Turkiga Oo Ka Faa’iday Inqilaabkii Fashilmay, Dowlad Xoog leh iyo Horumar “Sawirro”

Date:

Muqdish (SNTV) 15-ka bisha July maanta oo kale waxa ay ku beegan tahay maalintii uu dhacay weerarkii inqilaab ee ka dhacay dalka Turkiga, taasi oo kasoo wareegatay labo sano, waa sanad-guuraddii kasoo wareegatay markii uu dhacay iskuday inqilaab ee dalka Turkiga ee aan walaala nahay iyadoo nasiib wanaag inqilaabkaasi uu fashilmay.

15-ka Bisha sanadkii 2016-kii ayay ahayd taariikhda rasmiga ee uu dhacay inqilaabka kaasi oo lagu eedeeyo inuu ahaa mid ay kasoo shaqeeyeen Fetullah Gülen iyo kooxdiisa argagaxisada, oo loo yaqaano FETO oo laga soo gaabiyay Gülenist Terror Grou.

Weerarka inqilaabka ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 250 qof halka in ka badan 2,000 oo qof ay ka badbaadeen iyagoo dhaawacyo kala gedisan ay kasoo gaareen mashaqada inqilaabka Turkiga.

Saacadihii uu socday inqilaabka ayaa waxaa la weeraray, tiro kamid ah xarumaha hay’adaha ugu muhiimsan ee dowladda Turkiga oo ay kamid ahaayeen Caqalka Madaxtooyada, Golaha Shacabka iyo xarumaha Booliiska iyo Sirdoonka Qaranka Turkiga waxaana weeraradaasi gaystay ciidamo u muuqday kuwo qabsanayay xarumahaasi.

markii ay soo if baxday in laga guuleystay cadowga dimuqraadiyadda, islamarkaana la xaqiijiyay in masiibo la mid ah aysan dalkaasi soo ka dhicin markale, ayaa waxaa la helay in ay weli jirto howl xasaasi ah.

waxyar kadib markii uu fashilmay inqilaabka, waxaa dalka Turkiga la geliyay xaalad deg-deg ah si loo helo salka wixii ka dhacay si looga hortago weeraro mustaqbalka lagu soo qaado dimuqraadiyadda Turkiga.

Malaayiin Turkiyiin ah ayaa u istaagay si ay usameeyaan taariikhda iyagoo kor usoo qaaday noloshooda si loo badbaadiyo guud ahaan qaranka Turkiga.

Maxaa yeelay Shacabka Turkiga waxa ay ogaayeen in hogaamiyahoodu uu yahay Rajab Dayyib Erdogan taasi oo sahashay markii ay maqleen waxa ay isa soo tubeen waddooyinka si ay u fashiliyaan inqilaabka.

Markii ay ka war heleen in la inqilaab dhacay, waxa ay isa soo tubeen waddooyinka iyagoo ka hortagay si ay dalkooda u badbaadiyaan.

Muwaadiniinta ka soo kala jeeda jinsiyado kala duwan xagga dhaqamada iyo siyaasadaha, ayaa si wadajir ah uga hortagay si ay u wajahaan ciidamada sameeynayay inqilaabka.

labo sano oo haatan kasoo wareegatay markii inqilaabka la fashiliyay ayaa  dowladda Turkiga waxa ay ka qaadi doontaa xaaladda deg-degga ah ee ay soo rogtay waxaana todobaadka soo socda la qaadi doonaa xaaladdii deg-degga (state of emergency) sida uu balanqaaday madaxweyne Rajjab Dayyib Erdoğan 24-kii bisha June oo ku beegnayd maalintii isaga dib loo doortay isagoo helay 52.6% codadka doorashada.

Haddii Iskudayga inqilaabka 15-ka July uu ka dhacay dal leh hay’ado tabar daran ayna ka jirto dhaqan dimuqraadiyadeed oo aad u yar, waxaa si dhaqso leh u burburi lahaa dhaqaalaha, iyadoo uu meesha ka bixi lahaa guud ahaan hanaanka siyaasadda iyadoo sidoo kale ay soo wejihi lahayd nabadgelyada ay maanta haystaan shacabka Turkiga.

Marka arrimahaasi ayaa ah kuwa u baahan in si taxadar leh isha loogu hayo, gaar ahaan weeraradii lagu qaaday dimuqraadiyadda Turkiga iyo maanta sida ay xaaladdu tahay, waxaana guusha Turkiga aas aas u ah dulqaadka iyo biseeylka ay muujiyeen si ay uga gudbaan dhibaatooyinkii loo maleegay.

Dalka Turkiga oo kamid ah Nato ayaa ah dalka keliya oo si isku mar ah ula dagaalama saddex kooxo oo kuwa argagaxisada lala xiriiriyo kamid ah, waxa ay dharbaaxo xoogleh ku dhufatay PKK iyadoo guullo kasoo hoysay weerarkii xagga dhulka ahaa oo ay ku qaaday saldhigyada Daacish ee gudaha Suuriya.

Majirin weerar argagaxiso oo ka dhacay Turkiga wixii ka dambeeyay bishii Diseember ee sanadkii 2016-dii iyadoo dhaqaalaha Turkiga uu noqday kan ugu koboc ballaaran ee dunida sanadkii 2017-dii waxaa kordhay boqolaalo kun oo shaqooyin cusub ah.

Afti ayaa loo qaaday Dastuurka wadanka Turkiga iyadoo doorashooyinka baarlamaaniga iyo kuwa madaxweynenimada ay si nabadgelyo leh uga dhaceen dalka Turkiga.

Waa maalin lagu farxo oo ay faca dambe mustaqbalka Turkiga xasuusan doonan taariikhdan.

Turkiga waxa uu awood uleeyahay inuu ka adkaado naxdintii inqilaabkii 15-ka July, 2016-kii oo ku beegab maanta. waxaana taasi loogu mahadcelinayaa xukunka adag ee hogaaminta hufan ee madaxweynaha shacabka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyo ballanta adag ee uu uqaaday shacabka Turkiga ee ah inuu ku hogaaminayo dhinaca dimuqraadiyadda islamarkaana uu dhisayo hay’ado leh awood adag oo hufnaan iyo howlkarnimo intaba howlahooda ay ku dheehan tahay.

W/D. SNTV/Muxamednur Mucalim Muxamed (Johannesburg)

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...