Home Blog Page 1279

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo uga digay ciidanka Militariga in fasax la’aan ay magalada hub ku dhexwataan

Muqdisho(SNTV) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/weli Jaamac(Gorod) oo ka hadlay howlgalada amni sugidda ah ee ka socda caasimadda iyoo wadashaqeynta ciidanka ayaa soo saaray digniino ku wajahan ciidanka magaalada ku dhexwata hubka iyagoo aan haysanin wax fasax ah.

Janaraal Gorod ayaa digniin u jeediyay ciidanka Gaar ahaan kuwa Xoogga Dalka oo aan haysan wax fasax ah in hubkoodi ay la dhexmaraan magaalada Muqdisho oo ay howlgalo ballaaran ka wadaan ciidamada u xilsaaran Xasilinta magaalada.

“Marka ugu horeysa in aan ogaano in ay jiraan ciidamo amniga u xilsaaran oo la xurmeeyo,oo laga fogaado in  aan la garan waayin qofka shaqeeya iyo qofka amniga qalqal gelinaya,ciidanku ha joogaan xeryohooda marka ay soo baxayaan  fasax ha soo qaataan,waa dhamaan ciidamada,hadana gaar ahaan waxaan la hadlaya ciidanka Xoogga Dalka,qofkii aan haysan fasax oo hub magaalada la dhexmara haddii la dilo ama hubka laga qaado mas’uuliyadda isaga ayaa qaadaya”. Ayuu yiri Janaraal Gorod.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/weli Jaamac(Gorod) ayaa dhanka kale waxaa uu fariin u diray ciidanka xasilinta taasi oo ku aadan in si dhow ay u wada shaqeeyaan ciidamada qeybohooda kale duwan gaar ahaan hadii ay arkaan ciidan hubaysan oo military ah in si wanaagsan ay ula macaamilaan,si looga gudbo in cadowga uu fursad helo.

“Ciidanka u xilsaaran xasilinta waajib baa laga rabaa maxay tahay,adigoo fulinaya waajibkii shaqada ayaa haddana waxaa lagaa rabaa in aad ixtiraamto saaxiibkaa kale oo aan dhib wadin,inaad weydiiso aqoonsigiisa si degan oo aan xanaaq ku jirin madaxdiisa aad u gudbiso kadibna la siiyaayo hadii uu fasax haysto”. Ayuu intaasi kudaray Taliye Gorod.

Hadalka taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku soo beegmaya xili ay sii kordhayaan howlgalada ballaaran ee ka socda magaalada Muqdisho,waxaana ujeedka hadalka taliyaha uu yahay in aan lakala garan waayin dadka cadowga ku ah amniga dalka iyo ciidanka waajibkooda gudanaya.

R/W Khayre oo Kullan Afur ah la Qaatay dhalinyaradii laga soo celiyay Liibiya

Muqdisho(SNTV):–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa kulan Afur iyo soo dhaweyn ah la qaatay dhallinyaro Soomaaliyedd oo maxaabiis ku ahaa dalka Liibiya, kuwaas oo dib ugu soo laabtay dalkooda ka dib markii ay u fududaysay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Ergayga arrimaha qaxootiga u qaabilsan Xafiika Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tripoli.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u mahed celiyay cid walboo ka shaqaysay in dib loo soo celiyo dhalinyaraddan ku dhibaatay sanayd dalka dibadiisa, ayaa cadeeyay in uu aad uga xun yahay dhibka ku dhacay dhalinyaradda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Isgaoona tilmaamay in mas’uuliyinta dalka looga baahan yahay in ay ka foogaadaan musuq maasuqa, in ay dib-u-dhisaan dalka iyo in la iska ilaaliyo waxyaabihii awoodeena daciifyay, si looga shaqeeyo mustaqbalka jiilka soo koraya.

“Haddii aad tahay Soomaali oo aad la baxday Magafe, Waa inaad ogaataa in dawladda Soomaaliyeed ay tahay Madaasho oo ay kaaga daba imanayso meel kasta, caddaaladana ku horgayn doonto. Waxa la rabaa hay’adaha amniga Qaranka inay ka shaqeeyaan sidii loo soo qab-qaban lahaa dadka dhibaateeyey dhillinyaradeena.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhallinyaradda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda uga dhigi lahaayeen wadamadda ay u tahriib tageen, waxuuna u ballan-qaaday in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii horumarka, qof walbana ay muhiim tahay in uu qaybtiis ka qaato dib u dhiska dalka.

Jilib iyo Hodan oo loo diiwaan geliyay wareegga 3-aad ee tartan aqooneedka

Qeybta hore ee tartan aqooneedka ayaa lagu bilaaabat degmooyinka Jilib iyo Gaalkacyo oo kala kala tirsan maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

Tartameyaasha Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe waxaa la weydiiyey 7-Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 2-su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Gaalkacyo, dhibcaha tartameyaasha Degmada Jilib ay heleen waxay noqotay 6-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen 1-su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen  suaal Qura  oo soo hareer martay Jilib, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Gaalkacyo waxay noqotay 4-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, halka Gaalkacyo ay ku biirtay degmoooyinka ku haray lugta 2-aad ee tartan aqooneedka.

Isla habeenkii xalay ahaa waxa uu tartan kale dhex maray degmooyinka Hodan & Wadajir oo ka wada tirsan gobalka Benaadir.

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 4- su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen 3-su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Wadajir, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay 14- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal  su’aal,  ma jirin wax ka faa’iideysi ah  oo ay heleen,  wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay 2-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga 3-aad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Wadir ay tariinka ka hareen.

Tartan aqooneedka uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir isla markaana ay tabineyso warbaahinta Qaranka waxaa habeen dambe ku wada ballansan  Heliwaa Vs Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Tababar ku saabsan Waxbarashada Madaniga ee Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Baydhabo

Baydhabo (SNTV) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradda Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay tababarka tabarayaasha waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweynaha ee arrimaha dastuurka.

Tababarkaan oo socon doona muddo afar maalin ah waxaa ka faa’idaysan doonaa bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana labada maalin ee ugu horraysa tababarka qaadan doona ku dhowaad 50 qof oo ka socota bulshada rayidka Koonfur Galbeed Soomaaliya, halka labada maalin ee xigta la tababari doono xubno ka socda Waaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Furitaanka tababrka waxaa ka soo qayb galay madax ka socota Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ka midyihiin Wasiirka Waxbarashada iyo wasiirka Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Koonfur galbeed soomaaliya, Duqa magaalada Baydhabo iyo cuqaal iyo waxgaradka koonfur galbeed.

Ugu horreyn agaasimaha guud wasaaradda arrimaha dastuurka koonfur galbeed Soomaaliya Mustaf sheikh Cabdullaahi ayaa ka soo qayb galayaasha u sharraxay qaabka tababrka uu noqon doona iyo muhiimada uu u leeyhay tabarkan bulshada ku dhaqan koonfur galbeed Soomaaliya. Waxa uu xusay in looga baahanyahay dadka ka faaidaysatay tababrkan in ay sii gaarsiiyaan waxbrashada madaniga ah iyo wacyi galinta dhammaan dadka ku nool deeganada koonfur galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa kulanka hadallo dhiiregelin ah ka jeediyay duqa magaalada baydhabo, wasiirka haweenka iyo wasiirka waxbarashada koonfur galbeed Soomaaliya, waxa ay sheegeen in ka dowlad ahaan ay ka qaybqaadan doonaan sidii dadka ku nool deegaanada koonfur galbeed Soomaaliya loo gaarsiin lahaa waxbarashada madaniga ah islamarkaana loo bari lahaa dastuurka dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr oo furay kulanka ayaa sheegay in ujeedada tababrkan ay tahay in dadka loo tababarro waxbarashada madaniga ah ay sii tababari doonaan dadka kale ee ku nool deegaanada koonfur galbeed Soomaaliya si loo helo bulsho aqoon u leh dastuurka dalka..

“Tababarka tababaryaasha waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadweynaha waxa uu muhiim uyahay in bulshada la fahnsiiyo dastuurka lana baro muhiimadda uu leeyahay dastuurka si qof kasta uu ogaado xaqa uu leeyahay iyo masuuliyadda ka saran qaranka, sidaa dasrteed marka uu tababrkan dhammaado waxaa la idinka doonayaa in aad gaarsiisaan wixi aad barateen dhammaan deeganda koonfurgalbeed Soomaaliya idinka oo kaashanaya wasaaradda dastuurka koonfur galbeed Soomaaliya si loo helo bulsho fahansan dastuurka”. Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuuka Zubeyr.

Uga dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS ayaa bilowday fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadweynaha ee Arrimaha dastuurka, waxaana tababarada nuucaan oo kale ah laga fulin doonaa dhammaan dowlad goboleedyada Soomaaliya si loo helo bulsho aqoon u leh dastuurka.

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah xilka ula wareegay, fartana ku fiiqay yoolka Wasaaradd

Muqdisho (SNTV) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, wax yar un kadib markii maanta loo dhaariyay xilkaasi.

Munaasabadda xil wareejinta oo  lagu qabtay Xarunta Wasaaradda, ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka, Hanti dhowraha Qaranka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.

Hanti dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali  iyo Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka Xildhibaan Khaalid Macoow ayaa bogaadiyay Wasiirka  iyo howlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda, iyagoo xusay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Wasiirka cusub.

Sii hayahii Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis oo xilka wareejiyay ayaa sheegay in Warfaafintu ay heshay Wasiir ku haboon oo u leh qibrad wanaagsan, uuna ku faraxsanyahay in uu maanta xilka wareejiyay.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo xusay doorkii Wasiiradii xilka kaga horeeyay ayaa sheegay in Wasaaradda ay la dhafar u noqon doonta Nabadda, Wacyigelinta iyo isdhexgalka bulshada si looga hortago kuwa xagjirka ah ee fikradaha qaldan dadka ku marin habaabinaya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in waaya-aragnimada Daahir Geelle ay wax badan kusoo kordhin doonto bahda Saxaafadda, isla markaana magacaabistiisa ay ku soo beegantahay xilli loo baahnaa.

Toddoaad ka hor ayey ahayd markii isku shaandheyn uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku magacaabay Daahir Maxamuud Geelle oo 8 sano ka hor Wasiir kasoo noqday Wasaaradda Warfaafinta markaasi oo kaalin weyn uu ka qaatay dib u howlinta Warbaahinta Qaranka iyada oo lagu shaqeynayo daruuf adag.

R/wasaare ku-xigeenka Dalka iyo Duqa Muqdisho oo si wadjir ah u Daah furay Wajiga labaad ee mashruuca Nadaafada casriga ah ee G/Banaadir

Muqdisho (SNTV) R/wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka wajiga labaad ee Mashruuca Nadaafadda Gobolka Banaadir oo ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkadda Nadaafadda ee lagu magacaabo ECCO.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkadda Nadaafadda ee ECCO mudadii labada sanno ahayd ee ay shaqeynaysay wax badan ay ka qabatay bilicda Caasimadda, iyadoo shaqooyin u abuurtay dadka Soomaaliyeed. Waxuna xusay maadaama ay Muqdisho tahay muraayaddii dalka loo wada istaago hagaajinta bilicdeeda oo nadaafaddu kow ka tahay.

“Waa mashruuc casri ah sida aad u jeedaan qalabka la soo bandhigay oo nadaafada caasimada kaalin mug leh ka qaadan doona, soona celin doona bilicda Caasimadda. Horumarrada kala duwan ee aan ku tallaabsanayno maalin walba waxey keentay in magaalada la maalgashado, nadaafadduna waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno”.Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay horumarinta Bilicda Caasimadda ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee da’da weyn ay xusuusan karaan xilligii Muqdisho loo aqoonsanaa mid ka mid ah magaallooyinka ku yaallo qaaradda Afrika ee ugu bilicda quruxsan, hiigsiga maamulkiisuna uu yahay sidii mar kale loo soo celin lahaa taariikhdii Nadaafadeed ee ay caanka ku ahayd magaalada Muqdisho.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay maalgashadaan dalkooda, si ay fursado shaqo uga helaan dhalinyaradu, isla markaana ay Maamulka Gobolka Banaadir ka go’an tahay in ahmiyad gaar ah uu siiyo maalgeshiga si horumarka iyo dib-u-dhiska dalka kaalintooda uga qaataan.

Munaabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Dawladda, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Talyaaniga oo Ciidanka Booliska ku wareejiyey gaadiidka ay ku xiran yihiin qalabka ka hortagga qaraxyada

Muqdisho (SNTV), Dawladda Talyaaniga, ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku wareejiyey Seddex Gaari oo labo kamid ah ay yihiin BMW oo ka mid ah gawaarida ugu qaalisan Caalamka, kuwaasi oo ay ku xiran yihiin  Qalab fududeynayo ka hortaga Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.

Safiirka Dawladda Taliyaaniga ee Soomaaliya Danjire, ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ku wareejiyey Documents-ka  iyo Fureyaasha Gawaaridaan, waxaana Safiirka  warbixin  uu ka siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska qalabka ku xiran gawaaridan ee looga hortago Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto  Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in Gaadiidka maanta ay ku wareejisay Dawladda Talyaaniga waxbadan ay ka badali doonaan Xaaladda Amni ee magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka

Muqdisho (SNTV) -Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Guddiga ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii afarta bil ahayd ee la soo dhaafay iyo waxyaabaha u qorsheysan bilaha soo socda.

Sidoo kale guddiga ayaa sharaxaad ka bixiyay istaraatiijiyada ay u diyaariyeen doorashada iyo kulamada wadatashi oo ay wadaan.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yareey ) ayaa sheegtay in ay si wanaagsan shaqooyinkooda ugu socdaan.

” Guddigeena howlo wanaagsan oo muhiim u ah dalka ayuu wadaa, Xisbiyada diiwaan gelintooda meel wanaagsan ayay noo mareysaa, waxaa sameysanay xafiisyo cusub si shaqooyinkeena an usii hormarino” ayay tiri Marwo Xaliimo yareey.

” Guddoomiye waxan kaa rajeyneynaa inad si hagar la’aan ah noola shaqeyn doonto, howlaha noo harsan hadaan nala garab istaagin maku guuleysan karno” ayay mar kale tiri Marwo Xaliimo yareey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa amaanay shaqooyinka ay wadaan guddiga.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay guddiga iney sii laba jibaaraan dadaalka ay wadaan.

” Xaqiiqdii shaqooyin wanaagsan ayaa heysaan, waxaan idiin balan qaadaya inan si hufan idiinla shaqeyn doono, wax walbo oo aad xafiiskeyga ugu baahataan waa diyaar” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay dhaarinta wasiirka cusub ee Warfaafinta

Muqdidlsho(SNTV):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle.

kulanka waxa uu ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa, waxana goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim ( Muudeey ), qaar ka mid ah guddiyada joogtada iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ah guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa ee Golaha Shacabka ayaa Wasiirka cusub dhaariyay.

Dhaarinta ka dib ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh c/raxmaan waxa uu wasiirka cusub kula dardaarmay inuu si wanaagsan shaqadiisa u guto.

waxa uu sidoo kale sheegay in wasiirka cusub loogu baahan yahay in uu ka shaqeeyo hormarinta Warbaahinta Qaranka iyo xoojinta xiriirka warbaahinta madaxa banaan iyo dowladda.

” Soo dhawaw Wasiir, runtii waxaa tahay Nin aqoon u leh shaqada warbaahinta waan aaminsanahay inad ka soo bixi karto howshan, Golaha Shacabka waajibaadkiisa korjoogteynta ah wu gudanaya Insha ALLAH” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa balan qaaday inuu si sax ah ugu soo bixi doono xilka loo dhaariyay, kana shaqeyn doono sidii wada shaqeyn dhaw uu ula yeelan lahaa guddiyada Golaha Shacabka ee wasaaradiisa wada shaqeynta kala dhaxeyso.

Ugu dambeyn Xildhibanaadii goobjooga ka ahaa kulanka ayaa Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, una rajeeyay inuu Alle ku amaansado.

Yugaabdha oo gar-gaar u soo dirtay Dadka ay saamaysay fatahaadda Webiga Shabeelle

0

Kampala-(SNTV)-Dowladda Yugaandha  ayaa gar-gaar ugu deeqday Qoysaska ay fatahaadda Webiga Shabeelle saameeyeen ee ku nool degaanka Golwayn ee Gobolka Shabeellada hoose.

Raashiin kala duwan oo ka kooban Bariis, Bur, Sonkor, Saliidda wax lagu karsado iyo Caanaha qasacaysan, ayaa loo mariyay ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Ku xigeenka Danjiraha Dalka Yugaandha u fadhiya Soomaaliya, Maj. Gen. Nathan Mugisha, ayaa ambabixiyay kolonyada Gaadiidka ee  Cuntada u siday Dadka ku tabaalaysan Golweyn.

Ciidamada AMISOM iyo Dalalka ay ka socdaan ayaa kaalin Lixaad leh ka qaata samatabixinta Dadka Soomaaliyeed xilliyada ay soo wajahaan Abaaraha iyo fatahaadaha.

Isha/ AMISOM