Home Blog Page 1268

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo xafiis cusub ka furatay Buula-burde

Buula-burde (SNTV) Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda waxa ay ka furatay Magaalada Buula-budte  ee gobolka Hiiraan.

Munaasabadda xariga looga jarayay xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka dagmada iyo dadka deegaanka iyo sidoo kale sarakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya.

Dadka ka qeyb galay ayaa  dhamaantood waxa ay sheegeen in  baahi weyn loo qabay howlaha ay qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda isla markaana ay uga mahadcelinayan masuuliyiintii ka soo shaqeysay in xafiiskan la furo.

Soomaaliya iyo Ethiopia oo iskaashigii ugu balaarnaa ka samaynaya dhinaca maalgashiga.

Muqdisho:- Waxay ahayd booqasho gaaban balse xambaarsan guulo wax ku ool, waxaana madaxda labada wadan ay ay fureen baal cusub,  marka la eego miisaanka qodobada heshiiska ay wada ee ku aadan, amniga, dhaqaalaha iyo siyaasabada oo taabanaya masiirka labada shacab.

Ethiopia waa dal dadkiisku ka badanyihiin 92-Milyan oo aan lahayn  Dekado wax uga soo dagaan, taasnia waxay timid markii ay Eretria kala go’een 1993-dii.

Cabshuur badan ayay ku bixsaa Dekadaha dalalka dariska la ah ee ay wax uga soo dagaan, ama ay ka dhoofiso bunka ay caanka ku tahay iyo badeecadaha kale, iyadoo ay u sii dheertahay masaafada fog ee dekadaha.

95% waxay isticmaashaa Dekadda Jabuti, balse laguma sii tiirsanaan karo hal il oo kaliya, taas ayaana qodobka ugu wayn heshiiska Soomaaliya iyo Ethiopia ka dhigtay in la maalgaliyo 4-Dekadood oo Soomaaliya ku  yaal.

Soomaaliya oo ah dal gees ilaa ka gees bada ku teedsa, islamarkaana samaynaya soobasho amni iyo mid dhaqaale waxaa ka furan fursado maalgashi oo isha lagu wada hayo, balse hadda Ethiopia ayaa ku dhiiraysa inay ka faa’iidaysato.

Ethiopia waxay heshiiska LAPSET kula jirtaa Kenya, kaas oo ah mid baaxad wayn oo Dekadda Lamu ku xiraya gudaha Ethiopia, iyadoo la isticmaalayo Khad Tareen.

Sidoo kale Sudan ayay la dhisaysaa Dekad cusub oo ay Ethiopia saami ku yeelanayso, balse Dekadaha Soomaaliya waxay noqon kartaan dariiq ka dhaw.

Fulinta qodobada heshiiska oo ah halka isha lagu wada hayo waxaa loo saaray gudi isku dhaf ah oo heer wasiir ah, taas oo micneheedu yahay ka g’naashaha labada wadan gaaritaanka mustaqbal wanaagsan iyo iskaashi.

Ka hor Muqdisho, Ra’iisal wasaaraha Ethiopia waxa uu horay socdaalo ugu tagay dalalka Jabuti, Kenya, Uganda, Sudan, Masar iyo Sucuudiga, si uu isbadal ugu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda, si la mid ah gudaha oo isbadallo ka hirgaliyey.

W/Q: Maxamuud Cabdi Diirshe

Khudbadda Farmaajo “Fadlan ii ogolow in aan halkan uga mahad celiyo ciidamadiina milatariga ee la shaqeeya AMISOM”

Muqdisho(SNTV):– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hadal jeedintiisii maanta ee shirkii sharaa’id ay sida wadajirka ah u qabteen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sidan ku bilowday:-

Fadlan ii ogolow in aan halkan uga mahad celiyo ciidamadiina milatariga ee la shaqeeya AMISOM sidii hagar la’aanta ahayd ee ay ugu horeen dagaalka la gula jiro kooxaha argagixisada ee khatar ku ah jiritaanka dowladnimada Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Xukuumadaydu waxay ka tarjumaysaa sidii ay dib u habayn horumarineed ugu samaysay dhinacyada amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta arimaha bulshada, taas oo dib u soo noolaynaysa nasiib wanaaga dalkeena. Inkastoo ay jiraan caqabado haysto maamulkayga hadana waxaan go’aansanay in aan si buuxda u isticmaalo fursad kasta oo la taaban karo si aan u sii wadno in Soomaaliya ay horay ugu sii socoto, mana jiri doono dib u dhac iyo wax na dhibaateeyo.

Waa inaan sii wadnaa iskaashiga iyo wadajirka si aan oga shaqeyno in aan ku guulaysano burburinta xuduudaha gobolka, la dagaalanka argagixisada iyo amni darada, iyo in aan helno waqti aan ku samayno isbedelka xaga dhaqaalaha ah iyo barwaaqaynta dalalkeena iyo guud ahaan gobolka.

Sidii aan ku wada hadalnay maanta Xukuumadaydu waa ay ka go’an tahay in ay horumariso iskaashi dhaqaale oo xoogan oo u dhexeeya labada dal.
Waxaana ku baaqayaa fulinta iskaashi dhaqaale oo buuxa oo ay yeeshaan labada dal si loo abuuro buu yiri Madaxwayne Farmaajo kobocin dhaqaale, iyo kor u qaadida maalgashiga iyada oo loo marayo horumarinta dhismaha sida dekadaha, wadooyinka, tamarta iyo ganacsiga.

Mudane Ra’isal wasaare ma jirto wadan ka mudan oo kaga fiican doorka ay dowladaada ka jirto sidii loo dejin lahaa dalkeena si looga faa’iidaysto nabada iyo xasiloonida Soomaaliya, itoobiya ma ahan oo kaliya in ay faa’iidada ku qabto xuduudka dheer ee aan wadaagno, balse waxaa naga dhaxeeyo waxyaabo fara badan oo wanaagsan sida qowmiyadaha, dhaqanka, bulshada, dhaqaalaha, nabadgelyada iyo siyaasadda oo aan soo wadaagnay qarniyo badan.

Waxaa jira baahi loo qabo hogaan aragti fog leh oo ka dhex jira labada dal, si loo xoojiyo isku xirnaanteena horey u jirtey ee danaha dadkeena ee labada dal.
Anigoo tixraacaya arintaa, waxa aan jeclaan lahaa in aan soo dhaweeyo siyaasadda cusub ee xukuumada Itoobiya, taas oo xoojinaysa siyaasadihii hore ee hada jira ee ku lug leh hawl gelinta xukuumadda federaalka, iyada oo ay dowlada raacayso labada siyaasadba.

Ugu dambeyntiina, waxaan jeclaan lahaa in aan si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyo la kulanka hogaamiyaha ugu da ‘yar ee gobolkayaga, Waxaan kugu amaanayaa waddada isbeddelka ah ee aad qaadatay oo aad kor ugu qaadeyso taageero kasta.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo sagootiyay Abiy Ahmed

Muqdisho(SNTV):–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sogootiyay Wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta booqasha rasmi ah ku yimid Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo booqashadiisa Soomaaliya aheyd hal maalin ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo si weyn uga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal,iskaashiga Ammaanka,dhaqaalaha iyo ladagalanka argagixisada.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya ayaa muujinaysa dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladaha caalamka.

Soomaaliya & Itoobiya oo gaaray heshiiyo dan u ah labada dal.

Muqdisho(SNTV):-Kadib kulan muhiim ah oo maanta muqdisho ay ku yeesheen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa lagu heshiiyay ilaa 16 qodob oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qodobada ay isku afgarteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kala ah:-

1.Hoggaamiyaasha labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal,Gobolka iyo guud ahaan caalamka,intii kulankoodi u usocday ayaa labad mas’uull waxay dib u soo cusboonaysiiyeen balanqaadyadii ahaa xoojinta  xiriirka ku dhisan walaltinimo,dhaqanka,derisnimada iyo istixgelinta labada dal.

2.Waxaa lagu heshisyay in dib loo soo cusboonaysiiyo xoojinta xiriirka ku dhisan wadashaqeynta guud,xiriirka Diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo la dhowrayo madax banaanida labada dhinac.

3.Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha Guddi ka shaqeeya iskashiga labada dal oo horey loogu heshiiyay,kaasi oo ah heer Wasiirro, waxuuna ka shaqeyn doona horumarinta ilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dhinacaba.

4.Sidoo kale hirgelinta xafiisyo diblomaasiyadeed iyo qunsuliyado ay labada dowladood si is dhaafsi ah uga sameynayaan magaalooyinka gobolada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya,fududeynta isdhexgalka bulshada sida socdaalka,gaar ahaan dhinacyada waxbarashada,ganacsiga,dhaqanka.

5.Waxaa la isla gartay muhiimadda iskaashiga horumarinta dhaqaalaha,iyadoo loo marayo maalgashi lagu sameysto labada dal,iyadoo hadafka uu yahay sidii barwaaqo loo gaari lahaa labada dal iyo guud ahaan qaaradda Afrika ugu dambeyntii.

6.Waxaa lagu heshiyay in meesha laga saaro aqabadaha ku horgudban horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal,si loo xaqiijiyo sugnaanta isdhexgalka dhinaca dhaqaalaha iyo in laga kala faa’idaysto awooda wax soo saar ee dadka,sidoo kale horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekedaha,waddooyinka.

7.Qodobka todobaad oo la isla soo hadal qaaday ayaa waxaa kamid ah dhiirogelinta maalgaashiga,gaar ahaan ilaa 4 dekedood,waxaa ay isku raaceen in si wada jir ah loo maalgashado ilaa afar dekadood oo muhiim ah oo kuyaalla Soomaaliya,dhismaha waddooyinka isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya,waxaana la dhisidoonaa guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta qodobada lagu heshiyay.

8.In laga faa’idaysto awoodda iyo fursadaha dhaqaale ee xagga suuqa,iyadoo la sameynayo maalgelin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay,taasi oo hadafkeedi uu yahay in fursado shaqo loo abuuro bulshooyinka labada dhinac.

9.In loo baahanyahay xoojinta nabadda iyo xasilooni waarta oo ay kunoolaadaan shacabka labada dal,la iskana kaashado la dagaalanka argagixisada,waxaana si wada jir ah loo cambaareeyey falalka argagixisanimo nooc kasta oo ay ahaadaanba.

10.Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay uga mahadcelisay dowladda Itoobiya ciidamadeeda oo qeybta ka ah AMISOM sida ay naftoodi ugu hureen in ay shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan cadowga Alshabaab.

  1. In mudnaan gaar ah la siiyo dowrka AMISOM ee nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya,waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in si wada jir ah looga hortago qatarkasta oo ku wajahan gudaha iyo dibadda,waxayna si wada jir ah ugu baaqeen dowladaha kale saaxiibada Soomaaliya in ay kaalintooda ka geystaan dib u dhiska iyo nabadeynta Soomaaliya.

12.Waxay si wada jir ah oo cad u sheegeen in dhankasta oo xushmeeyo madaxbanaanida dalka kale,iyo sharafta dhuleed iyo kala madaxbanaanida siyaasadeed,iyadoo loogu baaqay dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliyeed in si dhab ah uga wada shaqeeyaan midnimada iyo wada jirka Soomaaliya.

13.Arrimaha caalamiga ah,waxaa ay ugu baaqeen QM in ay la timaado  nidaam waxtar badan oo isku-dhafaan oo leh dib-u-habeyn iyo xoojin,

Iyadoo sidoo kale isku raacay in loo dodo wadamada Afrika dhibaatooyinka haysat in xal waara loo helo.

14.Raiisul wasaaraha Itoobiya ayaa ku ammaanay hoggaanka dowladda Soomaaliya sida ay uga dhabeeyeen balanqaadyadii ahaa in dalka horumar lagu soo dabaalo,waxaana uu xusay in dowladdu ay ku guuleystay in ay ka gudubto caqabado badan islamarkaana ay u jahaysatay dhanka horumarka.

15.Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey raiisul wasaaraha Itoobiya xilka cusub ee loo doortay dhawaan,wuxuuna Madaxweyne farmaajo ku booriyay in uu fuliyay qorshihiisa isbedelada ah iyo hadafka dheer,uuna noqdo mid waxtar uleh Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.

16.Madaxweyne Farmaajo oo ku hadlayay magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya ayaa u mahadceliyay raiisul wasaare Abiy Axmed Cali,kaasi oo dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey isaga iyo wafddigiisa.

Wafddiga Ra’iiusl wasaare Abiy Axmed Cali ayaa kulanka kadib dib ugu laabtay Dalkiisa Itoobiya,waxaan sagootiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda.

Raiisul wasaaraha Itoobiya oo madaxtooyada Soomaaliya shir kula leh madaxda sare ee Qaranka

0

Muqdisho(SNTV) Wafdiga uu hoggaaminayo raiisul wasaaraha Itobiya Abiy Axmed oo goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa haatan kulamo kula leh madaxtooyada Soomaaliya madaxda sare ee dalka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa waxay kulankoodi kaga hadlayaan arrimo ay kamid yihiin iskaashiga labada dowladooda,xoojinta xiriika ku dhisan iskaashiga labada dhinaca.

Wafddiga raiisul wasaaraha Itoobiay waxaa kamid ah Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Soo dhaweynta loo sameeyey wafdiga raiisul wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa ugu horeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdulaahi Framaajo,raiisul Wasaare Kahyre,xubno ka tirsan golayaasha kaladuwan ee dowladda,guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Wixii ku soo kordhay  waan idiin soo gudbin doonnaa, sidoo kale SNTV ayaad ka daawan kartaa.

Madaxda Qaranka oo Muqdisho ku soo dhaweysay raiisul wasaaraha Itoobiya+sawiro

Muqdisho(SNTV)- Waxaa goor-dhow Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho soo caga dhigatay Diyaarada siday wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Raiisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed,oo markii ugu horeysay soo gaaray Soomaaliya tan iyo intii la doortay.

Madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Waxay salaan sharaf ka qaateen ciidamada Bambayda,iyadoo si diiran loo soo dhaweeyey raiisul wasaaraha Itoobiya oo markii ugu horeysay booqasho rasmi ah ku yimaada Soomaaliya

Waa booqasho rasmi ah oo uu ku yimid Soomaaliya raiisul Wasaare Abiy Axmed kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka heley madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Arrintani ayaa ah talaabo weyn oo muujinaysa in Soomaaliya ay cagta saartay dhabihii horumar marka.

Tani ayaa ku timid isbedelada dhanka amniga ah iyo horumarka ka jira Soomaaliya,taasi oo horseeday in madax badan oo caalamka ka socda ay yimaadaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo maanta la ciiday Shacabka Muqdisho.

Muqdisho, June 15, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta socdaal ku tegay deegaanka Daaru-salaam, Xeebta Liido iyo Beerta Nabadda halkaas oo ay ku damaashaadayeen dadweyne u dabbaal degayay Farxadda munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Ra’iisul Wasaaraha oo beerta Nabadda kula hadlay shacabkii halkaa ku sugnaa ayaa ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul-Fidriga isaga oo ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen ciidamada ammaanka oo ay uga qeyb qaateen nabadgelyada Caasimadda iyo guud ahaan Dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si taa lamid ah ciidanka Suggidda amniga Caasimadda kula ciiday saldhigga ay ku leeyihiin Xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ciidanka uu kula qadeeyay.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kula dardaarmay ciidanka in ay sii laba jibbaaraan dadaalka ay ku sugayaan amniga si shacabku ay ugu noolaadaan nabad iyo xasilooni waarta.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo isweeydaarsaday hambalyada Ciidda

Muqdisho, 15ka Juun 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane CabifataaxSiciid Alsiisi, ayaa ugu hambalyeyay shacabka iyo hoggaanka dalkaas maalmaha barakeysan ee Ciidda Fidriga.

Madaxweynaha ayaa la hadalkiisa ku yiri “Waxaan u rajeeynayaa Masar iyo shacabkeeda aan walaalaha nahay horumar iyo baraaro joogta ah, annaga oo sidoo kale guul Alle u weydiinayna Golaha Xukuumadda Cusub ee dhawaan aad xilka u magacawday Madaxweyne.”

Dhankiisa, Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdifataax Alsiisi ayaa tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isagoona Alle uga baryey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdoodaba in u siyaadiyo xasilloonida, horumarka iyo isku duubnida.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalalka Masar iyo Soomaaliya, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u dul maray Madaxweyne Alsiisi, tallaabooyinka muuqda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qaadday xasilinta amniga iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.

Mudane Cabdifataax Alsiisi ayaa xaqiijiyey in dalkiisa Masar ay garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona muujiyay sida ay uga go’antahay in la joogteeyo, korna loo qaado xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarumo Caafimaad, Qalabna Gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.

Muqdisho, 15ka Juun 2018:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Isbitaallada Xoogga Dalka, Madiina iyo Rajab Dayib Erdogaan ayaa sheegay in dowladdu ay kaalin mug siineyso horumarinta iyo dib-u-habeynta goobaha iyo adeegyada caafimaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha oo warbixinno ka dhageystay Agaasimeyaasha iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday ayaa qalab caafimaad oo loogu tala galay gargaarka deg-degga ah iyo agabka wax lagu baaro waxa uu gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkan waxa uu dul istaagay xaaladaha bukaannada iyo dhawaacayada ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo shacabka lagu dabiibayo Isbitaallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliiska Soomaaliyeed.

“Dhaawacyadani waxa ay idin soo gaareen idinka oo difaacaya qarankeenna, dadnimadeenna iyo sharafteenna, waana arrin ay idiin ogsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladduba. Sidaas darteed, waxaan idiin xaqiijinaya in aan markasta dadaal ugu jirno daryeelkiinna caafimaad.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo askar dhaawac ah kula hadlay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha qalliinka, raajada, bukaan-jiifka iyo kaydka ee Isbitaallada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Madiina iyo Rajab Dayib Erdogaan, isagoona sidoo kale dul istaagay qeyb cusub oo dhawaan loo dhameystiray Isbitaalka Xoogga Dalka oo ay u idil yihiin agabyada qalliinka, bukaan-jiifka iyo daaweynta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaallada uu kormeerka ku tagay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada.