Ciidamada Ammaanka Puntland oo ka hortagay weerar ay ku soo qaadeen Maleeshiyada Shabaab

Date:

Puntland(SNTV) Dagaal u dhexeeya Ciidamada ammaanka Puntlanda iyo kooxaha argagixisada Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari.

Wararka ka imaanaya deegaanka Balli-Khadar oo ka tirsan Buuralayda Galgala ee Gobolkaasi ayaa sheegay in ciidamada ilaalada Xeebaha ee Puntland oo saldhig weyn ku leh deegaankaasi Balli-Khadar ay ka hortageen weerar arbushaad ah oo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka oo bilowday abaaro xiligii Suxuurta, iyadoo lagu jebiyay maleeshiyaadkii Shababa ee weerarkaasi soo qaaday,lamana sheegin weli khasaaraha halkaasi ka dhashey.

Deegaanka Balli-Khadar oo kuyaalla saldhigweyn oo ay ka howlgalaan ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ayaa qayaas ahaantii waxkabadan 80 KM u jira magaalo xeebeedka Boosaaso,waa deegaan istraatiiji ah wuxuuna ku dhexyaalaa Buuralayda Galgala ee Gobolka Bari.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...