadaa, waana jimicsi bilaash ah ama lacag la’aan ah, sidaasi awgeed waxay iyana ka mid tahay Caafimaadka qofka.

7. Waxyar seexo galabtii :– Khuburadu Cilmiga Maadiga ah ayaa waxay sheegaan in 15 daqiiqo keliya oo hurdo ah oo galabtii ah ay qofka ka dhigi karto mid fir-fircoon ama fereesh ah. Haddaba Hurdada galabtii ah waxay faa’iido u tahay in aad habeenkii soo jeedo oo aad cibaadada badsato.

8. Ha ku Afurin Cabitaan qaboow:- sida ay qabaan Takhaatiirta Caalamka ama ay tilmaamayaan in marka horeba aan lagu afurin ama afka lagu bilaabin cabitaan aad u qaboow.

9. Haku bilaabin Shaah iyo Bunka:- waxaa kaloo la sheegaa in aan Afurka lagu bilaabin Shaaha iyo Bunka, balse waxaad waxaa la ogol yahay Caafimaad ahaan in la isticmaali karo 2- saacadood kadib xilliga aad afurtay, sida ay sheegeyso Drsa: Nawal oo ku takhasustay cuntada iyo waxtarkeeda, ayaa dadka uga digeysa inay Dadku badsadaan dufanka iyo Saliidda shiilan xilliga Afurka sida sambuusaha, waxayna talo ahaan u soo jeedineysaa in laguna badelo isticmaalka khudaarta.

W.D.C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...