Degmooyinka Wartanabadda & Yaaqshiid oo wareegga 3-aad ee tartan aqooneedka gaaray

Date:

Muqdisho (SNTV)-Tartanka oo u dhexeeyay ilaa iyo 4-degmo ayaa waqtiga loogu qeybiyay 2-qeyb, waxaana wareegga 2-aad lagu furay degmooyinka kala ah Garoowe iyo Yaaqshiid qeybta hore halka qeybta dambe ee wareegga ay isku arkeen degmooyinka Jowhar iyo Wartanabadda.

Garoowe

Tartameyaasha Degmada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3- su’aal,  waxa ay ka faa’iideysteen mid qura  oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Yaaqshiid, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garoowe ay heleen waxay noqotay 8- dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaashiid ee gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3- su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen  suaal  kaliya  oo soo hareer martay Garoowe, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay 8-dhibcood.

Labada tartame ayaa isku garab dhacay, waxaana lagu daray su’aalo dheeri ah oo min hal ah, si loo kala saaro, iyadoo su’aalaha lagu bilaabay tartamayaasha Degmada Garoowe balse waa ay iska qaldeen su’aashii la weydiiyay, waxaana ka faa’iideystay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale Yaaqshiid ayaa dhankooda la weydiiyay su’aashii sideedaad waana ay ka jawaabeen si sax ah.

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, kadib markii ay ku badiyeen 12 dhibcood halka Garoowe ay noqotay degmadii ugu horreysay ee lagu reebo wareegga 2-aad

Dhanka kale isla xalay waxaa tartamay Degmooyinka  Jowhar iyo Wartanabadda oo ka kala tirsan Shabeelaha dhexe iyo Benaadir.

Warta Nabadda

Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen 3-su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Jowhar, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay   8-dhibcood.

Jowhar

Tartamayaasha Degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen 2-su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen 1- su’aal oo soo hareer martay Warta Nabadda, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Jowhar waxay noqotay  6- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka,  halka Jowhar ay noqotay degmadii 2-aad ee loo diiwaan geliyo in ay ku hartay wareegga 2-aad.

Tartanka uu taaba gelinayo  maamulka gobalka Benaadir isla markaan ay tabineyso warbaahinta  Qaranka  waxaa foodda is dari doono, ilaa iyo afar degmo oo kala ah, tartamaayasha degmooyinka Jilib &  Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Mudug, halka ay ku xigi doonaan Hodan &  Wadajir oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...