Senator Ayuub Ismaciil Yuusuf oo la kulmay Jaaliyadda Columbus Ohio

Date:

Columbus(SNTV);- Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Columbus Ohio.

Kulanka Xildhibaanka iyo jaaliyadda waxa uu ahaa mid xanbaarsanaa fariimo iyo is xogwareysi ku qotoma xaaladda dalkeena Soomaaliya.

Marti sharaf ka kala soctay qeybaha bulshada ayaa kulankan ku sugnaa waxayna si wada jir ah gacmo furan ugu soo dhaweeyeen xildhibaanka oo maalmhan socdaal kulamo xanbaarsan la qaadanayay qaar kamid ah Jaaliyadaha Mareykanka.

Xaflada soo dhaweynta Xildhiban Ayuub waxaa ka hadlay dad aad u baddan oo bulshada ka dhex muuqda, waxana ay bogaadiyeen doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee xiligan ku jira siyasadda dalka iyo sida ay in badan uga gadisanyihiin siyaasiyiin horey dalkan u soo maray.

Inta baddan waxay ku cel celinayeen dadkii hadlay ” Waxaan u baahi qabnaa in aan dalkeena ku laabano isaga oo nidaam iyo kala danbayn leh kuwa aan ka sugaynana waa adinka dhalinyarada ee u jira siyaasada dalka dhan walba”

Waxaa la weydiiyay xildhibanka Su’aalo la xariira Isbadalada iyo qaladaadka dhaxa xiliyada qaar, waxa uuna uga jawaabay dhaman si Taxadar leh.

Xildhibaan Ayuub ayaa u soo gudbiyay Jaaliyada Columbus salaan uu uga sido Madaxda Soomaaliyeed isaga oo dhanka kale ka warbixiyay halka dalku marayo, halka laga yimid iyo halka loo socdo.

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay dalka isaga oo ku guubaabiyay qurbajoogta in ay dalka yimaadaan qeybna ka noqdaan isbadalka socda.

Waxa uu ahaa kulan ay ka soo qeybgalayaashu aad u xiiseynayeen kuna heleen furdado ay wax ku weydiiyaan loogana jawaabay.

Waa markii ugu horeysay ee xildhiban Ayuub uu soo booqdo Columbus tan iyo intii uu ka mid noqday xildhibaanadda aqalka sare.

Deeqo SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Ciidanka Qaranka oo ka hortegay weerar naf la caari ah oo khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga Moqokori

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa ka hortegay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHOWEEYEY DALKA MASAR

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...