Home Blog Page 1267

Daraasiin dad ah oo Kooxda Arxanka daran B.Haram dishay.

Muqdisho (sntv) Ugu yaraan 31 qof ayaa lagu dilay labo weerar oo is-miidaamin ah kaasi oo ay kooxda Boko Haram ku qaaday deegaanka waqooyi bari ee gobolka Borno State.

Labo weerar oo lala eegtay meel dhismo ah oo lagu magacaabo Damboa oo ay dowladda Nigeria ku leedahay gobolka Borno ayaa kooxda Arxanka daran waxa ay la beegsatay dad kasoo laabtay ka qayb galka munaasabadda Ciidul Fidriga habeennimadii sabtida.

Kooxda arxanka daran ee Boko Haram ayaa garneeylo ku riday meel ay dadku isagu soo xoomeen oo kutaala halka qaraxyada lala beegsaday, halkaasi oo ay dhaawacyo badan ka dhasheen, sida uu AFP u sheegay Babakura oo ka tirsan xafiiska iskuxiraha ciidamada iyo dadka rayidka ee maleeshiyaadka taageeraya militariga iyo kuwa ammaanka.

Weli majirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, balse Kooxda Boko Haram ayaa loo aaneeynayaa weeraro argagaxiso oo ay ka geeysato gudaha dalka Nigeria muddo kudhow toban sanadood.

Sabtidii ayay ahayd markii ay xarumaha dowladda hoose ee degmooyinka Shuwari iyo Abachari lala eegtay qaraxyo, deegaannadaasi oo masaafo 90km ujira magaalada Maiduguri.

Kooxdan ayaa si khaldan sheegta ama u tarjumta in “Waxbarashada reer Galbeedku tahay mamnuuc”.

In ka badan 20,000 oo qof ayaa lagu dilay iyadoo in ka badan labo milyan oo qof lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda 2009-kii, xiligaasi oo ay kooxda arxanka daran ee mintidka ahi ay ku dhaqaaqday olole ay weeraro bambaano kula eegatay masaajidyo, goobaha suuqyada iyo xeryo ay ku nool yihiin dadka soo barakacay.

Ciidamada Haftar oo weeraray meelihii lagala wareegay ee Ras Lanuf & Al-Sidra ee keydinta saliidda Libya

Muqdisho (sntv) Ciidamada iskood isagu magacaabay kuwa Qaranka ee Libya ee loo soo gaabiyo LNA) oo daacadda u ah Jeneraalka Mucaaradka ah ee Khalifa Haftar.

Ciidamada Haftar ayaa ku dhawaaqay dagaal xooggan kadib markii ay gacantooda ka baxday deegaannada Ras Lanuf iyo Al-Sidra oo 650 kilomitir dhinaca bari kaga beegan magaalada Tripoli ee caasimadda Libya, deegaannadani oo gacanta u galay kooxo hubeeysan oo weeraray halkaasi.

Ciidamada Haftar ayaa gacanta ku hayay deegaannada bari Libya waxaana ay kasoo horjeedaan dowladdu caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli oo iyaduna cambaareeysay weerada ay qaadeen maleeshiyaadka.

Ibrahim Jadhran, oo madax ka ah illaalada keydka petroolka ee magaalooyinka Ras Lanuf iyo Al-Sidra, ayaa ku sheegay muuqaal inuu la bahoobay isbahaysiga si dib loogu qabsado keydka shidaalka oo bishii September 2016-kii ay qabsadeen ciidamada daacadda u ah Jeneraal Khaliifa Haftar.

Mr. Jadhran ayaa muddo afar sano ah gacanta ku hayay haamanka keydka shidaalka wixii kadambeeyay 2011-kii waagaasi oo xilka laga tuuray lana dilay hogaamiyihii Libya Col Mucammar Al-Qaddaafi.

Baaddii Ganacsatada waxaa u bedelay 8-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Muqdisho (SNTV)- Sanada badan ayaa Soomaaliya waxaa ka jiray in dadka laga handado (Private Number) Nambarka Qarsoon, waxaana dad badani ay ku qasabtay in ay isaga cararaan dalka halka kuwa kalane ay u hugaansameyn in laga qaado baad iyagoo loo sheeganayo Ururadii dalka ka jiray gaar ahaan kan Al-shabaab.

Mar dambe ayaa arrinta (Private Number) joogsatay wallow ay jirtay in dadka laga soo wici jiray Numbarro caadi ah kuwaasi oo lagu fari jiray in loo yeerro ama looga qaado baad.

Arrintaasi iyagoo ka duulaya Hey’adaha Ammaanka ayay gacanta ku soo dhigeen Cabdi Xasan Dhuxuloow oo in mudda ah dadka ku baadi jiray wicitaanka teleefoonka, waxaana lagu soo qabtay isagoo Maamo Soomaaliyeed ku handadayo teleefoon weydiistayna in ay bixiso lacag, waxa ayna aqbashay in ay bixiso lacago ilaa tira seddax jeer ah.

Markii dambe ayay go’aansatay in ay iska diido wicitaanka Cabdi Xasan Dhuxuloow, waxa uuna u sheegay Maamada  hadii  aysan dhiibin lacagaha uu ka rabo in uu dili doono wiilal dhalinyara ah oo ay dhashay, sidii horeyba loogu dilay aabahood  sanad ka hor.

Maamada Soomaaliyeed ayaa go’aansatay in ay ku war geliso hey’adaha Ammaanka, waxa ayna la xiriirtay ciidamada amniga.

Ciidamada amniga oo ka duulayo wal-walka Maamada Soomaaliyeed iyo dhacca lagu hayo ganacsatada  ayaa daba gal ku sameeyay teleefoonka Cabdi Xasan Dhuxuloow oo ku baadi jiray maamada Soomaaliyeed, waxaana Ciidamada Amniga U suura gashay in ay gacanka ku soo dhigeen Cabdi Xasan Dhuxuloow oo lahaa Fikradda baadda iyo handadaadda.

Hey’adaha dambi baarista ayaa u soo gudbiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Eedda loo heysto Cabdi Xasan Dhuxuloow.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ogolaatay dhageysiga dacawadda ka dhanka ah Cabdi Xasan Dhuxuloow oo lala soo qabtay laba shaqsi mid dumar ay tahay, kuwaasi oo iyaga laftooda mid kamid ah damiin uu ka ahaa nambarka lagu baaadi jiray Maamada Soomaaliyeed.

Dhuxuloow ayaa sheegay in uu in mudda ah ku shaqeysan jiray in uu teleefoonada dadka ka handado isagoo sheeganayo Al-shabaab, waxaana intii ay socotay dacwadda ka dhanka ah sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta ay soo bandhigeen Maamo Soomaaliyeed oo naxadin ay ka qaaday handadaadda Dhuxuloow u jiifta sariir iyadoo miirkii ka tegay.

Qareenka difaacayay eedeysanaha ayaa  ka codsaday Garsoora-yeesha in loo naxariisto eedeysanaha oo ay ku sheegeen in ay baahi u  geysatay.

Garsoorayaasha oo eegaya Dambiga dhacca ah, handadaadda sababtay Miir-daboolka, iyo cadeymaha ay kamid yihiin wareejintii lacagta, Cod laga duubay eedeysanaha, Qiraalkiisa, nambaradii lagu diri jiray lacagta iyo Maaamadii dhibbana aheyd ee garsoorka hortiisa ka caddeysay dhibka lagu hayay  ayaa go’aan ku gaareen  In lagu xukumo Cabdi Xasan Dhuxuloow 8-sano oo Xabsi ah iyadoo sidoo kale Maxkmadda dib ugu celisay lacagtii maamada dhibanaha aheyd laga baaday sida uu u sheegay warbaahinta Garsoor Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa warbaahinta u sheegay  ganacsatada Soomaaliyeed in aysan bixin lacagaha baadda ah si’ aan loo dhiiri gelin dambiyada, waxa uuna ka dalbaday in ay la xiriiraan hey’adaha amniga si loo mariyo ciqaabaha sharciga.

Maxkamadda ayaa sii deysay labada shaqsi ee kale, waxaana sidaas lagu soo gaba-gabeeyay  Shabakad aan iska war heyn oo dadka ku dhici jiray Teleefannada.

 

Xaaska Madaxweynihii hore ee Jorge W/Bush oo cambaareysay Siyaasadda Trump

Laura Bush oo ah marwadii koowaad ee madaxweynihii hore ee Jorge W Bush,ayaa dhaleeceysay qorshaha Mr.Trump ee ku aaadan siyaasadda muranka dhalisay ee lagu kala kexeynayo qoysaska sida sharci darada ah ku galay dalka Mareykanka.

Qoraal ay ku daabacday  Washington Post, ayeey ku macneysay qorshaha lagu kala kexeynayo qoysaska,gaar ahaan caruurta iyo waalidiintooda in ay yihiin niyad jab iyo cadowtinimo .

Hadaladaan ayaa dabajooga muranno siyaasadeed oo sii kordhaya ,kana dhashay dadka la masaafurinayo,gaar ahaan caruur iyo waalid la kala kexeynayo .

Afhayeen u hadashay Melania Trump oo ah marwada koowaad ee madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa horay u sheegtay in tallaabadaasi ay tahay mid muujineysa walaac,waxayna ku baaqday n labada xisbi ay ka shaqeeaan sidii isbadal loogu sameyn lahaa arimaha dadka soo galootiga ah.

Wasiirka Warfaafinta oo faah faahiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Ethiopia (SAWIRRO)

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Daahir Maxmauud Geelle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka warbixiyay qorshaha guud ee heshiiska labada dowladood ay kala saxiixdeen socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia kaddib, kaasi oo salka ku hayay iskaashiga dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta waxyaabaha aas aasiga u ah labada dowladood.

Wasiirka oo ka hadlayay socdaalka wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia uu ku yimid Muqdisho ayaa sheegay inay ahayd casuumaad uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxda kaasi oo looga hadlay in la xoojiyo xagga amniga oo iskaashiga laga yeesho, in xagga diblomaasiyadda tallaabooyin dheeraad ah la qaado, isla markaana qunsuliyado laga furo magaalooyinka labada dal, si qofkasta loogu fududeeyo isu socodka labada dal.

Mudane Daahir Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in arrinta ugu muhiimsan ay qeyb ka ahayd horumarinta dhaqaalaha oo maalgeshi laga sameysanayo labada dal,

“Dadka Soomaaliga ah waa dad fir fircoon  oo sameynaya kobac dhaqaale oo bariga Afrika ganacsiyo badan ku leh, lana siiyo fursado ay ku maalgashan karaan dalalka dariska ah, waxaana la isku afgartay in la sameeyo Dekado oo maalgeshi loo raadiyo, iyadoo loo marayo shirkadaha waa weyn iyo dowladaha ay iyagu maalgashan karaan, dekadaha waxaa bar bar socda jidad waa weyn oo laga hirgeliyo dekadaha, si badeecadaha lagu marsiiyo meelaha loogu talagalay.” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka, iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in dadlku ay is weydiinayaan sida looga gudbi karo coalad sooyaala ah,  waxaana uu Wasiirku hoosta ka xariiqay in heshiiska la galay uu macno weyn ugu fadhiyo shacabka labada dal, isla markaana ah wadiiqo looga gudbi karo wixii horey u dhacay.

Wasiirku waxa uu shaaca ka qaaday in Webiyada dalka ay biyaha nooga yimaadaan dhanka Ethiopia, inkasta oo ay jirto qawaaniin caalami ah, waxaana jiri doono guddiyo isku dhaf ah oo labada dhinac ah, kuwaasi oo ka shaqeyndoono hanaankii loo dhaqan gelin lahaa, lana horgeyn doono Baarlamaanka, isagoo xusay in tani ay tahay marxalad cusub oo labada dal u bilowday.

Wasiir Daahir Geelle ayaa xusay in Wasaaraddu ay gacan ka siin doonto suxufiyiinta waxkasta oo ay u baahanyihiin oo ay Wasaaraddu u fududeyn karto, isagoo xusay in Wasaaradda Warfaafinta ay ilaalineyso xoriyadda Saxaafadda.

 

 

Howlgal lagu baadi goobayo rag ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Waqooyi bari Kenya

Muqdisho(SNTV);- Ciidamada Booliska Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa baadi goob ugu jira rag ka tirsan Kooxda argagixisada Al-Shabaab,kuwaasi oo baxsaday ka dib weerar ay ku dileen ku dhowaad 8-askari oo ka tirsanaa Booliska Kenya ka geysteen aaga Bojigaras ee degmada Wajir.

Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya,Siddeed askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya ayaa dhintay ka dib gaari ay saarnaayeen oo Qarax kula kacay deegaanka Bojigaras degmada Wajir ee Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya Axadii shalay.

Isku duwaha Gobolka Waqooyi bari Kenya Muhamed Saleh,ayaa Anadolu Agency u sheegay in durba markuu weerarka dhacay ay daba galeen kooxaha weerarka soo qaaday,islamarkaana Ciidamada Booliska ku raad joogaan sidii gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Weerarkaan ayaa ku soo aadaya maalmo ka dib markii lix askari oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka Kenya lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Liboi oo ka tirsan magaalada Gaarisa oo u dhow Xuduuda Soomaaliya.

Waxayna saraakiisha Ciidamada Ammaanka Gobolka Waqooyi bari ay sheegeen in Kooxaha hubeysan ee weerarka geystay looga shakisan yahay kooxda argagixisada Al-Shabaab dadaalna loogu jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Roontada Ciidamada Booliska Kenya ay ka sameynayaan deegaanada ku dhow Xuduuda Soomaaliya sida Wajir,Mandera iyo Gaarisa ayaa sii xoogeysanaya,kuwaasi oo ujeedkooda lagu sheegay mid lagu adkeynayo ammaanka deegaanadaasi.

Madaxweynaha iyo ku xigeenka Hirshabelle oo Ciidamo dhaawac ah Ku booqday isbitaal Madiina

0

Muqdisho(SNTV) Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshaelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed, iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, ayaa  si wadajir ah ugu booqday isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho ciidamo ku soo dhaawacmay gobolka Hiiraan, kuwaasi oo isuga jira Ciidamada Dowladda iyo Dhalinyarada iskood isku abaabulay la dagaalanka Argagaxisada ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Madaxda Hirshabelle ayaa mid mid u booqday bukaanadan waxaana ay gaarsiiyeen lacago deeq ah oo ay ugu talogaleen bukaanada iyadoo bukaanadan ay yihiin ciidamo ku soo dhaawacmay dagaal ka dhacay dhowaan deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Hadal gaaban oo ay madaxdan jeediyeen booqashadooda kadib ayaa waxa ay si wadajir ah ugaga tacsiyeeyeen ciidamadii ku dhintey dagaalkii ka dhacay Moqokori, waxayna sidoo kale eebee ugaga baryeeyeen bukaanada dhaawacyada inay caafimaad deg-deg ah helaan.

“Ciidamadii ku dhintey dagaalada Hirshabelle waa shahiid kuwa dhaawaca ah xanuunka ayaan la qeybsanaynaa wixii uu maamulka qaban karana waxba ka hagran maayo.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadlay ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah ay ku dadaali doonaan sidii wax loogu qaban lahaa.

“Waxaan diyaar u nahay in aan wax walba u sameyno ciidamadeena ku dhaawacmay daafaca dalka haddii ay jiraan qaar u baahan in dibadda loo qaadana waxaan kala kaashan doonaa dowlada Federalka.”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Ehelada bukaanada ku jira isbitaalka ee ay maanta madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabelle booqashada ugu tageen ayaa u mahadceliyay madaxda waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin in maamulka Hirshabelle uu marwalba u taagan yahay sidii uu ula socon lahaa ciidamada ku soo dhaawacma dagaalada lagula jiro Alshabaab.

Booqashada isbitaalka ay maanta ku tageen madaxda ugu sareysa Hirshabelle ayaa waxaa kamid ah wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Cali Caadle iyo wasiiro kale oo ka mid ah golaha wasiirada Hirshabelle.

Ciidamada xooga dalka oo guula ka gaaray howlgalo ay ka sameeyay degaano ka tirsan Gobalka J/hoose

Muqdisho (SNTV)-Ciidamada Xooga Dadlka qeybtooda 43-aad oo dhawaanahaanba holgala ka waday degaano hoostaga Gobalka Jubbada hoose ayaa guula ka gaaray Kooxahii Agagixisada ahaa ee isku dayay inay hor istagaan, waxayna shegeen Ciidamada in ay sii wadi donaan dagaaladan ay kula jiraan Kooxaha Nabad diidka ah

G/dhexe Cabdi Ibraahim Cali oo kamid ah sarakiisa hogaamineeysa ciidanka halkaasi ka dagaalamaya oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qasaara badan ay garsiyeen maleeshiyaadka Nabad diidka ee la dagaalamay.

“Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgalka sameeyey, waxaana ugu tao galnay inan cadowga ka qabano dadka Soomaaliyeed, ilaa todobo goobood oo ay ku sugnaayeen gacanta ayaan ku heynaa, waxaana kusii soconaa meelo kale oo naloogu sheegay iney ku dhuumaaleysanayaan”ayuu yiri. Taliyaha,

Dagaalka ay la galeen Al-shabaab ayuu xusay G/dhexe Cabdi Ibraahim Cali oo kamid ah sarakiisa hogaamineeysa ciidanka iney ku dileen Horjoogayaal katirsan Al-shabaab iyo sidoo kale maleeshiyaad kale, isagoo intaas ku daray in howgalku uu sii socon doono.

Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Bada oo digniin u dirtay kaluumeysatada Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV) Digniintaan ka soo baxday Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Bada ayaa kusoo aadeysa  xili lagu guda jira  bad xiranka  taasi oo ay suura galtahay in kaluumeeysatada ay dhibaatooyinka kala kulmaan gudaha bada.

haalkan ka soo baxay Wasaarada Kalumeysiga iyo Kheyraadka bada ayaa lagu sheegay in kaluumeeysatada Soomaaliyeed ay ka fijignaadan tagida meelaha  fof-fog ee Bada gudaheeda iyada oo la ogyahay  in kaluumeeystada anay haysan qalab ku filan sida ay sheegatay Nadiifo Maxamuud Yuusuf oo ah Agaasimaha Waaxda Cilmi baarista ee Wasaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka bada.

Wasaaradda Kalumeysiga ayaa sheegatay in xilgaan anay haysan qalabkii logu bad baadin lahaa kaluumeysta xilyada badu ay kacsanatahay waxaana taasi oo ay sababtay burburkii uu dalka soo maray.

inta lagu guda jira xiliga Bad xeranka ayaay Kaluumeysatada Soomaaliyeed la kulmaan  qasarooyin isugu jira Naf iyo Maal, waxana sheegayaa in hada gudaha Bada lagu waaysanyahay 3 Doomood iyo dhamanba dadkii saarnaa oo tira ahaan lagu qiyaasay 10 ruux, hase yeeshe dadka kaluumeysatada ah  ayaa ka maarmin mihnadooda ku aadan soo jalaabashada kaluunka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo u dhoofay Norway.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS Mudane Xasan Cali kHayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amababaxay magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaas oo ay kaga qaybgalayaan shir caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto.

Oslo Forum oo ah madal caalami ah ayaa sanadkan waxaa ka soo qaybgalaya wufuud dalal badan ka socota iyo madaxda golayaasha waawayn sida xoghayaha guud ee Qaramada Mdoobay oo lagu casuumay.

Soomaaliya waxa ay shirka la tagaysaa ajandayaal ay ka mid yihiin inay dunida ku qanciso isbadalka balaaran ee ay ka samaysay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dawlad wanaagga, sida uu sheegay Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo wafdiga qayb ka ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu kalamo gaar gaar ah la qaato madaxda shirka ka soo qaybgalaysa.